Ilaalinta Guulaha Amniga Ee Atmis Inta Lagu Guda Jiro Kala Guurka

27 Apr 2023

Ilaalinta Guulaha Amniga Ee Atmis Inta Lagu Guda Jiro Kala Guurka

Kampala – Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda ee dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka kumeelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), iyo bahwadaagta la shaqeeysa ayaa ku baaqay in si cad ah oo habaysan ay ciidamada Midowga Afrika uga baxaan Soomaaliya, si looga fogaado in ay burburaan guulaha amni ee horey loo gaaray.

Baaqan ayaa laga soo saaray shir heer wasiir ah oo ay dalalkaasi ku yeesheen magaalada Kampala ee dalka Uganda, ka hor  wejiga koowaad ee dhimista 2,000 oo askari oo ka tirsan ATMIS marka la gaaro 30ka June 2023.

Intii uu socday kulanka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda, Odongo Jeje Abubakhar, ayaa ku bogaadiyay dalalka ATMIS qaybta ka ah (TCCs) iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya sida ay u wanaajiyeen xaaladda ammaan ee Soomaaliya.

Waxa uu intaasi ku daray in kulankani ku soo beegmay xili xasaasi ah, si loo diyaariyo qorsheynta saxda ah ee ku aadan sidii ay ciidamada Midowga Afrika uga bixi lahaayeen Somalia.

"Sidaas darteed waxaa haboon in si wadajir ah loo qiimeeyo xaaladda amniga, loona qorsheeyo iyadoo wadamada TCC-duna ay diyaariyaan xiliyada bixitaanka  iyo in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay hubiso qorista ciidamada iyo isdhexgalka si ay u qaadato mas'uuliyadda amniga," ayuu yiri Wasiir Odongo.

"Kulankan ayaa sidaas darteed xaqiijinaya nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolkayaga si aan u gaarno barwaaqada dhaqaale ee aadka loo doonayo," ayuu yiri Wasiirka Difaaca Kenya, Aadan Ducaale.

Madaxa UNSOS, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Dr. Aisa Kirabo Kacyira, ayaa iyada oo ballan-qaadaysa taageerada UNSOS si loo fududeeyo geeddi-socodka kala-guurka, waxay ugu baaqday beesha caalamka inay xaqiijiyaan taageerada saadka ee la siiyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya, maadaama ATMIS ay baxeyso.

“Waxaan sidoo kale jeclaan lahayn inaan ku talinno in la kordhiyo taageerada lagu horumarinayo awoodda saadka Soomaaliya lana gaarsiiyo si ku filan, la awoodi karo oo waarta. Taasi oo dhinacyo badan ka hormarineysa ciidamada amaanka soomaaliya siiba dhinacyada kala duwan ee saadka sida soo iibinta, maamulka bakhaarrada, duulista, dab-damiska iyo gargaarka degdega ah ee caafimaadka marka aan wax yar ka xuso,” ayay tiri Dr. Kacyira.

Madaxa Ergada Midowga Yurub ee Uganda, Jan Sadek ayaa sheegay in horumarinta awoodda Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay muhiim u tahay xaqiijinta amniga mustaqbalka fog ee Soomaaliya iyo gobolka.

“Xoojinta awoodda hay’adaha amniga Soomaaliya iyo dowladnimada waa in ay ahaato hadafka muhiimka ah ee dhammaan saaxiibada Soomaaliya, si ay ula wareegaan mas’uuliyadda ilaalinta shacabkooda. Istaraatiijiyadda kaliya ee ATMIS uga bixi karto Soomaaliya waa in la taageero Waaxda Amniga Soomaaliya”. ayuu xusay Amb. Sadek.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiilo ka kala socday dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Uganda, Somalia, Qaramada Midoobay, IGAD iyo saaxiibada ay ka mid yihiin Midowga Yurub, Ingiriiska iyo Mareykanka. Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS Ambassador Mohamed El-Amine Souef, ayaa sidoo kale ka qeyb galay kulanka.

Shirkan oo socday muddo afar maalmood ah ayaa lagu soo gebagebeeyey shirkii madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ATMIS, kaas oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Entebbe.