Qarammada midoobay oo 11 saraakiil ah oo ka shaqeeyay gudaha waddanka Soomaaliya u qabatay xafladda abaalmarinada adeega gaarka

17 Jan 2018

Qarammada midoobay oo 11 saraakiil ah oo ka shaqeeyay gudaha waddanka Soomaaliya u qabatay xafladda abaalmarinada adeega gaarka

Muqdisho- 11 saraakiil ah oo ka soo shaqeeyay xeerka sharciga iyo kooxda hay’addaha ammaanka ah (ROLSIG) ee Xafiiska Hawlgalka Qarammada Midoobay ee Caawinta waddanka Soomaaliya (UNSOM) iyo Xafiiska Taageerada Qarammada Midoobay ee waddanka Soomaaliya (UNSOS), ayaa waxaa maanta la guddoonsiiyay billado lagu maamusaayay adeegii wanaagsanaa ee ay ka sameeyen gudaha waddanka Soomaaliya.

Saraakiishan oo ka soo kala jeeday 9 dal ayaa waxaa ay ka shaqeynaayen qaybo kala duwan ee gudaha waddanka Soomaaliya muddo aan ka yarayn 90 maalmood.

“Waxaan idin kaga mahad celinayaa waxtarkii waynaa ee aad ku soo kordhisen UNSOS, Hawlgalka Midowga Afrika ee waddanka Soomaaliya AMISOM iyo Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA)”, Madaxa Xafiiska Taageerada Qarammada Midoobay ee waddanka Soomaaliya (UNSOS) ayaa saraakiisha sidaas u sheegay xilliga ay socotay xafladda abaalmarinada adeega gaarka ah ee loo qabtay si loogu sharfo, waxaana xafladdaas lagu qabtay xerada Qarammada Midoobay ee magaalada Muqdisho maalinnimadii talaadada.

Price ayaa sheegay in 5 kamid ah saraakiisha billadaha la gudoonsiiyay oo hoostagaayay UNSOS in ay waxtar muhiim ah ku soo kordhiyen Hawlgalka iyagoo taageero u fidiyay AMISOM iyo Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee SNA.

Waxaa haddalo lamid ah kuwiisa yiri Raisedon Zenenga, Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay ee waddanka Soomaaliya.

“Saraakiisha maanta halkan nagula sugan waxaa ay soo bandhigen dadaal dheeraad ah oo ku aaddan shaqooyinkii loo igmaday iyo in ay ka go’an tahay hubinta dhaqan gelinta waajibaadka hawlgalka”

Zenenga ayaa sidaas sheegay. Waxaa u boggaadiyay saraakiisha oo 6 kamid ah ay la shaqeeyen UNSOM, doorka ay ka qaaten dadaalada loogu jiro in nabad lagu soo dabaalo waddanka Soomaaliya.

“Waxaad u shaqeeysen si sharaf ay ku dheehan tahay waxaanna aaminsannahay in aad dib dalalkiina ugu laaban doontan idinkoo ku faraxsan shaqada aad u qabaten Soomaaliya iyo dadkeeda iyo sidoo kale Qarammada Midoobay,” sidaas ayuu yiri.   

Saraakiishan ayaa laga hawlgaliyay caasimaddaha kala duwan ee gobollada oo ay kamid yihiin Baydhabo oo ah caasimadda Maamulka Koonfur Galbeed, Garoowe oo ah caasimadda Puntland, Beledweyne oo ku taallo gobolka Hiraan, Kismaayo oo ku taallo maamulka Jubbaland iyo Muqdisho.

Staffan Tillander oo ah Agaasimaha xeerka sharciga iyo kooxda hay’addaha ammaanka ah ee ROLSIG ayaa xusay waxtarkii wanaagsanaa ee saraakiisha ee ku aaddan dhisida hay’addo ammaan oo waara taas oo qayb ka ah mashruuc muddo dheer qaadanaaya ee loo yaqaano qaab hufan oo lagula tacaali karo xaaladda amni ee waddanka Soomaaliya.

“Waxaan doonayaa in aan fursadan u adeegsado in aan si gaar ah ugu mahad celiyo qof welibo oo idin kamid ah waxtarkii qiimaha lahaa ee aad ka qaadaten isbeddelada lagu sameeyay hay’addaha ammaanka ee difaaca iyo baddaba” sidaas ayuu yiri.

Mid welibo oo kamid ah 11-kii sarkaal ayaa waxaa loo geliyay billad lagu xardhay Qarammada Midoobay taas oo si abaal marin ah ay uu bixiyen Mudane Zenenga iyo Mudane Price iyo shahaado lagu sharfaayay shaqadii ay u qabten Qarammada Midoobay.

Xafladda ayaa waxaa ay qayb ka ahayd caadada Qarammada Midoobay ee lagu sharfo shaqaalaha u shaqeeyay hawlgalka muddo ugu yaraan 90 maalmood ah.  

Article type