Taageerada Ingiriiska ee Ciidamada ammaanka Soomaaliya:Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday 5 milyan oo gini oo dheeraad ah oo lagu taageerayo ciidamada ammaanka Soomaaliya

20 Sep 2023

Taageerada Ingiriiska ee Ciidamada ammaanka Soomaaliya:Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday 5 milyan oo gini oo dheeraad ah oo lagu taageerayo ciidamada ammaanka Soomaaliya

Mogadishu - Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday 5 milyan oo dheeri ah oo lagu maalgelinayo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) Sanduuqa Horumarinta si loogu taageero Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

Deeqdan cusub ayaa lagu shaaciyay kulan dhexmaray La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali iyo Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka Boqortooyada ingiriiska ee Arrimaha Caalamiga, Dame Sarah MacIntosh oo booqasho ku timid Soomaaliya usbuucii hore.

Maalgelintan waxay xoojineysaa kaalmada la taaban karo ee Boqortooyada Ingiriiska ilaa hadda Siiso Sanduuqa hormarinta ee UNSOS, kaas oo dhinaca saadka ka taageero CXDS sida taageerada Raashinka, Hoyga, iyo taageerada naf badbaadinta caafimad. Maalgelinta Boqortooyada Ingiriiska waxey taageero joogto siin doontaa ah howlgallada ka dhanka ah al-Shabaab. sidoo kale waxay ka caawin doontaa Ciidamada Ammaanka Soomaaliya sidey uhormarinlahaayeen tayadooda marka ay qaadaan mas’uuliyadda weyn ee amniga.

Ku xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka, Dame Sarah MacIntosh, ayaa tiri:

Iskaashiga amni ee Boqortooyada Ingiriiska iyo Soomaaliya ayaa muhiim u ah soo celinta xasiloonida iyo amniga Soomaaliya iyo gobolka.

Boqortooyada ingiriiska waxay sii wadi doontaa taageerada dadaallada ay Soomaalidu hormuudka ka tahay ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo soo celinta xasilloonida meelaha laga qabsaday ee dalka.

Boqortooyada Ingiriiska waxay sii wadaysaa taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya si ay u raadiso Soomaaliya xasilloon oo ammaan ah. Iskaashiga Boqortooyada Ingiriiska iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta ayaa Soomaaliya u horseedaya mustaqbal ifaya.

Qoraalada ku socda Tifaftirayaasha

  • Horumar la taaban karo ayaa Soomaaliya laga sameeyay tobankii sano ee la soo dhaafay. Beesha caalamka waa iney sii wadaa ka go’naanshaheeda taageeridda himilooyinka Soomaaliya ee ah in la helo amni waara oo la awoodi karo lana isku haleyn karo. Hadafkeena oo wadajiro waa inuu noqdaa taageerida qorshaha kala guurka amni ee masuuliyada amni looga wareejinayo ATMIS looguna wareejinayo Ciidamada Amaanka Soomaaliya.
  • Boqortooyada Ingiriiska waxa ay Soomaaliya siisaa taageero laba geesood ah si ay u kordhiso dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab. Boqortooyada ingiriiska waxay bahwadaag la tahay Ciidanka Amaanka Soomaaliya (SSF) iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyadoo loo marayo Sanduuqa horumarinta ee UNSOS.
  • Tan iyo 2022 Boqortooyada ingiriiska waxa ay ku deeqdey in ka badan 10 milyan oo ginni oo lagu taageerayo Ciidamada Amaanka Soomaaliya iyada oo loo sii marinayo Sanduuqa horumarinta eeUNSOS.
  • Boqortooyada ingiriiska waxay sidoo kale bixisaa tabaruc laba geesood ah oo loogu talagalay gunnada millatariga ee ATMIS, iyadoo  bixisa in ka badan £ 47 milyan tan iyo 2022.
  • Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan iskaashiga horumarinta ee Boqortooyada Ingiriiska iyo Soomaaliya ayaa laga heli karaa halkan here.
 

Article type