Farriinta Xoghayaha-Guud Ee Maalinta Qaramada Midoobey

24 Oct 2023

Farriinta Xoghayaha-Guud Ee Maalinta Qaramada Midoobey

Qaramada Midoobay waxay ka tarjumaysaa adduunku sida uu yahay oo dhan - iyo rabitaanka adduunka aynu ognahay inay noqon karto.

Waa mas'uuliyaddayada inaan gacan ka geysanno dhismaha adduun nabadda, leh horumar waara oo la ilaaliyo xuquuqda aadanaha oo dhan.

Waan ogahay inaan sameyn karno. Axdiga Qaramada Midoobay - oo dhaqan galay 78 sano ka hor- ayaa tilmaamaya jidkaa.

Waxaas oo dhan, waxa ay salka ku hayaan niyad wanaag lagu bogsiinayo kala qaybsanaanta, hagaajinta xidhiidhka, iyo dhisida nabadda.

Si loo balaadhiyo fursadaha oo aan cidna looga tagin.

Si loo xaqiijiyo caddaaladda, sinnaanta iyo xoojinta haweenka iyo gabdhaha.

Si loo siiyo gargaar naf-badbaadin ah kuwa u baahan.

Waa in la dabacsanaado si wax looga qabto caqabadaha aan xitaa jirin markii ay Qaramada Midoobay la aasaasey - laga soo bilaabo isbadalka cimilada ee jirta ilaa khataraha iyo dhibaatooyinka kale.

Qaramada Midoobay waxa haga qiyam iyo mabaadii aan wakhti lahayn, waana in aan waligeed la baqin lana joojin. Taasi waa sababta ay tahay inaan had iyo jeer sii wadno xoojinta hababka shaqada iyo adeegsiga muraayadda qarniga 21 aad wax kasta oo aan saleyno.

Maalintan Qaramada Midoobay, aan u go'aansanno rajo iyo go'aan ku aaddan inaan dhisno adduunka wanaagsan ee aan hamineyno.

Aan go aansano gaaritaanka mustaqbal ku habboon magaca ururkeenna.

Waxaan nahay adduun kala qaybsan. Waa inaan noqon karnaa ummad midaysan.

Article type