Qaramada Midoobay ayaa uga bogaadinaysa dalka ingiriiska gacan ka gaysashada geedi-socodka nabadeed ee Soomaaliya

14 Dec 2016

Qaramada Midoobay ayaa uga bogaadinaysa dalka ingiriiska gacan ka gaysashada geedi-socodka nabadeed ee Soomaaliya

Muqdisho – Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaga Guud ee Qarmada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating, ayaa uga bogaadiyay Dowladda Dalka Ingiriiska ciidamada ay u keeneen in ay xoojiyaan howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya.

Isagoo ka hadlaya xerada Qaramada Midoobay ee Muqdisho oo lagu qabtay Xafladda abaalmarinta billadeed ee adeegga gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo loogu talagalay ciidanka Dalka Ingiriiska kuwaas oo ka soo shaqeeyay Soomaaliya saddexdii bilood ee ugu dambeeyay, ayuu Danjire Keating sheegay miro dhalka shaqadooda iyo adeegooda laga dareemayo dalka oo dhan.

“wuu muuqdaa isbeddellada ka imaaday joogitaankiina. Waxaan rabaa in aan qiro arrintaasi waana ku faraxsanahay shaqada aad qabanaysaan. Aad iyo aad ayaan idiinkaga mahad celinayaa shaqada aad qabanaysaan. Waan ogahay in kuwa badan oo idiin ka mid ah ay ku sugnaayeen goobo shaqo oo adag iyo shaqooyin adagna ay qabanayeen. Tani waxaa ay mid aan fududayn laakiin waxaan rajaynayaa in aad u riyaaqdeen,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah isagoo u mahad celinaya 32-da askari oo la guddoonsiiyay billadooyinka.

Mudane Keating ayaa sheegay in howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu dejiyay in lagu guulaysto saddex hadaf oo waaweyn laakiin xaaladda siyaasadeed ayaa ahayd hadafka ugu muhiimsan.

“Waxaan isku dayaynaa in aan abuurno goob, muuqaal ahaan iyo siyaasad ahaan ba, taas oo Soomaalida ay ku xalliso dhibaatooyinkeeda. Geedi-socodka doorashadana qayb muhiim ah ayuu ka yahay taasi. In amniga Geedi-socodka doorashada  la sugana qayb muhiim ah ayay ka tahay,” ayuu raaciyay Wakiilka Gaarka ah.

Waxaa uu sheegay in Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay tababar u fidinaysay oo ay qalabaynaysay ciidamada amniga ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

“Qayba adage e amniga ayaa ah in la helo ciidan amni oo karti leh, ha ahaadan booliis, militari ama sirdoon ama ciidan badeed, kuwaas oo la shaqayn karo Midowga Afrika. Laakiin sidoo kale qaybaha jilicsan ee amniga,” ayuu raaciyay Mudane Keating isagoo tixgelinaya dadaallada ay Qaramada Midoobay samaynaysay si u xasiliso Soomaaliya.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan fursaddan qaato anigoo ku hadlaya magaca UNSOS in aan idiinkaga mahad celiyo gargaarka aad u fidiseen dadka Soomaaliyeed, AMISOM iyo Bahda Qaramada Midoobay. Waxaan bogaadinayaa niyadda iyo dadaalka aad u muujiseen shaqadiina iyadoo ay aad la kulmeyseen caqabado,” ayuu raaciyay Madaxa UNSOS.

Waxaa uu u mahad celiyay 32-da askari kuwaas oo muddo dhow ku laaban doonaan dalkooda isagoo sheegay in adeegyada ay bixiyeen ay si weyn faaiido ugu lahaayeen howlgalka.

“Tababarka aad u fidiseen ciidanka AMISOM, Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, Shaqaalaha UNSOS iyo qandaraaslayaasha, ayaa ahaa gargaar toos ah oo aad u fidiseen UNSOS waxaadna xaqiijiseen in si hufan loo isticmaalo gargaarka saad oo aan bixinno,” ayuu yiri Mudane Price.

Madaxa UNSOS ayaa intaa ku daray “Tababarka aad u fidiseen injineerada iyo shaqaalaha caafimaad, ayaa waxaad ku xoojiseen goobaha muhiimka u ah howlgallada AMISOM. Waan aqoonsannahay waana idiinkaga mahad celinaynaa shaqooyinka aad gudateen saddexda billood oo aad joogteen. Waxaan uga mahad celinayaa dowladda Ingiriiska dadaalkani. Taageerada bahwadaaggeena waxaa ay kaalin weyn ka qaadatay geedi-socodka xasilinta Soomaaliya.”

Laba ka mid ah 32-da askari ayaa ka hadlay imaanshaooda Soomaaliya iyagoo sheegay in howlgalka uu ku reebay xasuusyo qaali ah.

“Waxaan la shaqaynayay qaybta caafimaadka waxaana si dhow ula shaqaynayay sarkaalka caafimaadka ee Force kaas oo ka socda AMISOM iyo sidoo kale madaxa sare ee caafimaadka. Waxaan khibrad u leeyahay oo aan si dhow ula soo shaqeeyay dhammaan waddamada ciidamada deeqa,” ayay tiri Gaashaanle Jane Philips oo ah sarkaal caafimaad, iyadoo intaa ku dartay in ay asxaab ku yeelatay dhammaan waddamada ciidamada u diray Soomaaliya.

Alifle Gavin Nicole ayaa sheegay in askarta AMISOM ay yihiin kuwa xirfad u leh shaqadooda iyo in uu ka helay khibrad badan tababarka iyo la shaqayntooda.

Mid walba oo ka mid ah 32-da askari waxaa la guddoonsiiyay billad taas oo ay ku dhajiyeen direyskooda Danjire Keating iyo Mudane Price.

Munaasabadda lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ay qayb ka ahayd caadada Qaramada Midoobay taas oo soo billaabatay 1995-tii si loogu aqoonsado shaqaalaha kala shaqaynayay Qaramada Midoobay howlaha aan ahayn howlgallada nabad ilaalinta iyo Xarumaha Qaramada Midoobay kuwaas oo buuxiyay heerarka anshaxa ee Qaramada Midoobay. Muddada ay qaadaneyso in uu qofka u qalmo in la guddoonsiiyo billad waa 90 maalmood oo shaqo ah. 

Article type