Tababbarka Kobcinta Awoodda Ciidamada Amniga Soomaaliya

11 May 2023

Tababbarka Kobcinta Awoodda Ciidamada Amniga Soomaaliya

Muqdisho Dabayaaqadii bishii April, Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa tababar socday saddex maalmood oo lagu tabobarayay ciidamada ammaanka Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa sida loo isticmaalo hanaanka casriga ee falanqynta xogta (Power BI) si ay u sameeyaan falanqaynta xogta.

Tababarkan oo socday 26-kii, 27-kii iyo 29-kii bishan April, ayaa waxaa ka qeyb galay 16 arday oo 7 ka mid ah ay ahaayeen Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, 4 na Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyo 5 Arday oo ka socdey Hawlgalka kala guurka ah ee midawga  Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Barnaamijka tababarku wuxuu qayb ka ahaa waajibaadka UNSOS ee ku aaddan ka qayb qaadashada horumarinta xirfadda iyo tayaynta ciidamada ammaanka Soomaaliya, taasoo qayb ka ah hannaanka kala-guurka.

UNSOS waxay u maamushaa dadaallada lagu dhisayo awoodda dhaadhicinta, iyadoo qaybo kala duwan ay ka qayb qaadanayaan dadaalka ku salaysan khibradahooda. Waxa kale oo jira hanaankale oo casri ah (dashboard BI) oo lagula socdo xogta alaabada kaydka ah iyadoo wax kasta u ogolaaneyso iney xog guud ka heystaan keydkooda taasoo dhaadhicineyso awooda.

Mid ka mid ah meelaha mudnaanta ay siineyso UNSOS waa maareynta macluumaadka iyo sameynta hanaan casriga ah (dashboards) iyada oo loo marayo BI.

Ujeedada barnaamijka tababbarka hanaanka casriga ee falanqynta xogta (Power BI) waxay ahayd in lagu qalabeeyo ka qaybgalayaasha xirfadaha iyo aqoonta lagama maarmaanka u ah si ay u falanqeeyaan xogta oo ay u gaaraan go'aamo xog ogaal ah oo ku salaysan fikradaha la helay. Intii uu socday tababarku, ka qaybgalayaashu waxay barteen sida loo isticmaalo Power BI si ay u soo dejiyaan, u beddelaan, iyo u falanqeeyaan xogta laga heley ilo kala duwan, oo ay ku jiraan xogaha qoran, goobaha internetka, iyo qaababka kale ee xogta. Waxaa sidoo kale la baray sida loo abuuro dashboards iyo warbixinno siinaya aragtiyo ku saabsan tilmaamayaasha waxqabadka muhiimka ah (KPIs) iyo cabbirro kale oo muhiim ah.

Isticmaalka falanqaynta xogta ee qaybta amniga ayaa noqotay mid sii kordheysa oo muhiim ah sannadihii ugu dambeeyay, maadaama ay u oggolaanayso ciidamada ammaanka inay si fiican u fahmaan qaababka iyo isbeddellada fal-dembiyeedka, ogaadaan khataraha iman kara, ugana jawaabaan dhacdooyinka si degdeg ah oo waxtar badan. In kasta oo tabobarku socday muddo gaaban, haddana faa'iidooyinku waxay ahaayeen kuwo muhiim ah. Ka qaybgalayaashu waxay awood u yeesheen inay adeegsadaan xirfadaha iyo aqoonta ay heleen si ay u falanqeeyaan xogta la xiriirta heerka dembiyada, dhacdooyinka, iyo arrimaha kale ee la xiriira amniga ee gobolladooda.

Hab iskaashi ah

Barnaamijka tababarka ayaa lagu qabtay jawi iskaashi ah oo kobciyay wada shaqaynta kooxaha iyo xidhiidhka ka dhexeeya ka qaybgalayaasha.

Markay si wadajir ah u wada shaqeeyeen oo ay wadaageen khibradahooda iyo aqoontooda, ka qaybgalayaashu waxay awoodeen inay midba midka kale wax ka barto oo ay horumariyaan fahamkooda si qoto dheer oo ku saabsan sida loo isticmaalo Power BI si ay u fuliyaan masuuliyadooda.

Wadashaqeynta Kooxda

Xiisaha sare ee ka soo qaybgalayaashu ay muujiyeen awgeed, UNSOS waxay u muddaysay dufcad cusub oo tababar ah dhamaadka bisha May 2023. Tani waxay daliil cad u tahay guusha laga gaadhay barnaamijka tababarka iyo qiimaha ay ka soo qaybgalayaashu siiyeen xirfada iyo aqoonta. way kasbadeen. Dufcadan cusub ayaa la filayaa in ay soo jiidato dad badan oo ka qaybgalayaal ah, taasoo wax weyn ka tari doonta horumarinta laamaha amniga Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo, barnaamijka tababarka hanaanka casriga ee falanqynta xogta (Power BI) ee ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa tusaale cad u ah sida ay QM uga shaqeyso sidii ay u taageeri lahayd horumarinta laamaha amniga Soomaaliya. Iyadoo lagu qalabeynayo ciidamada amniga Soomaaliya xirfadda iyo aqoonta lagama maarmaanka u ah, UNSOS waxay gacan ka geysaneysaa abuurista jawi nabdoon oo ammaan ah oo ay helaan dadka Soomaaliyeed.