UNSOS Oo Soo Gabagabaysay Tababar Ku Saabsan Wada-Shaqeynta Saraakiisha ATMIS Iyo Kuwa Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed

16 Oct 2022

UNSOS Oo Soo Gabagabaysay Tababar Ku Saabsan Wada-Shaqeynta Saraakiisha ATMIS Iyo Kuwa Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed

Muqdisho – Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa tababar ku saabsan sidii ay Uwadashaqeyn lahaayeen siisey saraakiisha Ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA), si kor loogu qaado aqoontooda iyo xirfadahooda xagga Maareynta Howlgallada, qaabka warbixin siinta Taliyeyaasha iyo Amniga Internetka.

Tababarkan wuxuu qayb ka ahaa taageerada UNSOS ee kor u qaadista awoodda hawlgallada wadajirka ah iyo iskudubbaridka ciidamada ATMIS iyo kuwa SNA ee isbadalka socda ee Somaliya.

Tababarka ayaa ujeedadiisu ahayd in sare loo qaado awoodda ciidamada millatariga iyo booliiska si ay si wax ku ool ah oo hufan ugu hawlgalaan xarumaha hawlgallada wadajirka ah (JOCs) ee dhawaan laga furay qaybaha iyo xarumaha ATMIS.

Kooxda UNSOS ee farsama siinta hawlgalada (FTS) ayaa isku dubaridey bahwadaagta iyo fududeeyayaasha ka socda G4S maamulka khataraha, oo ah shirkad adeegyada ilaalinta takhasuska ah ee fadhigeedu yahay Boqortooyada Ingiriiska, ayaa qabtay tababarka.

Intii uu socday tababarku, ka qaybgalayaashu waxay barteen xirfado xog-waraysi ah, amniga internetka, iyo maamulka xarunta dhexe. Xirfadaha amniga internetka ayaa u oggolaanaya ciidamada millatariga iyo booliiska inay iska difaacaan weerarada dhinaca khadka ah sida jabsiga, marka warbixinada lasiinayo taliyeyaasha oo lagu inta lagu jiro hawlgallada.

Ka qaybgale ka tirsan CXDS, xidigle Xaashi Maxamed, ayaa sheegay in tababarkan uu muhiim u yahay horumarinta xirfadaha hawlgelinta iyo xaqiijinta ammaanka internetka ee ciidamada militariga iyo booliiska.

Waxa uu intaasi ku daray “Casharrada aan baranay waxay naga caawinayaan inaan gudanno waajibaadkeenna ka CXDS  ahaan iyo ka ATMIS ahaan. Waxaan sidoo kale awood u yeelan doonaa in aan ku dhaqano waxan baraney marka aan fulineyno waajibaadkeena. Waxaan rajeynayaa in tababarka noocan oo kale ah uu sii soocdo, aana ku hormarino mustaqbalkayaga."

Tababare kale oo lagu magacaabo G. dhexe Steven Mwewa oo ka socday ATMIS ayaa sheegay in tababarku uu saraakiishu ku qalabeeyey aqoon iyo xirfad la xiriira wada shaqeyn, codsi bixinta, bixinta awaamiirta, ilaalinta waajibaadka ka saaran howlgallada, fulinta howlgallada, ka hortagga fallaagada, iyo mabaadi’da ka hortagga kooxaha nabad-diidka Hawlgaladooda

"Tababarku waxa uu kor u qaaday xirfadayada iyo fahamkayaga ku saabsan jawiga shaqada, marka waxaan si wanaagsan ugu diyaar garoobi doonaa inaan wax ka qabano wax kasta oo agagaarkeena ka dhacaya," ayuu yiri G. dhexe Mwewa.

Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Bilayska (ASP) Denis Lomelu ayaa sheegay in tababarka uu ka qaybgalayaasha siinayay fikrado la xiriira khataraha dambiyada internetka oo uu ka caawiyay inay bartaan sida internetka uu argagixisada uga caawiyo helitaanka macluumaadka.

"Aqoontii la helay ee ku saabsan wacyigelinta dembiyada internetka, waxaan awood u yeelan doonnaa inaan hirgelinno oo aan kordhinno fahamkeenna. In kasta oo wacyigelinta dembiyada internetka ay waqti qaadato,” ayuu raaciyay ASP Lomelu .

G. Rogers Mugabe oo wakiil ka ahaa madaxa tababarada ee ATMIS ayaa ku amaanay UNSOS qabanqaabada tababarkan oo uu sheegay in uu ku soo beegmay xili loo baahnaa.

“Waxbarashadu ma laha xad. Waxaan u baahanahay xirfadahan sababtoo ah garoonka hawlgalka ayaa isbedelay, waxaana loo baahan yahay inaan is xasuusino waxa ugu wanaagsan," ayuu yiri G. Mugabe.

Article type