UNSOS, ATMIS iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xusay Maalinta Deegaanka Adduunka
Muqdisho– Hawlwadeenno ka tirsan QM, ATMIS iyo DFS ayaa ka qeybgalay xaflad lagu xusayay Maalinta Deegaanka Adduunka. Si loo xuso munaasabadda, wakiillada ka socday saddexda hay’adood ayaa abuuray geedo, waxayna kormeereen warshad lagu sifeeyo biyaha la isticmaalay taas oo ay maamusho UNSOS.
Agaasimaha UNSOS ee Taageerada Hawlgalka, Marwo Quarat-ul-Ain Sadozai ayaa munaasabadda ka xustay barnaamijka geedo abuurka ee UNSOS, ee ujeedkiisu yahay yareynta saameynta taban ee isbaddalka cimilada iyo xaalufinta dhulka ay ku leedahay Soomaaliya.
“Waxaan magaalada Baydhabo sanadkii 2021 ku daadinnay 60,000 oo miro annagoo isticmaaleynnay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxaan kaloo in ka badan 100,000 oo geedo ku abuurnay xarumo kala duwan iyo saldhigyo milatari. Waxaan sidoo kale daaweyneynnaa isla markaasna dib u isticmaaleynnaa 22 milyan oo litir oo biyo oo bil kasta la isticmaalo si aan u daboolno baahida biyaha aan cabbidda loo adeegsan,” ayay tiri Marwo Sadozia.
Si loo xuso munaasabadda. Agaasime Sadozai ayaa sidoo kale guddoonsiissey Agaasime Cabdiraxmaan Barre Maxamed oo ka socday wasaaradda Deegaanka iyo Isbaddalka Cimilada ee DFS geedo abuur.
Iyadoo qeexeysay dadaallada guud ee dhawrista deegaanka, Marwo Sadozai waxay sheegtay in UNSOS ay ka go’an tahay habdhaqanno lagu dhawrayo deegaanka.
“Waxaan isticmaalnaa agab dib loo adeegsan karo sida qalabka biyaha laga cabbo iyo nal tamarta kaydiya si aan u yareynno saameynteenna karboon. Waxaan kaloo dib u isticmaalnaa biyaha la isticmaalay si aan u yareynno isticmaalka biyaha nadiifka ah sidoo kalena waxaana maareynnaa qashinka ka soo baxa dhammaan xarumaha aan ka hawlgalno si aan u xakameynno halista uu ku hayo bulshooyinka, waxaan sidoo kale ka hor tagnaa nabaadguurka dhulka,” ayay xustay.
Agaasime Sadozai waxay kaloo xustay ballaarinta isticmaalka tamarta QM ee ka imaanaya waxyaabaha dib loo cusbooneysiiyo, iyadoo sharraxday warshad tamarta oo ku taalla Baydhabo oo korontada siisa QM, ATMIS iyo bulshooyinka deegaanka, taas oo isticmaasha khayraad dib loo cusbooneysiin karo. Tani waxay qeyb ka ahayd dadaallada caalamiga ah ee QM ee lagu dhimayo raadka kaarboonka.
Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga, ayaa ammaanay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dhawrista deegaanka wuxuuna sheegay ina QM ay sii wadi doonto inay dalka ka taageerto horumarinta iyo hirgelinta tallaabooyin lagu dhimayo isbaddalka cimilada.
“Dadaallada guulaystay ee ay bulshooyinka hor boodayaan ee ka socda Soomaaliya, sida ka qeybgalka Hindisaha Afrikaanka ee La Dagaallanka Nabaadguurka (Great Green Wall Initiative) si wax looga qabto nabaadguurka, isbaddalka cimilada iyo saameynta isbaddalka cimilada ee nolosha, waxay ka turjumayaan sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta deegaanka,” ayuu yiri.
Zenenga wuxuu kaloo ammaanay adkaysiga iyo sida bulshooyinka deegaanka uga go’an tahay soo celinta dhulka la nabaadguuriyey iyagoo u maraya habdhaqanno sida maareynta dhulka iyo Kaydka Dowladda ee Miraha Abuurka.
Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika, Siyuvile Thandikhaya Bam ayaa sheegay in qorshaha socdo ee dhimista ciidanka ATMIS uu xisaabta ku darsaday sidii dhammaan agabyada halista ah loo suulin lahaa sidoo kalena loo nooleyn lahaa dhulka ay ku fadhiyaan saldhigyada milateri ee la xirayo ama lagu wareejinayo ciidanka Amniga Soomaaliya.
“Waxaan garowsannahay in muddada aan ku hawlan nahay qorshaha dhimista ciidanka iyo saldhigyada milatari ee aan ku wareejineynno Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay muhiim tahay inaan sii wadno billaabidda dadaallo lagu dhawrayo deegaanka ee xarumaha milateri iyo bulshooyinka.”
Agaasime Maxamed oo ka socday Wasaaradda Deegaanka iyo Isbaddalka Cimilada ayaa xoojiyay dadaalka dowladda ay ku ilaalinayso khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, ayna ku horumarineyso adkaysiga cimilada isagoo sheegay in isbaddalka cimilada, nabaadguurka iyo wasakhaynta ay yihiin arrimo walaac leh oo halis galinaya deegaankeenna iyo nolosheenna.
Golaha Ammaanka ee QM ayaa 5-ta Juun u aqoonsaday Maalinta Deegaanka Adduunka si loo fuliyo wacygelin ku saabsan deegaanka loona dhiirrigeliyo xal loo raadiyo caqabadaha taagan. Dabbaaldegga sanadkan ayaa diiradda saaraya hal-ku-dhegga, “dib u nooleynta dhulka, la dagaallanka nabaadguurka iyo u adkaysiga abaarta.”