Haweenka ka tirsan nabad ilaalinta oo la siiyay tababar gaar ah ee maclumaadka, isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda

24 May 2017

Haweenka ka tirsan nabad ilaalinta oo la siiyay tababar gaar ah ee maclumaadka, isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda

ENTEBBE – Kors gaar ah ee Maclumaadka, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda oo loogu tala galay in haweenka ka tirsan militariga ay helaan xirfada ICT-ga ayaa ka socda Dugsiga Tababarka Sinyaalaha ee Qaramada Midoobay (UNSA), ee ku yaala gudaha Xarunta Adeega Gobolka Entebbe (RSCE) ee Uganda.   

Korska labada usbuuc ee ah midka labaad ee barnaamijyada tababarka taxanaha ah ee haweenka ka tirsan ciidanka asluubta ayaa awood u siin doono in ay si hufan u qabtaan howlaha nabad ilaalinta. Korska ugu horeeyay ayaa waxaa la qabtay bishi November 2016-di.

39 haween oo militari ah iyo shaqaalaha sinyaalaha ka socda 17 dal oo ay ku jiraan afar ka socota Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa ka qeyb galaya korskaan.

Ka qeybgalayaasha kale ayaa waxaa ka mid ah wakiilo ka socda Qaramada Midoobay iyo dowladda Japan.

Agaasimaha Waaxda  Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Qaramada Midoobay Mr. Anthony O’Mullane oo ka qeybgalayaasha kala hadlay qaab fidiyow ah isaga oo ku sugan New York ayaa sheegay in korska u haween badan oo ah shaqaalaha militariga iyo boolis awood u siin doono in ay qeyb ka qaataan hawlaha nabad ilaalinta.

Maamulaha Barnaamijka Sinyaalaha ee Xarunta Tababarka Qaramada Midoobay, Samuel Leal ayaa xaqiijiyay in xarunta ay ku dadaaleyso in ay sare u qaado sinaanta jinsiga iyo awoodsiinta dumarka ee dhanka nabad-ilaalinta.

Tababarka waxaa uu ka kooban yahay casharro aragti ahaan  ah iyo kuwo shaqo ahaan loo sameeyo oo ku saabsan qalabka Qaramada Midoobay, hab-raacyada ay ku shaqeyso, arrimaha jinsiga iyo in faham guud laga siiyo goobaha ay ka howlgasho QM.

Waxaa u sheegay in Xallinta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2122 (2013) oo dhiirigelisa Waddamada Ciidanka iyo Bileyska Soo dhiiba in ay kordhiyaan tirada haweenka ku jira howlgalka nabadsugidda Qaramada Midoobay.

Mrs. Safia Boly, madaxa RSCE oo ka hadashay furitaanka rasmiga ee tababarka ayaa ka qeybgalayaasha ku dhiirigelisay in ay ku dadalaan in ay guul ka garaan shaqooyinkooda.

Safiir ku xigeenka Japan u fadhiya Uganda, Mr. Yutaka Nakamura ayaa sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay in ay tageeraan tababarka nabadda iyo ammaanka.

Japan ayaa barnaamijkaan tageerasay tan iyo marki la bilaabay. Waxaa tageero dheeri ah laga helay Taliska Mareykanka ee Afrika (USAFRICOM), dowladda Jarmalka, Howlgalka Qaramada Midoobay ee Koonfurta Sudan (UNMISS) iyo Xafiiska Tageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Dugsiga Tababarka Sinyaalaha ee Qaramada Midoobay ayaa ila iyo hadda tababaray 87 haween ka mid ah 1,222 ee shaqaalaha sinyaalaha.

Dugsiga Tababarka Sinyaalaha Qaramada Midoobay ayaa la aas-aasay 2015-ki iyadoo ah natiijadi ka soo baxday Seminaarka ugu Horeeyay ee Caalamiga ee ku aadanaa Tiknoolojiyadda nabad ilaalinta ee lagu qabtay Brindisi, Italy, iyadoo loo maraayo iskaashi istraatijiyadeed oo ka dhexeeya Qaramada Midoobay iyo waddamada xubnaha ka ah.

Dugsigaan ayaa bixiya adeegya gaar ah oo loogu talagalay militariga iyo khubarrada sinyaalaha ee booliska ee TCCs/PCCs iyo ururrada gobollada Midowga Afrika (AU), si sare lougu qaado waxqabadka iyo waxtarka shaqaalaha sinyaalaha ee ka shaqeeya howlaha nabad ilaalinta.​

Article type