UNSOS ayaa tababartay qaybta dabdamiska ee hayada duulista rayidka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed

18 Jul 2024

UNSOS ayaa tababartay qaybta dabdamiska ee hayada duulista rayidka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed

Baydhabo–Laba iyo Toban Masuul oo ka socday Hay’adaha Duulista Rayidka Soomaaliya, qaybteeda dab-damiska Garoonka Diyaaradaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si guul ah usoo dhameeyey Koorso Dab-damis iyo Badbaadin ah oo ay bixinayeen Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS) si kor loogu qaado badqabka duulista Soomaaliya.

Koorsadan oo ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed – ayaa daba-socotey korso soconeysay muddo labo bilood ah oo ku saabsaneyd la dagaalanka dabka oo horay loogu qabtay magaalada Muqdisho. Waa qayb ka mid ah dadaallada socda ee UNSOS ee lagu dhisayo awoodda dadka deegaanka si loo xaqiijiyo adeegyada garoonka caalamiga ah ee Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo iney noqdaan adeeg heer caalami ah.

"Kooxdani waxay horey u heshay tababar dhamaystiran oo siddeed usbuuc ah, tababarkaas oo ahaa kii ugu horeeyey oo dab-demiska aduunka oo dhan, kaas oo si buuxda loogu diyaariyey in ay la tacaalaan oo ay bixiyaan taageerada duulista ee lagama maarmaanka u ah garoomada," ayuu yiri madaxa dab-damiska ee UNSOS ahna macalinka hogaaminaya Tababarka, Kijjali Robert William.

"Waxaan ku barnay sida looga jawaabo shilalka duulista degdegga ah, oo ah  2-3 daqiiqo gudahood,sida heerka caalamiga ah looga baahan yahay. Isgaarsiin wax ku ool ah ayaa muhiim u ah howlgalladan, waxaana xaqiijinnay in sidoo kale ay si wanaagsan u qalabaysantahey goobtan,” ayuu hadalkiisa ku daray Kijjali, oo ah Madaxa Badbaadinta Garoonka iyo La-dagaalanka Dab-demiska (ARFF) ee ATMIS iyo UNSOS intii lagu guda jiray xafladda xiritaanka ee Baydhabo.

Tababarku waxa uu ku saabsanaa dhinacyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin farsamooyinka dab-damiska iyo daminta, dhaqdhaqaaqa dabka, gargaarka degdegga ah, maaraynta gaadiidka iyo qalabka, qaabka garoonka iyo dhismaha diyaaradaha, xidhiidhka degdegga ah, iyo jirdhiska.

Madaxa howlgallada hawada ee UNSOS ee magaalada Baydhabo, Maxamed Shamim, ayaa muujiyay doorka muhiimka ah ee ay hay’adda Qaramada Midoobay ka ciyaareyso bixinta agabka duulimaadka ee lagama maarmaanka ah iyo taageerada dab-damiska ee howlaha duulimaadka ee garoonka. Waxa uu sheegay in xilkaan dhawaan lagu wareejin doono maamulka deegaanka.

"Markay shaqada bilawdo Hay'adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya, waxaan filaynaa in tababar qaatayaasha ay si dhow ula shaqeeyaan UNSOS oo ay ugu dambeyn la wareegaan mas'uuliyadda dab-damiska," ayuu yiri Shamim.

C/salaan C/qaadir C/nuur oo ka mid ahaa ardaydii tababarka loo soo xiray ayaa u mahad-celiyay hay’adda UNSOS, wuxuuna qiray muhiimadda ay koorsadan u leedahay horumarinta tayada deegaanka.

“Wax badan ayaan ka baranay mudadii tababarka lagu jiray. Bulshadu aad bay u mahdiyeen barnaamijka, waana ku faraxsanahay inaan ka mid noqdo ka faa'iidaystayaasha. Hadda waxaan bulshadayda ugu adeegi karaa xirfadihii la ibarey,” ayuu yidhi Cabdisalaan.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdinuur Aadan ayaa uga mahad celiyay hay’adda UNSOS koorsadan ay fulisay, isagoo ku nuux-nuux saday muhiimadda ay u leedahay sidii loo sii wadi lahaa xirfadihii lagu bartay tababaradii hore.

Wuxuu ku bogaadiyay tababartayaashu dhiiranaanta ay sameeyeen si ay u helaan xirfado cusub oo ay gacan kaga geystaan ​​kobcinta Hayada duulista hawada Soomaaliya.

Marka laga soo tago tababarida shaqaalaha deegaanka ee duulista hawada, UNSOS waxa ay sidoo kale door muhiim ah ka ciyaartaa maamulka garoonka diyaaradaha ee Baydhabo, dayactirka iyo hagaajinta dhabada ay diyaaraduhu ka duulaan, bixinta taakulaynta hawada, qalabaynta iyo cududa shaqaalaha, iyo sidoo kale sugidda amniga duulista iyo ilaalinta garoonka.

Haatan Hay’adda UNSOS waxa ay wadaa Mashruuc lagu dhisayo xayndaab ilaa 7km ah oo lagu wareejinayo Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Article type