Fariinta Xoghayaha Guud António Guterres Ee Maalinta Caalamiga Ah Ee Cidhibtirka Tacadiya Ka Dhanka Ah Dumarka

24 Nov 2022

Fariinta Xoghayaha Guud António Guterres Ee Maalinta Caalamiga Ah Ee Cidhibtirka Tacadiya Ka Dhanka Ah Dumarka

Xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha waa xadgudubyada xuquuqul insaaneed ee ugu badan adduunka.

11-kii daqiidaqood ee kasta, haweeney ama gabadh ayaa waxaa dil ugaysa dadka ugu dhadhaw ee ay la nooshahay sida lamaanaheeda ama qoyskeeda-waxaa kale oo aynu ognahay in wallaacyada kale ee sida masiibada COVID-19 iyo cabsida dhaqaale, ay u horseedi karaan xad-gudub jireed iyo mid afkaba.

Sidoo kale Haweenka iyo gabdhuhu waxay la kulmaan xad-gudubyo dhinaca internatka ah, sida hadallada nacaybka ah, dacadiyo galmada la xidhiidha, xadgudubka sawirka iyo kuwa isku qurxinayo ugaadhsigooda.
Arinta Takoorka, tacadiga iyo xadgudubka lagu bartilmaamed sanayo bini-aadanka badhkii ayaa kor u kaacday. Waxayna xaddidaysaa in dumarka iyo gabdhuhu ka qaybqaatan nolosha, waxay ka hor imaanysaa xuquuqdooda iyo xorriyaddooda aasaasiga ah, waxayna xidhaysaa in dumarku helaan soo kabasho dhaqale iyo horumar waara oo lamid ah midka ragu helaan, taasi oo ah mid loo baahanyahy aduunka o dhan.

Hadda waa xiligii la qaadi lahaa talaabo isbadal oo lagu soo afjarayo tacadiya ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.

Tani waxay ka dhigan tahay in dawladuhu ay dejinayaan, maalgelinayaan oo ay fulinayaan qorshayaal qaran  oo wax lagaga qabanayo aafadan.
Tani waxay ay ka dhigan tahay in laga qaybgaliyo dadka lafdhabarta u ah arintan iyo bulshada qaybaheeda talaabo kasta iyo go’aan ka qaadashadeedaba.
Tani waxa ay ka dhigan tahay in la hubiyo in sharciyada la dhaqan galiyay lana ixtiraamo, si ay badbaadayaashu cadaalad ugu helaan xuquuqdooda loona caawiyo,
Waxay ka dhigan tahay in la taageero ololayaasha ka dhanka ah dhaqamada awood maroorsiga ah lana diido tacadiyada.
Sida uu yahay halku-dhaga sanadkan  - "AAN UMIDOWNO: U ololaynta joojinta xadgudbka ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha" wuxuu ina xasuusinayaa in aan garab istaagno ololeeyayaasha caalamka ee ku baaqaya isbadalka iyo kaalmaynta dadka ka badbaadey tacadiyada. waxaa kale oo dawladaha loogu baaqayaa in ay boqolkiiba 50 kordhiyaan dhaqaalaha la siinayo hay’adaha xuquuqda haweenka u dhaqdhaqaaqa sanadka 2026.

Aan u istaagno korna u qaadno codkeena aan ku taageerayno xuquuqda haweenka

Aynu si kalsooni leh u cadeyno in aan nahay dhamaanteen u ololeeyayasha dumarka.

Aan ka dhigno xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha mid buugaagta taariikhda ah lagu qoro.

Article type