Madaxa tabarruceyaasha QM ee qorshaynta horumarinta oo la kulmay tabarruceyaasha qm ee Soomaaliya

4 Aug 2017

Madaxa tabarruceyaasha QM ee qorshaynta horumarinta oo la kulmay tabarruceyaasha qm ee Soomaaliya

Mogadishu – Mudane Geoffrey Prewitt, Madaxa Qaybta Barnaamijyada Horumarinta ee Tabarruceyaasha QM ee saldhigooda yahay magaalada Bonn ee waddanka Jarmalka ayaa usbuucii la soo dhaafay booqday Soomaaliya isagoo la kulmay tabarruceyaasha QM ee la shaqeeya hay’adaha kala duwan ee QM ee ka howlgala waddanka. Waxaa uu sidoo Muqdisho kula kulmay madax sare oo ka socota QM.

Prewitt ayaa khudbad ka jeediyey kulan ay Axaddii Tabarruceeysha QM iskugu yimaadeen oo ka dhacay xerada QM ee Muqdisho. Tabarruceyaal ka kala socda magaalada madaxda gobollada Soomaaliya ayaa kulanka uga qaybgalay qaab muuqaal ah.

Waxaa uu tabarruceyaasha QM ku ammaanay sida ay uga go’an tahay dadaalada loogu jiro dhisidda nabadda Soomaaliya. Waxaa uu sidoo kale qiray naf-huridda ay sameeyeen ee ah ka shaqaynta xafiisyada maxalliga ah ee ku kala yaala qaybaha kala dwuan ee waddanka oo jawigooda aad u adag yahay

“Tani waa xaalad adag, wax shaki ahna iigama jiro in aad si geesinimo iyo niyad-sami leh u gudataan howlihiina,” ayuu ku yiri tabarruceyaasha QM xilli lagu jiray kullan is xog wareysi ah.

Tabarruceyaasha ayaa la wadaagay kala na hadlay Mudane Prewitt arrimo kala duwan oo ku saabsan daryeelkooda, geyntooda, qoristooda iyo sii-waddida shaqadooda.

Ugu yaraan 39 Tabarruceyaal QM ayaa haatan ku meeleysan Barnaamijka Qaramada Midoobay ee waddanka kuwaasi oo ka howlgala xafiisyada kala duwan ee QM ee ku kala yaala magaalooyinka waaweyn sida Beledweyne, Baydhabo, Boosaaso, Garoowe, Hargeysa, Kismayo iyo caasimadda Muqdisho. 

Article type