UNSOS Iyo ATMIS Oo Barkin Cusub Oo Baabuurta Ah Ka Dhisey Garoonka Caalamiga Ah Ee Aden Cabdule Ee Magaalada Muqdisho

7 Mar 2023

UNSOS Iyo ATMIS Oo Barkin Cusub Oo Baabuurta Ah Ka Dhisey Garoonka Caalamiga Ah Ee Aden Cabdule Ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho – Iyadoo qayb ka ah dadaallada lagu dhimayo ciriiriga iyo sare u qaadista ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, ayuu Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS), Hawlgalka Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay maanta oo Isniin ah ka hirgeliyeen dhisme cusub oo baarkin ah oo ku dheggan albaabka Garoonka Diyaaradaha. Mashruucan waxaa maalgelisay hay’adda UNSOS, waxaana fulinaysay ATMIS.

Xaruntan oo lagu qiyaasay inay qaadi karto in ka badan 500 oo baabuur, ayaa waxaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya, Fardowsa Cusmaan guddoonsiiyay Madaxa ATMIS ee ku meel gaarka ah, Mathias Ngarambe iyo Madaxa UNSOS ee xilka ka sii degaya, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay., Marwo Lisa Filipetto.

Mathias Ngarambe, ayaa sheegay in goobta baabuurta la dhigto ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu dhimi doono saxmadda Garoonka, kaddib markii ay kordheen isu socodka dadka iyo gaadiidka, sababo la xiriira ammaanka Soomaaliya oo soo hagaagay.

"Sababta oo ah kororka saxmada ee agagaarka garoonka diyaaradaha, waxay gaadiidku ku qaadataa waqti badan si ay uga gudbaan wadada weyn ee garoonka. barkinkan cusub waxuu sahlayaa dhaqdhaqaaqa garoonka iyo nawaaxigiisa waxaa kale ee uu sahlayaa socodka dadka safraya iyo kuwa kale ee isticmaala waddooyinka," ayuu yiri Ngarambe oo wakiil ka ahaa Madaxa ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine Souef.

Marwo Filipetto, ayaa xustay in goobta baabuurta la dhigto ay tahay mid muhiim u ah kor u qaadida maqaamka Muqdisho oo ah xudunta isu socodka duulimaadyada Soomaaliya.

“Howlgelinta xaruntan waxay marag u tahay wada-shaqeynta dhow ee ka dhexeysa QM, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya si ay u taageeraan aragtida Soomaaliya ee dal barwaaqo ah. Waxay siin doontaa dhammaan isticmaaleyaasha waddooyinka khibrad wanaagsan,” ayay tiri Marwo Filipetto.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Fardowsa Cismaan, ayaa sheegtay inay aad ugu mahadcelinayso ATMIS iyo UNSOS oo ka qayb qaatay dhismahan.

"Xaruntan oo ujeedo badan leh ayaa waxaa ku jiri doona goob baabuurta la dhigto iyo dukaamo si ay ganacsatada ugu suurtageliso inay si ammaan ah ganacsiyada ugu sameeyaan agagaarka garoonka," ayey tiri wasiirada Wasiiradu waxaa kale oo ay rajo ka muujisey in ganacsatada iyo bah-wadaagta kale ay gacan ka geysan doonaan horumarinta xaruntan.