UNSOS Ayaa Shaqaalaha ATMIS Uqabatey Tababbarka Ku Saabsan Deegaanka

7 Apr 2023

UNSOS Ayaa Shaqaalaha ATMIS Uqabatey Tababbarka Ku Saabsan Deegaanka

Muqdisho – Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa  shaqaalaha Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) uqabtay tababar hal maalin ah oo lagu baraarujinayo ilaalinta deegaanka marka ay fulinayaan waajibaadka loo igmaday ee lagu sugayo amniga Soomaaliya.

Tababarkan oo ka dhacay caasimadda Muqdisho oo ay fududeeyeen Sargaalka Xafiiska UNSOS uqaabilsan deegaanka Richard Oyoo iyo uqaabilsanaha ATMIS arimaha deegaanka Andrew Alele, ayaa waxaa ka soo qeyb galay shaqaale ka kala socday qeybaha kala duwan ee ciidamada ATMIS oo isugu jira Milatari iyo Boolis. isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada.

Tababarka ayaa lagu baranayay mowduucyo kala duwan oo qeexaya doorka ATMIS ay ku leedahey Habraacyada Hawlgalinta Deegaanka ee la sameeyay 2019, Istaraatiijiyada deegaanka ee Qaramada Midoobay, maareynta qashinka, hufnaanta isticmaalka tamarta, qaab isticmaalka shidaalka iyo biyaha gudaha aagga howlgalka, sida shaqaaluhu u ilaalin karaan deegaanka. hababka ugu wanagsan inta lagu guda jiro wareejinta Saldhigyada, iyo isticmaalka baaskiilada korontada.

Madaxa UNSOS, Amadu Kamara oo ka hadlay aqoon-is-weydaarsiga ayaa ku nuux-nuux saday in saameynta deegaanka ee kaalmada saadka ee la siiyo ATMIS oo ay ka mid yihiin biyaha, raashiinka, maareynta qashinka iyo shidaalka ay saameyn ku leeyihiin deegaanka. Sidaa darted Agaasimaha UNSOS wuxuu ku booriyay shaqaalaha ATMIS inay qaataan dhaqamo waara si loo ilaaliyo deegaanka.

"Ciidanka Milatariga iyo booliiska ayaa isbedel sameyn kara. Waxaad ku hogaamin kartaa tusaale, adiga oo qaata dhaqamo waara oo ku dhiiri geliya kuwa kale inay sidaas oo kale sameeyaan. Isticmaalka tamarta waxaa lagu yarayn karaa iyadoo la sameynayo ficillo yaryar," ayuu yiri Kamara isagoo xusay in "Hagaajinta tamarta ay u baahan tahay in la yareeyo dhaqdhaqaaqa baabuurta, taas oo gubta shidaalka oo sii daaysa carbon dioxide, sidoo kale, dami qaboojiyaha marka aan loo baahnayn. Falalkan yar-yar waxay samayn karaan farqi weyn marka si wadajir ah loo sameeyo."

UNSOS oo loo igmaday in ay taageero saadka ah siiso ATMIS, ayaa durba fulinaysa talaabooyinka ilaalinta deegaanka sida iyadoo saldhigyada ATMIS geysey musqulo la qaadi karo iyo foostooyin lagu gubi karo islamarkaana geedo ku talaashey saldhigyada ATMIS oo dhan.

Sida laga soo xigtay Kamara, wasakheynta, xaalufka, iyo burburinta deegaanka dabiiciga ah waxay khatar weyn ku yihiin deegaanka, waxaana lagama maarmaan ah in UNSOS iyo ATMIS looga baahan yahay inay soo sheegaan muuqaalka deegaanka lixdii biloodba mar.

"Sannad 2021/22, ATMIS waxa ay diwaan galisay natiijada waxqabadka deegaanka iyadoo gaartey boqolkiiba todobaatan iyo afar, taas oo ah guul la bogaadiyo iyo mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya ee ciidan kasta ee hawlgallada nabad ilaalinta," ayuu yidhi Kamara.

Gebagebadii aqoon iswaydaarsigan, ka qaybgalayaashu waxa ay la yimaadeen qorshe hawleed kaas oo ka dhigaya in ATMIS hawlaheeda shaqo ay ku darto ilaalinta deegaanka. Qorshe hawleedku waxa uu dejinayaa tallaabooyin fara badan oo ay shaqaalaha ATMISku qaadi doonaan si ay gacan uga geystaan ​​ilaalinta deegaanka.

Madaxa ATMIS, danjire Mohamedamine souef El, ayaa kula dar daarmay shaqaalaha ATMIS inay ka qayb qaataan qorshayaasha lagu ilaalinayo deegaanka, taasoo uu sheegay inay ka dhabaynayso ballan-qaadkii ATMIS iyo UNSOS ee kalfadhiga 23-aad ee Golaha Caalamiga ah ee tamarta Dib loo cusboonaysiiyo oo lagu qabtay Abu Dhabi horaantii sanadkan.

"Sidaa darteed waxaan u baahannahay inaan kordhino dadaalkeena ku aaddan tixgalinta isbeddelka cimilada marka aan fulineyno hawlgallada socda iyadoo aan aqoonsanayno nuglaanta iyo awoodaha kala duwan ee haweenka, ragga, gabdhaha iyo wiilasha ee bulshooyinka aan la shaqeyneyno," ayuu yiri danjire Souef.

Taliye ku-xigeenka ciidamada ATMIS-ka u qaabilsan dhanka taakuleynta iyo saadka, Sar. G. Peter Kimani Muteti oo ka hadlay xiritaankii tababarka ayaa xusay in iyadoo la adeegsanayo ilaalinta deegaanka ay shaqaalaha ATMIS gacan ka geysan doonaan sidii looga hortagi lahaa colaadaha la xiriira isbedalka cimilada ee Soomaaliya.

“Waxaan dooneynaa inaan Soomaaliya ka baxno iyadoo nabad ah oo xasilloon; oo ayna ka jirin isku dhacyo kale oo ka dhashay maamul xumo dhinaca deegaan,” ayuu yiri sar. G. Muteti