Xafiiska Qaramada Midoobay ee tageerada Soomaaliya ayaa AMISOM u dhisay isbitaal si buuxda u qalabeysan

16 Nov 2016

Xafiiska Qaramada Midoobay ee tageerada Soomaaliya ayaa AMISOM u dhisay isbitaal si buuxda u qalabeysan

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Tageerada Soomaaliya (UNSOS) ayaa Talaadadi ka qeybgalay xaflad lagu aqoonsanaayo dhameystirka isbitaal cusub oo qaada 20 sariirood oo loo dhisay ciidamada nabad-ilaalinta gobolka iyo bulshada Baydhabo, caasimadda maamulka Koonfur Galbeed.

Agaasimaha UNSOS, Amadu Kamara ayaa UNSOS ku matalayay xafladdaan oo u martigelinaayay taliyaha qeybta AMISOM Sarreeye Guud Gabremeskel Gebrezigabe, waxaana ka soo qeyb galay Madaxa AMISOM ee Adeegyada Taageerada Isdhexgalka Brian Boucher iyo sidokale xubnaha QM, AMISOM iyo Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

Isbitaalkaan oo ay maamusho AMISOM, ayaa sidokale u adeegi doona ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo shaqaalaha QM, wuxuuna leeyahay adeegyo bukaan-socod iyo bukaan-jiif, iyo sidokale xarumaha raajada, ilkaha iyo sheybaar.

Gen. Gabremeskel ayaa sheegay in kooxda koowaad ee kalkaaliyayaasha caafimaadka isbitaalka la tababaray ayna diyaar u yihin in ay wajibkooda gutaan.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan waaxaha UNSOS ee saadka iyo injineerka uga mahadceliyo tageeradooda, dadaalkooda iyo sanado adag oo shaqo,” ayuu yiri.

Kamara ayaa ciidamada AMISOM ku ammaanay heerka amni ee hanaanka doorashada ka socota Soomaaliya: “Ma jirin dhacdooyin dhinaca amniga ah taasi oo ay sabab u tahay qaabka ay AMISOM u shaqeyaan. Waxaan jeclaan lahaa in aan shaqada wanaagsan uga mahadceliyo shaqaalaha iyo qof kaste.”

Shaqaalaha caafimaadka oo jooga isbitaalka cusub ee AMISOM Level II hospital ee ku yaala Baydhabo, Soomaaliya. Isbitaalka ayaa waxaa lagu dhisay tageerada Xafiiska Qaramada Midoobay eeTageerada Soomaalya (UNSOS) waxaana 15 November 2016-ki furay Amadu Kamara, Agaasimaha UNSOS U Xilsaaran Tageerada Howlgallada. Sawirka QM/Sabir Olad.​

Amadu Kamara (oo xiran jaakad khaki), Agaasimaha U Xilsaaran Tageerada Howlgallada ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Tageerada Soomaaliya (UNSOS) iyo Gen. Gabremeskel Gebrezigabe (oo haya weelka waraabinta), Taliyaha Qeybta 3 ee Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM), oo geedo beeraayo si ay ugu dabaaldegaan furitaanka isbitaalka cusub ee AMISOM ee ku yaala Baydhabo, Soomaaliya 15 november 2016-ki. Sawirka UN/Sabir Olad.​

Article type