ATMIS ayaa billaabay Wajigii Labaad ee Dhimista Ciidamada – Waxeyna Saldhiga Biyo Cadde ku wareejiyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya

20 Sep 2023

ATMIS ayaa billaabay Wajigii Labaad ee Dhimista Ciidamada – Waxeyna Saldhiga Biyo Cadde ku wareejiyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya

Hirshabeelle – Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa Axadii billaabay wejigii labaad ee dhimista  ciidamada Soomaaliya, iyagoo Saldhigga Biyo Cadde ku wareejiyey Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Saldhigga Biyo Cadde oo ku yaalla Gobolka Shabeellada Dhexe, isla markaana hoos yimaada Aagga Mas’uuliyadda Ciidamada Difaaca Qaranka Burundi (BNDF) ayaa ah mid istiraatiiji ah, maadaama uu ku yaalo meel laga waardiyeeyo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sar sare oo ka kala socday hawlgalka ATMIS, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya (DFS) iyo xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOS.

Taliyaha ATMIS ee saldhiga Biyo Cadale, G.dhexe Philippe Butoyi oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in wareejinta mas’uuliyadda amniga ay cadeyn u tahay in hoggaanka Soomaaliya ay ka go’antahey dib u dhiska dalka, ilaalinta shacabka, xaqiijinta amniga iyo xasilloonida.

“Waxaan markhaati ka nahey is-beddellada ka dhacay furimaha dagaalka oo ay ciidamada amaanka Soomaaliya muujiyeen awooddooda sii kordheysa ee ku aaddan sugidda amniga dalka. Waxaan aragnay ciidamada oo weeraraya, qabsanaya oo gacanta ku haynaya dhulkey qabsadeen,” ayuu yiri G.dhexe. Butoyi.

Waxa uu intaa ku daray in “Ciidanka Amaanka Soomaaliya ee sida xirfadeysan u tababaran aadna loo qalabeeyay ay yihiin kuwa wax ka beddelaya dagaalka lagula jiro argagixisada Soomaaliya.”

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee saldhiga Biyo Cadde, Kabtan Axmed Cali Taakow, ayaa saxiixay dukumentiga xil wareejinta ah oo cadeyn u ah xil wareejinta mas’uuliyadda amniga, waxaana goobjoog ka ahaa wakiil ka socday Xarunta sare ee ATMIS, G.dhexe. Edouard Nzohabonayo, Madaxa UNSOS ee waaxda Qorshaynta Kala-guurka, Patrick Duah, iyo Ku-xigeenka Madaxa Waaxda Hawlgallada ee CXDS, G. Muxudiin Axmed.

Wakiilka CXDS, G. Muxudiin Axmed, ayaa uga mahadceliyey Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah ATMIS edebtooda iyo ka go’naanshahooda sugida amniga Dowlad goboleedka Hirshabelle.

“Waxaad noo hurteen naftiinna oo dhiigiina ayaa noo daadinaysaan si aad cadowga uga difaacdaan dhulkeenna. Idinka ayaa sabab u ahaa in aan hadda sii xoogeysano, maantana waxaan la wareegaynaa mas’uuliyadda amniga Biyo Cadde” ayuu yiri.

Intii ay xil wareejintu socotay ayaa hay’adda UNSOS oo ka taageerta dhanka saadka ATMIS waxa ay sidoo kale ku wareejisay qalab ay Qaramada Midoobay leedahay oo ay ka mid yihiin, Matoor, Warshad biyaha sifeeya, Solaro, ceel riig ah, talaajado, qaboojiyaal, haamaha kaydka biyaha iyo waxyaalo kale.

“Iyada oo qayb ka ah hannaanka xil-wareejinta, UNSOS waxa ay qalab ay Qaramada Midoobay leedahay siisey ciidamada XDS oo ay ka wareejisey ATMIS. UNSOS waxa ay sidoo kale tababar u qabatay saraakiisha CXDS si ay ugu suurtagasho in ay ku shaqeeyaan oo ay dayactiraan qalabkaas,” ayuu yiri Madaxa waaxda Qorsheynta Kala-guurka ee UNSOS, Patrick Duah.

Dhimista ciidamada ATMIS waxay daba socotaa go'aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay: 2628 (2022), 2670 (2022), iyo 2687 (2023), kaas oo faraya ATMIS inay soo saarto laba kun oo askari marka la gaaro Juun 2023 iyo saddex kun oo dheeraad ah dhammaadka Sebtembar 2023.

Wajigii kowaad ee guulaystay ayaa la dhimey 2000 oo ciidan milatari ah iyo wareejinta lix saldhig bishii Juun 2023.

 

Article type