Xoghayaha Guud -- Fariinta Maalinta Deegaanka Adduunka

5 Jun 2023

Xoghayaha Guud -- Fariinta Maalinta Deegaanka Adduunka

Maalintan deegaanka aduunka waa baaq lagu yareynayo wasakhowga caagga ah.

Sannad kasta, in ka badan 400 Milyan oo tan oo baco ah ayaa laga soo saaraa adduunka - saddex meelood meel ka mid ah waxaa la isticmaalaa hal mar oo kaliya

Maalin kasta cadad ka badan 2000 oo baabuurta oo qashin baco ah  ayaa lagu shubaa badaheena, wabiyadeena iyo harooyinkeena.

Natiijadu waa masiibo.

Walxaha bacaha ka sameysan waxay galaan cuntada aan cunno, biyaha aan cabno, iyo hawada aan neefsano.

Caagu waxaa laga sameeyaa walxaha looyaqaano fosilka – markasta oon gubno fosilka waxaa kordhineynaa wasakhawga cimilada.

Laakiin waxaan haynaa xal.

Sannadkii hore, bulshada caalamku waxay bilaabeen inay ka wada xaajoodaan heshiis sharci ah oo lagu joojinayo wasakhowga caagga ah.

Tani waa tillaabadii koowaad ee na rajo-gelineyso, laakiin waxaan u baahanahay dhammaanteen in aan gacmaha isqabsano.

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan deegaanka ayaa muujineysa in aan hoos u dhigi karno wasakheynta caagga ah 80% marka la gaaro 2040-ka - haddii aan hadda bilawno in aan dib u isticmaalno, dib u warshadeynno, dib u habeynno, oo aan ka badalno qaab isticmaalkii caagadaha.

Waa inaan u shaqaynaa sidii hal far oo kale ka dowlad ahaan, shirkad ahaan iyo macaamiishaba si isku mid ah - si aan u jebino balwadda ah isticmaalka caaga/bacaha, oo aan ku guulaysano inaan gaarno dhameynta qashinka, oo aan dhisno dhaqaale wareeg ah oo dhab ah.

 

Article type