ASG Kacyira Oo Soomaaliya Timaadey Si Ay Ooga Shaqo Bilawdo

8 Apr 2023

ASG Kacyira Oo Soomaaliya Timaadey Si Ay Ooga Shaqo Bilawdo

Muqdisho – Madaxa cusub ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ahna Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Aisa Kirabo Kacyira, ayaa maanta oo Sabti ah soo gaartay caasimadda Muqdisho, si ay si rasmi ah u bilowdo howlaheeda shaqo.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa xilka u magacaabay Ms. Kacyira bishii February ee sanadkan si ay u badasho ASG Lisa Filipetto oo dhameysatay safar shaqo oo shan sano ah.

ASG Kacyira ayaa soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, ee magaalada Muqdisho, iyadoo la socotay diyaarad ay leedahay shirkadda Turkish Airlines, waxaana garoonka ku soo dhaweeyay madaxda sare ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo uu horkacayo agaasimaha UNSOS, Amadu Kamara.

UNSOS waxaa loo igmaday in ay taageerto saadka howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ee sida wadajirka ah ula shaqeeya howlgallada ATMIS si loogu soo celiyo nabadda iyo ammaanka dalka Geeska Afrika ku yaalla.

Muwaadin u dhalatay Rwanda, Ms. Kacyira waxay leedahay waayo-aragnimo 30 sano ka badan oo xagga diblomaasiyadda, arimaha bulshada iyo ka qaybgalka siyaasadda iyo sidoo kale hogaaminta mashaariicda  horumarineed iyo gargaarka bani'aadannimada. Kahor magacaabisteeda, Ms. Kacyira waxay soo noqotay Wakiilka Sare ee degan Ghana iyo wakiil aan deganayn Benin, Togo, Sierra Leone, Côte d'Ivoire iyo Liberia.

Waxa kale oo ay hore u soo noqotay Guddoomiyaha Gobolka Bari ee dalkeeda, Rwanda 2011 iyo Duqa magaalada Kigali intii u dhaxaysay 2006 ilaa 2011. Intii u dhaxaysay 2003 iyo 2006, waxay ahayd xubin ka tirsan baarlamaanka Rwanda.

Ms. Kacyira waxa ay soo qabatay jagooyin kala duwan oo dhinaca horumarinta iyo gargaarka bini’aadantinimo oo ay ku jiraan, ku xigeenka agaasimaha fulinta ee barnaamijka dejinta aadanaha ee Qaramada Midoobay (UN-Habitat) 2011 ilaa 2018. Waxa ay sidoo kale ka soo shaqeysay Wasaaradda Beeraha ee Rwanda, iyo NGO-da. gaar ahaan Oxfam iyo Care International.