UNSOS Ayaa Shaqaalaha ATMIS iyo Kuwa MOVCON Bartey Sida Loo Maareeyo Shixnadaha Khatarta ah

5 Jul 2023

UNSOS Ayaa Shaqaalaha ATMIS iyo Kuwa MOVCON Bartey Sida Loo Maareeyo Shixnadaha Khatarta ah

Muqdisho - Nadiya Omar (ma aha magaceda dhabta ah) hamigeedi dhalinyarnimo ee ahaa in ay ka shaqayso caafimaadka bulshada waxaa ay u badashey xirfada duulista Hawada, waxayna hada ku qorantahy xarunta Qaramada Midoobay ee garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho halkaas oo ay shaqyaso qaybta la lasocodka Duulimaadyada.

Kadib marki ay ka qalainjabisay culuumta cafimaadka bulshada, gabdhan da’deedu dhexdhexaadka tahay ayaa hada waxay la shaqeysaa qaybta Xakamaynta Dhaqdhaqaaqa (MOVCON), oo ah waaxda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka dhaqdhaqaaqa xamuulka iyo shaqaalaha.

Waxaan xiiso u yeeshay waaxda gaadiidka, hadana waa rajadayda mustaqbalka" ayay tiri Nadia, iyada oo tilmaamaysa daruuraha.

Maanta waxa ay ka mid tahay koox ka kooban 40 shaqaale oo qaadanayo tababar aad uheer sareeyo oo ku celis ah oo lagu barayo sida loo mareeyo badeecoyinka khatarta ah ee hawada la mariyo.

Tababarkan oo ay fududeyneyso Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya, ayaa waxa u xooga saraya shaqalaha nabad-ilaalinta Midowga Afrika, kuwa QM iyo shaqaalaha rayidka ah sida Nadia, kaasi oo ujeedkisu yahey kor u qadista xirfada aqooned ee badbaadada, amniga iyo in si hufan loo maareeyo Shixnada khatarta ah.

“Fikrada guud ee tababarkan ayaa ah in lahubiyo in qaybta saadka ee UNSOS, taas oo maamusha dhaqdhaqaaqyadaay, ay fuliso dhamaan xeerarka caalam sida xeerka Hay'adda Duulista Rayidka ee Caalamiga ah iyo Ururka Duulista Hawada ee Caalamiga ah," ayuu yiri Kamlesh Taank, oo ah Khabiir dhinaca badeecoyinka khatarta ah.

Tababarka waxaa loo qorsheeyay in lagu kordhiyo wacyiga shaqaalaha duulista hawada dhinaca xeerarka caalamiga ah iyo hababka loo maareeyo, diyaariyo, iyo kaydinta shixnadaha. Inta lagu  jiro hawlgallada nabad ilaalinta, waxaa si joogto ah hawada loo mariyaa shixnado Khatarta ah, sidaasdarteed kuwa ka shaqynaya wa in ay helaan wacyi ku haboon si looga fogaado khatar ku imaata diyaradda iyo rakaabkaba.

Ka qaybgalayasha tababarku waxa ay heleen xirfado ku sahabsan ku qorista xogta alaabta, shurudaha guud ee Cabeynta alaabta, Sharciyada alaabta, u kala diyaarinta goobaha ay ukala socdaan sida Gobalada iyo hababka xaaladaha dagdaga ah iyo kowo kale.

Obadiah Komen, oo ah sarkaal u hoggaansanaanta farsamada, ayaa xusay in tababarkan uu yahay mid lagu xaqiijinayo in howlgallada UNSOS ee dalkan Geeska Afrika ay gaarsiiyaan heer caalami ah.

Tababarka ku celiska ah waxaa uu xaqiijinayaa oo uu kugu hagayaa in dad aqoon u leh oo sax ah ay maamulayaan badeecoyinka khatarta ah iyo in dhamaan warqadaha xogta lagu diyaariyo ay si sax ah udiyaarsanyahiin.” ayuu yidhi Komen adding. “Diyaarinta Xogta iyo ku shaqeynta warqadaha waa lafdhabarta dhamaan shaqoyinka QM. Hadii aan si habsimi ah waraaqaha xogta loogu diyaarin waxaa dhici karta marka la maamulayo Shixnadaha khatarta ah inuu shil yimaado. Shilalka badanaa waxey dhacaan marka aan waraaqada xogta lagu dhajinin ama aan fariin saxan lagu qorin waraaqda.”

Waaxda duulista hawada, badeecdaha khatarta waxaa loo qaybiya sagaal qaybood iyadoo laga eegayo baaxada katarta ay ku leyihiin cafimadka dadka,amaanka,hantida iyo deeganka, kuwaas o ay ka midyihiin walxaha qarxa,gaaska, dareerayasha gubankara iyo adkaha, oksaydhiyeyaasha, sunta iyo walxaha faafa, walxaha shucaaca leh, walxaha daxalka ah, iyo walxaha khatarta ah ee kala duwan.

Shixnadaha khatarta ah inta badan waxay u baahanyihiin maamul iyo gaadiida khas ah, si aysan udhicin khatar soo gaadha deeganka ama hantida. Marka la eego warbixinta IATA, in ka badan 1.25 milyan Shixnad ookhatar ah ayaa lagu mariyaa hawada sanad walba.

Tababarkan waa mid muhiim ah, sababtoo ah ciidamadu waxay dhoofiyan/qadaan badeecooyin khatar ah xiliga dagaalka , sida shidaalka, rasaasta iyo kuwo kale," ayuu yiri Taank.

Tababarkan wuxu kamid yahay Shuruucda IATA ee heer caalami ah kuwaas oo ay labadi sanaba mar dib u eegis kusameeyan laguna tababaro dhamaan dadka ka shaqeeya maamulka Shixnadaha khatarta ah sida kuwa Diyaariyo, kuwa qabta, kuwa gudbiya iyo kuwa raro.

Article type