UNSOS oo isku-duweysa 30 ceel oo ay ka qoddeyso koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya

2 Oct 2017

UNSOS oo isku-duweysa 30 ceel oo ay ka qoddeyso koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya

UNSOS waxaa ay kormeer ku samaysaa mashruuc ceel qodis ah kaasi oo ceelal biyo oo hor leh looga qodi doono 30 deegaanno oo ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. ilaa iyo hadda, 6 ceelal biyood ayaa la qoday oo la filayo in ay keen doonaan biyo aad u badan. Ceelasha waxaa ay gargaar u fidin doonaan kummannaan ay saameeyeen abaaraha, waxaa ayna sidoo kale yarayn doonaan cudurrada ka dhasha biyaha ee ka fida isticmaalka biyaha wasakhaysan.

Xilli uu shalay booqasho ku tagay Baydhabo, Wakiilka Gaarka ah ee Xog-haya Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya, Michael Keating ayaa fursad u helay in uu soo arko mid ka mid ah ceelasha isaga oo uu weheliyo Ku-xigeenka Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadamnimo ee QM. UNSOS waxaa ay sidoo kale howlwadaag la tahay daneeyayaasha Soomaaliya si dadka barakacay loogu dhiso loogu na dayactiro goobaha biyaha.

Mashruuca waxaa la billaabay ka dib markii qiimayn qodis ay qaadeen Guddiga Sahminta Biyaha Dhulka (Groundwater Exploration Team) iyo Xarunta Qaramada Midoobay ee Adeegga Adduunka ee fadhigeedu yahay magaalada Brindisi ee dalka Talyaaniga.

Kooxdani gaarka ah ee khibradda u leh isticmaalka tiknoolojiyadda dhulka ayaa soo ogaaday goobaha laga heli karo biyo-dhuleed aad u badan, waxaa ayna qaadeen daraasaad dhulka ah si ay u fahmaan astaamaha cilmi-dhuleedka 30-ka goob ee loo qoondeeyey qodista.

Waxaa ay intaa ka dib kooxda tagtay, baaritaan dhulka ahna ka billowday Baydhabo, xarunta maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Iyagoo gacan ka helaya Kooxda Qodista ee Ciidamada Difaaca Qaran ee Itoobiya waxaa ay toddobo baaritaan ka fuliyeen guddaha saldhigga AMISOM ee Baydhabo.

Xogta laga soo saaray baaritaanka ayaa soo ogaatay saddex meelood oo laga qodi karo ceelal.

Kooxda ka socota magaalada Brindisi ayaa si durugsan ula shaqaynaya dhigooda ka socda Howgalka Midowga Afrika si loo gaaro bartilmaameedkaasi la isla meel dhigay. Si fiican ayay u socotaa qodidda ceelka ugu horreeya iyadoo ilaa hadda 166 mitir hoos loo qoday.

Marka ay qodista dhammaato, waxaa la soo hindisi doonaa naqshadaynta ceelka, ceelkana waa la qalabayn doonaa iyadoo lagu wareejinayo fareem, shaashado iyo dhuumashada biyaha soo qaada, iyadoo intaa ka dibna ceelka la horumarin doono ka hor inta aanan tijaabada biyo soo jiidista la qaadin.

Waxaa ay intaa ka dib kooxda sii aadi doontaa deegaanada kale ee Soomaaliya  halkaasi oo ay ka sii wadi doonaan qodista ceelasha. 

Article type