Waddamada ciidamadooda iyo booliskooda ay qaybta ka yihiin AMISOM oo heli doono magdhow loogu gudaayo qalabkii ka lumay xilliyada hawlgalada ay sameynaayen

7 Nov 2017

Waddamada ciidamadooda iyo booliskooda ay qaybta ka yihiin AMISOM oo heli doono magdhow loogu gudaayo qalabkii ka lumay xilliyada hawlgalada ay sameynaayen

Muqdisho – Xafiiska Taageerada Qarammada Midoobay ee waddanka Soomaaliya (UNSOS) oo kaashanaaya AMISOM iyo Midowga Afrika ayaa waxaa ay magaalada Muqdisho ku qabten siminaar qaatay laba maalmood oo dib u eegis loogu sameynaayay guddiyo isku dhafan oo qabyo ah oo raadinaayay heerka nidaamka lagu hawlgalo (SOP) ee ku aaddan sheegashada magdhow ee waddamada ciidamadooda iyo booliskooda ay qaybta ka yihiin AMISOM ee TCC ama PCC ee la xiriirta qalabka dagaal ee sida gaarka ah ay u leeyihiin ee ay lumiyan amaba kaga burburay xilliga hawlgalada ay ka sameynaayen gudaha waddanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa furay Madaxa Xafiiska Taageerada Qarammada Midoobay ee waddanka Soomaaliya ee UNSOS, Hubert Price waxaana soo xiray Wakiilka Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee waddanka Soomaaliya (SRCC), Danjire Francisco Madeira.

Guddiga Weydiinta magdhowga (SOP)oo ah aalad fallanqeyn iyo mid maamulba ee lagu isticmaalay gudaha Hawlgalada Nabadgelyada Qarammada Midoobay ayaa aad muhiim ugu noqon doona fududeynta sheegashada magdhow ee ay soo gudbisten waddamada ciidamadooda iyo booliskooda ay qaybta ka yihiin Hawlgalka Midowga Afrika ee waddanka Soomaaliya (AMISOM).

Mar u ka hadlaayay madashii lagu furaayay kulanka, Mudane Price ayaa sheegay in bixinta qalabka dagaal ee sida gaarka ah loo leeyahay ee la siiyo waddamada ciidamadooda iyo booliskooda ay qaybta ka yihiin Midowga Afrika in markii ugu horreeysay la billaabay sannadii 2012-kii iyadoo loo maraayay xeerka 2036(2012) ee Gollaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ee 22-kii bishii Febraayo ee la ayiday sannadii 2016-ka.

Waxaa u sheegay in siminaarka loo naqshadeeyay si loo hubiyo in dhammaan Waddamada Ciidamadooda iyo Booliskooda ay qaybta ka yihiin Hawlgalka Midowga Afrika in ay si wanaagsan u fahman hanaanka la raaci karo marka la raadsanaayo magdhow waxaana u ballanqaaday taageero joogta ah oo Xafiiska Taageerada Qarammada Midoobay ee waddanka Soomaaliya UNSOS u siiyo hanaankan.

Haddaladii u xafladda ku soo xiraayay maalinnimaddii shalay ahayd, Danjire Madeira ayaa xusay in inta badan Waddamada Ciidamadooda iyo Booliskooda ay qaybta ka yihiin AMISOM in ay lumiyen qadar mug leh oo qalab ah taasi oo ay sabab u tahay xaaladda ay ku hawlgalaayen oo ah mid aad iyo aad khatar u ah islamarkaasina halis ah waxaana taasi ay keentay in ay awooddi waayan in ay magdhow raadsadan taasi oo ay sabab u ahayd in ay garan la’aayen nidaamka ay ku soo dhisi lahaayen Guddi u Weydiiyo magdhow.

Wakiilka Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay in hanaanka heshiiska 3 geesoodka ah ee u dhexeeyo Qarammada Midoobay, Midowga Afrika iyo Waddamada Ciidamadooda iyo Booliskooda ay qaybta ka yihiin AMISOM ee ku qotoma qaabka loo raadsan karo magdhowga qalabka dagaal ee sida gaar ah ay u leeyihiin ayaa hadda ah mid la dhammaystiray waxaana la sugayaa in waddamada ay quseeyso ay saxiixan.  

“Iyadoo taageero muhiim ah aan ka heleyno Waddamada Ciidamadooda iyo Booliskooda ay qaybta ka yihiin AMISOM ayaa waxaa hadda aan soo gebagebeyn karnaa hanaanka Caadiga ah ee Nidaamka lagu Shaqeeyo iyo Xaaladdaha si loo hubiyo in qof welibo uu la dhacsan yahay Heerka Nidaamyada ee lagu Hawlgalo iyo sida Guddiyada Weydiinta Magdhowga loo qaban doono,” intaas ayuu ku daray Wakiilka Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

Waxaa u sheegay in guusha ugu wayneyd ee siminaarka ay ahayd heshiiska Qarammada Midoobay ee ah in qalabkii lagu waayay dagaalka in ay magdhow ka bixin doonto. Waxaa u ka codsaday ka qayb galayaasha in ay xiriiran si farriinta ay ula wadaagan dalalka ay ka soo jeedan iyo ururada.

“Waxaa muhiim ah in Waddamada Ciidamadooda iyo Booliskooda ay qaybta ka yihiin AMISOM, Qarammada Midoobay iyo Midowga Afrika in ay ku jiraan heshiis aanna ku qanacsan nahay tallaabada xigta iyo sida aan u shaqeyn lahayn si aan u soo bandhigno sheegashooyinka dhiman islamarkaasina aan horay ula hanaqaadno kuwo cusub,” sidaas ayuu xusay Wakiilka Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.  

Danjire Madeira ayaa weydiistay waddamada weli saxiixooda aan ku biirinin heshiiska 3 geesoodka ah in ay is dedejiyan si markaasi ay ugu suurtagasho in magdhow ahaan loo siiyo qalabkii ka lumay ama ka burburay.

Shaqsigii Siminaarka bixinaayay oo sidoo kale ah bartilmaameedka guddiga weydiinta magdhowga ee Xafiiska Taageerada Qarammada Midoobay ee waddanka Soomaaliya ee UNSOS islamar ahaantana ah sarkaalka dhanka sharciga u qaabilsan Xafiiska Taageerada Qarammada Midoobay ee waddanka Soomaaliya (UNSOS), Marwo Zam Zam Nagujja Kasujja ayaa sheegtay in qabashada Guddiyada Weydiinta Magdhowga u yahay waajibaad loo baahan yahay ee hoostagaaya heshiiska 3 geesoodka ah ee la gaaray.

”Heshiiska 3 geesoodka ah ee Guddiyada Weydiinta magdhowga ayaa waxaa u ka imanayaa heshiis Isfahan ah oo Qarammada Midoobay ay la gaartay Waddamada Ciidamadooda ay qaybta ka yihiin AMISOM iyo sidoo kale Waddamada ay Booliskooda qaybta ka yihiin AMISOM si loo siiyo magdhowga hantida qalabka dagaal ee sida gaar ah loo leeyahay ee laga yaabo in la lumiyay ama lagu burburiyay fal khatar ah ama looga soo tagay degaanada hawlgalka,” sidaas ayay tiri Marwo Kasujja.

“Waxaan dhammaanten garowsannahay in Hawlgalka Nabadgelyada ee AMISOM uusan ahayn mid caadi ah sidaas daraadeed waxaa ay lumiyen qalab aad u tiro badan oo ah midka dagaal ah ee sida gaarka ah ay u leeyihiin. Hase yeeshe waxaa ina soo gaaray sheegashooyin aad u yar ee ka yimid Waddamada Ciidamadooda ay qaybta ka yihiin AMISOM. Tani waxaa sabab u ah in aysan si wanaagsan aqoon ugu lahayn nidaamyada Qarammada Midoobay ay isticmaasho marka la soo gudbinaayo sheegashooyinka” sidaas ayuu ku daray sarkaal kale oo katirsan Xafiiska Taageerada Qarammada Midoobay ee waddanka Soomaaliya ee UNSOS.

Mid kamid ah ka qayb galayaasha siminaarka, Gaashanle Sare Kenneth Muheire oo ka socda waddanka Yugandha ayaa sheegay in u aqoon ku filan ka helay siminaarka taas oo uuna la wadaagi doono hoggaanka ku sugan magaalada Kampala si ay u raadsadan magdhow ku aaddan qalabkii lumay ama burburay.

“Yugandha daraadeed ayaan iminkanba saxiixnay heshiiska isfahanka ah ee 3 geesoodka ah balse waxaan wajaheynay caqabada helida magdhowga qalabkii burburay iyo midka lumayba. Balse aqoontii aan halkan ka helnay waxaan u maleynayaa in ay gacan ka geeysan doonto ayna caawin doonto hoggaanka dalkeena ku sugan in ay mar welibo waqti habboon ay ku soo gudbiyan dukumentiyada lagu codsanaayo magdhowga sheegashada qalabkii lumay iyo midkii burburayba kaas oo ah qalab dalka sida gaarka ah uu u leeyahay,” Gaashanle Sare Muheire ayaa intaas ku daray.

Iyadoo Yugandha iyo Ithiopiya ay saxiixen heshiiska 3 geesoodka ah, Kenya iyo Djibouti ayaan weli saxiixin iyagoo doonaaya in arrimo qaar laga siiyo caddeymo buuxa. Waxaa intaasi dheer in Burundhi oo sidoo kale ciidamadeeda ay qayb ka yihiin hawlgalka in iyadana dukumentiga aysan saxiixin.

Danjire Madeira ayaa kadib gebagebadii Siminaarka shahaadooyin guddoonsiiyay ka qayb galayaasha. 

Article type