UNSOS oo taageero saad oo muhiim ah siisay wareejinta Saldhigga Jowhar

20 Jun 2024

UNSOS oo taageero saad oo muhiim ah siisay wareejinta Saldhigga Jowhar

Muqdisho–Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa taageero saad oo muhiim siiyey wareejinta saldhigga milatari ee magaalada Jowhar ee Horseed, ee Baarlamaanka iyo Madaxtooyada – kaas oo Hawlgalka Midowga Afrika (ATMIS) uu ku wareejiyey Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed. Wareejinta ayaa qeyb ka ah wejiga saddexaad ee socdo ee dhimista ciidanka ATMIS.

Saldhigyadan waxaa horey uga hawlgali jiray Ciidanka Difaaca Qaran ee Burundi ee ATMIS.

“UNSOS waxay fududeysay wareejinta iyadoo qalabka guutada saldhigga ka rartay Saldhigga Jowhar isla markaasna geysay saldhigga hawlgalka ee Balcad, oo saldhig saad u ah guutada Burundi ee ATMIS,” ayuu yiri Madaxa Unugta Qorshaynta ee Kalaguurka, Patrick Duah.

Waxaa intaas dheer in UNSOS ay qaadday qalab QM lahayd oo aan la hagaajin karin, halka ay agab shaqeynaya ku wareejisay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, sida nidaamyada lagu sifeeyo biyaha, qalabka tamarta ka dhaliya qorraxda, konteenarro, taangiyo biyaha lagu kaydiyo iyo agab kale oo lagu xoojinayo ammaanka sida taawarrada isgaarsiinta iyo tiirarka laga waardiyeeyo baraha kantaroollada.

Taageeradan ayaa daba socotatay kaalmadii saad ee UNSOS ay ku fududeysey wareejintii dhowayd ee saldhigga Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo billow u noqotay wajiga saddexaad ee dhimista ciidanka.

“Ciidanka Difaaca Dadweynaha Uganda ee UPDF ayaa horey u maamuli jiray saldhigga Bariire tan iyo sanadkii 2019, wuxuuna saldhiggu ahmiyad istaraatiijiyadeed ugu fadhiyaa xayndaabyada laaga ilaaliyo caasimadda ee ku dhowaad 60 km uga began galbeedka caasimadda, Muqdisho.

Taageerada UNSOS ay uga qeybqaadatay wareejintii saldhigga Bariire waxaa ka mid ahayd in ciidankii Uganda ee laga wareejiyey saldhigga la geeyey aagga KM50, oo ah goob ay sii istaagaan ciidanka ATMIS.

“Waxaan sidoo kale bixinnay qandaraas la siiyey gacan saddexaad si loo taageero in qalabkooda laga qaado saldhigga la wareejiyey lana geeyeo aagga KM50, iyadoo UNSOS sidoo kale ay sahashay in qalab ay QM leedahay sida matoorro, nidaamyada biyaha lagu sifeeyo, taangiyada biyaha lagu kaydiyo iyo qalabka tamarta ka dhaliya qorraxda lagu wareejiyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee saldhigga la wareegaya,” ayuu yiri Duah.

Taageerada saad ee ay siisay wareejinta saldhigyadan waxay UNSOS uga dhigan tahay inay door muhiim ah ka ciyaareyso xaaladda kala guurka Amniga Soomaaliya, iyadoo ciidanka qaranka Soomaaliyeed ku qalabeyneyso  khayraadka ay u baahan yihiin inay la wareegaan mas’uuliyado dheeraad ah ee amniga dalkooda.

Article type