UNSOS oo siminaar ganacsi ah uu qaban qaabisay hal abuurayaasha ganacsi ee Baydhabo

12 Dec 2017

UNSOS oo siminaar ganacsi ah uu qaban qaabisay hal abuurayaasha ganacsi ee Baydhabo

Baydhabo- Xafiiska Taageerada Qarammada Midoobay ee waddanka Soomaaliya (UNSOS) ayaa magaalada Baydhabo oo ah xarunta maamul ee maamulka Koonfur Galbeed hal maalin oo siminaar ganacsi ah ugu qabatay 20 qof oo Soomaali ah oo ah hal abuurayaal ganacsi waxaana siminaarkan la qabtay maalinnimaddii talaadada oo ay taarikhdu ahayd 12-ka bishii Disembar ee sannadii 2017-ka.

Ka qayb galayaasha oo ay kamid ahaayen 3 haween ah ayaa waxaa tababarka u soo xulay rugta ganacsi ee Koonfur Galbeed.

Hadafka tababarka ayaa ahaa in ganacsatada degaanka loo xoojiyo fursadaha ganacsi iyo dhaqaale.

UNSOS ayaa sare u qaadeysay awoodda ay leeyihiin ganacsatada degaanka iyadoo siineysay macluumaad iyo tallooyin ku aaddan qaabka ganacsi loola sameeyn karo Qarammada Midoobay.

Kulankan aqoon isweydaarsiga ah ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Ganacsiga ee Koonfur Galbeed Mudane Warsame, Wasiir Ku-Xigeenka Qorshaynta Marwo Nimco Nuur Cali iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

Article type