UNSOS oo tageero taariikhi ah siisay doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya

10 Feb 2017

UNSOS oo tageero taariikhi ah siisay doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya

Xafiiska Tageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa doorashadi madaxtinimo ee Soomaaliya ugu dambeeysay ku taageeray xaqiijinta in doorashada ay si haboon oo waqtigi loogu talagalay ay ku dhacdo.  

UNSOS ayaa ka shaqeysay sidii ay waqti gaaban ugu diyaarin laheyd goobta doorashada kadib go’an degdeg ah ee lagu beddelay goobta lagu qabanaayay xafladda taarikhiga ah.

Doorashada madaxtinimo ayaa lagu waday in lagu qabto Dugsiga Booliska ee General Kahiye balse go’aan ayaa la gaaray dhowr maalmood ka hor maalinta cod-bixinta si doorashada loogu wareejiyo Xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho, taasi oo caqabad weyn ku aheyd UNSOS, Howlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOM) iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Iyadoo la tixgelinaayo dareenka iyo muhiimadda munasabadda, tirada shaqsiyaadka ku lug leh, saameynta amniga iyo kalsoonida shaqada, waxaa tan ay keentay in goobta ay muddo 72 saacadood gudaheed diyaar ku ahaato, howshaan oo ay UNSOS ku guuleysatay.

“Waxaa naga la codsaday in aan bixinno taageero muhiim u ah doorashada muddo 72 saacadood gudaheed kaliya, waxaan ku qasbanaaney in aan xarunta u beddelno xarun qaabili karto 1,500 oo qof iyo doorasho madaxtinimo taasi oo aheyd arrin aad u adeg maadama aan hore u qabanin munaasabad muhiimadda noocaas leh,” David Wilkins, Sarkaalka U Xilsaaran Xarumaha iyo Qeybta Mareynta (FEMS) ee UNSOS ayaa xusay.

Iyadoo ay maalinta doorashada aad u dhoweyd, shaqaalaha UNSOS ayaa si xamaasad leh u shaqeynaayay si ay u xaqiijiyaan in goobta ay diyaar tahay, marka la gaaro maalinta Arbacada 8 Febraayo 2017, oo ah maalinta doorashada. Waxaa ay shaqeynaayeen waqti dheeraad ah iyagoo dib u eegis ay ku sameynayeen caqabadaha saadka oo ay ka mid yihin qorsheynta qaabeynta kuraasta, kala soocidda arrimaha korontada iyo biyaha iyo hagaajinta maroxadaha.

“Waxaa jiro waxyaabo kale oo loogu talagalay qorshe dheeri ah ee dhanka raashinka oo loogu talagalay dadka ilaalada gaarka ah iyo xubnaha kale ee ka tirsan gedi-socodka doorashada oo banaanka joogay. Waxaan leehayn qolal gaar ah oo VIP iyo qolalka shirarka oo diyaar ah haddii loo bahdo. Waxaa jiray qorshe badan oo arrimahaan la geliyay,” Sida u Wilkins faahfaahiyay.

Maryan Axmed oo ah Injineerka Madaniga ee la shaqeysa FEMS, oo shaqooyinka iyo goobta kormeer ku sameysay, ayaa guushooda ku tirisay wada shaqeyn iyo dadaal.

“Waxaan leenahay koox qandaraasle oo nala shaqeeya waxaana shaqeynaynay muddo 14 saacadood maalin weliba, inaga oo xireynay 9:00pm. Waxaan shaqada bilaabeynay 6:00am si aan u xaqiijino in dhamaan qalabka ay diyaar yihin ka hor maalinta doorashada,” Eng. Maryam ayaa tiri.

UNSOS waxay sidokale hubisay in AMISOM ay heysatay qalab ammaan oo ku filan oo ay ka mid yihin qalabka baaritaanka oo lagu baarayo musharaxiinta soo galayo goobta. Qalabkaan ayaa ciidanka AMISOM iyo booliska ka caawiyay in ay sugaan amniga doorashada madaxtinimo.

 UNSOS ayaa sidokale UNSOM iyo AMISOM ku tageertay in ay si toos ah u gudbiyaan qaabka ay doorashada u socotay taasi oo ay kumanaan qof munasabadda kala socdeen telefishanka iyo internet-ka guddaha dalka iyo caalamka. ​

Article type