AMISOM IYO QARAMMADA MIDOOBAY OO KU BIIRAY SOOMAALIYA SI LOOGA TACSIYEEYO WEERARKII ARGAGIXISADA AHAA EE MUQDISHO KA DHACAY

21 Oct 2017

AMISOM IYO QARAMMADA MIDOOBAY OO KU BIIRAY SOOMAALIYA SI LOOGA TACSIYEEYO WEERARKII ARGAGIXISADA AHAA EE MUQDISHO KA DHACAY

Muqdisho- Saraakiil sar sare oo katirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee waddanka Soomaaliya (AMISOM) iyo Qarammada Midoobay ayaa waxaa ay shalay ku biiren Dowladda Federaalka ah ee waddanka Soomaaliya si looga tacsiyeeyo dhibanayaashii weerarkii qaraxa ahaa ee dhacay isbuuci aan ka soo gudubnay.

Xafladda oo ay soo agaasintay Wasaaradda Federaalka ah ee Gaadiidka iyo Duulimaadyada Rayidka ah ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay diblomaasiyiin iyo dadka degan magaalada Muqdisho.

Xilli u xafladda ka hadlaayay, Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee waddanka Soomaaliya (SRCC), Francisco Madeira, ayaa waxaa u dadka Soomaalida ah ku booriyay in ay midooban ayna si dhow ula shaqeeyan la’aamaha ammaanka iyo ururada kale ee argagixisada ah.

“Anigoo ku hadlaaya magaca Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, dhammaan qoyska AMISOM iyo aniga qudheyda, waxaan rabi lahaa in aan ka codsado dadka Soomaalida ah in ay noqdan dad mideysan ayna macluumaad siiyan dowladda iyo hay’addaha ammaanka taas oo horseedi karta in la soo qabqabto kuwii ka dambeeyay dhacdadan argagaxa leh taas oo keentay in dad badan ay lumiyan noloshooda iyo hantidooda,” Danjire Madeira ayaa sidaas yiri.

Waxaa u sheegay in shaqsiyaadka falal dembiyeedyadan foosha xun kula kacaaya dadka rayidka ah ee aan waxba galabsanin in ay ku dhex noolyihiin bulshada dhexdeeda waxaana muwaadiniinta nabadda jecel uu ugu baaqay in ay si iskood ah macluumaadka ugu gudbiyan la’aamaha ammaanka si ay gacan uga geeystan in la soo xiro kuwa dembileyaasha ah.

“Shaqsiyaadka qorsheeyay islamarkaasina geeystay weerarkan waa kuwa dadka ku dhex nool iyadoo walxaha qarxa ee la isticmaaleyna laga keenay bartamaha goob ay dad degan yihiin waxaana la soo mariyay dadka dhexdiisa, sidaas darraadeed waxaa laga yaabaa in qaar inaga naga mid ah in ay haayan macluumaad loo baahan yahay si looga hortago dadkan. Waa in aan xogtan siinno dowladda,” sidaas ayuu xusay Wakiilka Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

Dhankiisa, Madaxa Xafiiska Taageerada Qarammada Midoobay ee waddanka Soomaaliya (UNSOS) Hubert Price, ayaa weerarka cambareeyay waxaana u ku nuux nuuxsaday taageerada joogtada ah ee Qarammada Midoobay ay siineyso Dowladda Federaalka ah iyo dadka Soomaaliyeed.

“Qoyska Qarammada Midoobay ayaa waxaa ay si wayn u cambareynayaan falkan guracan, tallaabooyinka argagixisada ay halkan gudaha waddanka Soomaaliya ugu dilaayan dadka ayna hantida ku burburinaayan. Waxaan ku celcelineynaa sida ay inooga go’an tahay in aan sii wadno garab istaagida dadka iyo dowladda Soomaaliyeed iyo taageerida dhammaan dadaalada ku aaddan hubinta badqabka iyo ammaanka dadka Soomaaliyeed,” sidaas ayuu yiri Mudane Price.

Wasiirka Gaadiidka, Maxamed Cabdullahi Salaad, ayaa yiri haddalo lamid ah kuwa mudane Price waxaana u sheegay in weerarka Al Shabaab ay geeysten uusan niyad jebin doonin dadaalka dadka Soomaaliyeed ay ugu jiran helida nabad iyo ammaan, balse ma ogii in u ka sii dhigo kuwo xooggan islamarkaasina si aad ah u sii mideysan.

“Waxaan halkan u joognaa in aan isku tacsiyeeyno islamarkaasina aan  caawino dhibanayaashi weerarkii qaraxa ahaa sida ugu wanaagsan ee karaankeena ah,” Mudane Salaad ayaa sharaxay.

Cabdiraxman Cumar Cusman, Wasiirka Federaalka ee Warfaafinta oo xafladda ku sugnaa ayaa qarixii 14-kii Oktoobar ee sannadii 2017-kii ku tilmaamay in aysan u ahayn oo keliya maalin madow Soomaaliya balse ay sidoo kale u ahayd guud ahaan caalamka waxaana uu u mahad celiyay dhammaan waddamadii ku taageeray Soomaaliya in ay ka soo gudubto musiibadaasi.

“Maanta waa maalin tacsiyo ah iyadoo joogitaankiina halkan u tusinaayo sida ay idin kaga go’an tahay iyo ballanqaadkiina iyo in aad rabtan sida aad ugu murugeysan tihiin in aad la wadaagtan dadka Soomaaliyeed,” sidaas ayuu yiri Mudane Cosman.

Danjire Madeira ayaa sheegay in AMISOM iyo waddamada ciidamadooda ay qaybta ka yihiin AMISOM (TCC) in ay garab istaagen dadka Soomaaliyeed iyagoona u soo diray daawo iyo taageero dhanka saadka ah ee si aad loogu baahnaa.

Ka soo qayb galayaasha kulanka ayaa in muddo ah aamusay iyadoo lagu xusaayay dad ka badan 300 oo rayid ah oo ku dhintay baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay goob aad u mashquul badan oo ku taallo gudaha magaalada Muqdisho. Boqolaal ah dadka deganaa degaanka u qaraxa ka dhacay ee ku dhaawacmay qaraxa ayaa ilaa iyo hadda ka soo kabsanaaya dhaawacyadii soo gaaray waxaana ay ku jiraan cisbitaalada kala duwan ee ku yaalla caasimadda.