Kaaliyaha Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Booqday Saldhig Ciidan oo ku yaala Soomaaliya

3 Sep 2023

Kaaliyaha Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Booqday Saldhig Ciidan oo ku yaala Soomaaliya

Dhuusamareeb – Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee qaybta Taageerada Hawlgalladda, Mr Atul Khare, ayaa shalay booqday mid ka mid ah Saldhigyada ciidan ee Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). Booqashadan oo uu ku tagey qeybta Afaraad ee howlgalka, waxaa kale oo uu kulan la qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Saldhigan oo ay hada maamulaan ciidamada Difaaca Qaranka Jabuuti, ayaa ka mid ah kuwa la qorsheeyay in lagu wareejiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) inta lagu guda jiro wajigii labaad ee dhimista Ciidamada ATMIS oo Bishan dhaceysa. Qorshihii Wajigii koobaad ayaa si guul ah ku soo idlaaday dhamaadki bishii June iyadoo dalka laga saaray 2,000 oo askari.

Intii ay ku guda jireen kormeerka waxaa warbixin kooban oo ku saabsan taariikhda saldhigaasi siiyey Taliyaha Saldhiga Gaashaanle Cali Ibraahim Cali. Saldhigan oo la aas aasay xiligii doorashada, ayaa sii wadey hawlaha sugida amaanka Dhuusamareeb.

Gaashaanle Cali ayaa uga mahadceliyey UNSOS taageerada saadka ee ay siiso ATMIS iyo ciidamada amaanka Soomaaliya (SSF), isagoo ku nuux-nuuxsaday doorka ay taageeradani ka ciyaareyso horumarinta nabadda dalka.

Mr. Khare ayaa sidoo kale muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay tababarka iyo hagidda ATMIS ay siiso ciidamada amaanka Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada ka dhanka ah kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab. Waxaa uuna kormeeray qalab ay Qaramada Midoobay leedahay oo loogu talagalay in loogu deeqo ciidamada amaanka Soomaaliya, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay qalabaynta ciidamada amaanka Soomaaliya iyo hubinta in ay si hufan u isticmaalaan una dayactiraab agabka la siiyey. Mudane Khare ayaa ku nuux nuuxsaday in kala guurkan uu muhiim u yahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya si ay ula wareegaan mas’uuliyadooda amni ee dalka.

“Markaad ka baxaysaan, dadaalkeenu waa in aan hubinno in CXDS aan gaadhsiiney awoodii ay kula wareegi lahaayeen talada maadaama ay tani tahay mas’uuliyadooda qaran. Taasna waxay u baahan tahay laba arrimood: Tayaynta CXDS iyadoo loo marayo tababar iyo waxbarasho iyo qalabeyn taas oo la'aanteed aan tababarku faa'iido lahayn," ayuu yidhi.

Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika (SRCC) u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa ATMIS, Danjire. Mohamed El-Amine Souef ayaa uga mahadceliyey Mudane Khare booqashadiisa Dhuusamareeb iyo kulankii uu la qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu xusay in wada shaqaynta joogtada ah ee ka dhaxaysa ATMIS, Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo CXDS, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga noocan oo kale ah si loo gaaro yoolka la higsanayo.

"Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ATMIS ayaa labaduba ka mahadceliyey taageerada ay ka heleen UNSOS iyo sidoo kale iskaashiga aadka u wanaagsan ee saddex geesoodka ah ee ka dhaxeeyo #CXDS, ATMIS iyo UNSOS,"

Mudane Khare ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyey Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Dr Aisa Kirabo Kacyira, Madaxa UNSOS, La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali iyo Madaxa Xafiiska Madaxtooyada Mudane Cabdixakiim Yuusuf iyo Madax kale oo badan oo uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding iyo ku xigeenka taliyaha booliska ee ATMIS Martin Amoru.

Booqashadan iyo wadashaqeynta joogtada ah ee hay’adaha caalamiga ah iyo dowladda Federaalka ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay xasilinta iyo sugidda amniga Soomaaliya, taasoo ah tallaabo muhim ah oo loo qaaday nabad waarta oo ka dhalata gobolka.

Article type