Maalinta Caalamiga Ah Ee Nabad-Ilaaliyayaasha Qaramada Midoobay

29 May 2023

Maalinta Caalamiga Ah Ee Nabad-Ilaaliyayaasha Qaramada Midoobay

Saaxiibadeena Nabad-Ilaaliyayaasha Ah,

Maalintan gaarka ah ee nabad-ilaalinta, waxaan dhammaantiin idinku hambalyeynayaa naf-hurnimadiina iyo ka qaybqaadashadiina joogtada ah ee nabadda adduunka gaar ahaan geeddi-socodka nabadda ee Soomaaliya.

Anagoo xusayna sanadkan maalinta caalamiga ah ee nabad ilaalinta Qaramada Midoobay, anigoo ku hadlaya magaca Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan hadda akhriyay fariinta Xoghayaha Guud.

“Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay waa kuwa fulinaya go’aanadeena ah helida duni nabdoon. Muddo 75 sano ah, waxay taageerayeen dadka iyo umadaha ay gilgileen colaadaha iyo kacdoonnada adduunka.

Maanta, oo ku beegan Maalinta Caalamiga ah ee Nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay, waxaan sharfeynaa wax qabadkooda aan caadiga ahayn ee nabadda iyo amniga aduunka.

Laga soo bilaabo 1948dii, in ka badan laba milyan oo nabad-ilaaliyeyaal ah ayaa ka qayb qaatey 71 hawlgal, iyagoo ka caawinaya waddammada inay ka gudbaan xaaladaha adag ee dagaalka una gudbaan nabad.

Waxay sidoo kale muhiim u yihiin ilaalinta dadka rayidka ah ee ku jira fowdada iyo dagaalada adag iyagoo siinaya rajo nololeed iyo caawinta kuwa ku jira meelaha aduunka ugu khatarta badan.

Markii ay gudanayaan shaqadan muhiimka ah, nabad-ilaaliyeyaal badan ayaa bixiyay qiimaha ugu sarreeya. In ka badan 4,200 oo nabad-ilaaliyeyaal ah ayaa naftooda ku waayey iyagoo ku adeegaya calanka Qaramada Midoobay. Waxaan u taagannahay qiimeynta iyo garab istaagga qoysaskooda iyo asxaabtooda, waxaana weligeen ku faaneynaa sida naf-hurnimada leh ee ay naftooda ugu hureen dhalinta nabadda.

Maanta, in ka badan 87,000 oo nabad ilaaliyayaal ah oo ka socda 125 waddan ayaa ka qaybqaadanaya 12 hawlgal. Waxay wajahayaan xiisado caalami ah oo sii kordhaya, kala qaybsanaan, geeddi-socod nabadeed oo fadhiid ah, iyo iskahorimaadyo aad u adag.

Iyadoo ay jiraan caqabadahaas, iyo la shaqeynta saaxiibo badan oo kala duwan, hadana nabad ilaaliyayaashu waa ay adkaystaan.

Dadka ku hoos nool khilaafyada, kooxaheena Koofiyadaha buluuga ah waxay siiyaan rajo.

Maadaama ay nabad-ilaaliyayaashu taageeraan bini-aadminimada, aan mar walba taageerno oo aan aqoonsanno”.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa dareenkiina iyo ka soo qaybgalkiina .

Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Aisa Kirabo Kacyira

Article type