AMISOM iyo UNSOS oo howlgal loogu magac-daray ‘Antelope’ ka billaabay maamul goboleedka Hirsahbeele

25 Dec 2016

AMISOM iyo UNSOS oo howlgal loogu magac-daray ‘Antelope’ ka billaabay maamul goboleedka Hirsahbeele

Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa si wadajir ah ugu dhaqaaqay howlgal weyn si ay u furaan waddooyinka muhiimka ah ee maamul goboleedka HirShabeelle.

Labada urur ayaa doonaya in ay furaan waddooyinka si ay u caawiyaan dadka deegaanka oo ayna ciidanka gacan uga siiyaan tegista Saldhigyada Howlgallada laga Fuliyo ee HirShabeelle.

Ingineerka Ciidanka AMISOM, Kornayl KazelaKazela ayaa sheegay in khubarrada ay soo ogaadeen waddooyinka muhiimka ah ee mudnaanta leh, kuwaasi oo haddii la dayactiro fududeyn lahaa isu-socodka ciidamada, hay’adaha samafalka iyo dadka rayidka ah.

Kornayl KazelaKazela ayaa sheegay in AMISOM ay diiradda saareyso xidhiidhka waddooyinka sababtoo ah waxaa qaali noqday in raashinka diyaaradaha lagu geeyo.

“Tani waxaa ay AMISOM, dadka deegaanka iyo hay’adaha gargaarka u fududeyenysaa in ay si dhakhaso ah isku-socdaan (si hufan) marka loo barbardhigo diyaarad ku qaadista raashinka iyo shaqaalaha,” ayuu raaciyey Injireerna Ciidanka.

AMISOM waxaa ay ku bilowday dayactirka waddada isku xidhta Garoonka diyaaradaha Jowhar iyo magaalada Jowhar ilaa garoonka diyaaradaha ee Jalalaqsi si loo fududeeyo keenista qalabka iyo taageerada saadka.

Saraakiil ka socota ciidamada Burundi oo mas’uul ka ah amniga gobolka ayaa loo tababaray sidii mashruuca u fulin lahaayeen.

“Waxaa aan tababarnay Cutubkaa Buruundi ee Qayb ka ah Nabad-ilaalinta ka hor inta aanan u dhaqaaqin goobta,” ayuu sheegay Kornayl Kazela.

Gaashaanle Raymond Kemei oo ka socda Cutubka Qayb ka ah Nabad-ilaalinta ayaa sheegay in dayactirka iyo furitaanka waddooyinka ay kor u qaadi doonaan ganacsiga gobolka sababtoo ah dadka deegaanka waxaa u fududaaneysa gadashada iyo iibsiga alaabta iyo adeegga.

HirShabeelle waxaa ay ka mid tahay goobaha Soomaaliya ugu hodansan dhanka beeraha iyadoo soo saarta dalagyo cunno oo kala duwan sida Mooska, cambaha, qaraha iyo yaanyada. Waxaa ay sidoo kale caan ku tahay xoolaha tayada sare leh kuwaasi oo loo dhoofiyo suuqyada Sacuudiga iyo Bariga Dhexe.

Gaashaanle Kemei ayaa sii faahfaahiyey in furitaanka waddooyinka ay laamaha amniga u suurto gelin doonaan in ay si dhakhso ah kaga jawaabaan xaaladaha degdegga ah, iyo sidoo kale in ay hay’addaha samafalka dadka ugu tegi karaan goobaha aan heysanin kaabeyaal waddo ilaa iyo sanado badan.

Billaabista Howlgalka loogu magac daray ‘Antelope’ waxaa maareynayey Abaanduulaha Qaybta Sarreeye Guuto Venuste Nduwayo oo sheegay in Ciidamada Buruundi ay fulin doonaan mashrruca saddexda bilood.

Markaay ahaydba 24-kii Diseembar, in ka badan 12 kiilo mitir ayaa laga dayactiray waddada Garoonka Jowhar ilaa magaalada Jowhar ka dib markii ka shaqayntooda ay billaabatay 1-da 2016-ka. Shaqada waxaa ay billaabatay ka dib markii uu Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyah Guddiga Midowga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira uu booqday HirShabeelle si madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble ugu wada hadlaan arrimaha amniga iyo kaabeyaasha.

Howgalka ‘Antelope’ caqabado la’aan ma aha. Buundada Sabuum ee ah meesha ugu muhiimsan ee loogu gudbo Jowhar ayaa la qarxiyey.

“Waxaa aan raadineynaa dhaqaale aan ku dayactirno buundada oo ay waxyeeleysay miino,” ayuu yiri Kornayl Kazela, isagoo na xusay haddii la hagaajiyo in ciidamadu ay si dhakhso ah u dhaqaaqi lahaayeen.

Waxaa uu sheegay in ciidamada AMISOM ay si durugsan ula shaqeeyaan saraakiil ka socota Qaybta Wada-Shaqaynta Militariga iyo Shacabka si dadka deegaanka u helaan faa’iidada mashruuca.

AMISOM shaqaalaha ayay mashruuca ku deeqdaa halka UNSOS keento qalabka lagu dayactiro waddooyinka. Hay’adda Qaramada Midoobey ee Wax-ka-qabashada Miinooyinka ayaa fidiso hagitaan ah sidi loo xakamayn lahaa Miinooyinka.

Faa’iidooyinka laga gaaray howlgalka ‘Antelope’

  • Ka hortagga aasidda miinooyinka
  • Kor u qaadista amniga HirShabeele
  • Fududeynta dhaq’dhaqaaqa dadka iyo badeecada
  • Kor u qaadista waqtiga laga falcelin karo khatarta amniga
  • Ka jawaabista degdegga ah ee hay’adaha samafalka