Dayactir lagu sameeyey garoonka diyaaradhaa Baydhabo oo sare u qaadaya awoodda duulista Soomaaliya

31 May 2024

Dayactir lagu sameeyey garoonka diyaaradhaa Baydhabo oo sare u qaadaya awoodda duulista Soomaaliya

Baydhabo - Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa billaabay mashruuc wayn oo dayr loogu wareejinayo garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Baydhabo, Koonfur Galbeed Soomaaliya, si sare loogu qaado badbaadada diyaaradaha iyo rakaabka loona xaqiijiyo u hoggaansamidda shuruudaha sharciga ah.

Dayactirka lagu sameeyey Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ayaa billowday 2021 iyadoo UNSOS ay markii hore laami marisay 2.5 kiilomitir oo ka mid ah dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan iyo dhabbanayaasha ka farcama kan wayn. Guusha ilaa hadda la soo gaaray ayaa ku timid iskaashi istaraatiiji ah iyo dadaallo wadajir ah oo u dhaxeeyey UNSOS, Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Mashruuca dayrka oo gaaraya ilaa lix kiilomitir ayaa lagu hirgelin doono labo weji. Qaybta Duulista UNSOS ayaa xaqiijisay in shaqada ku socoto dhabbaha diyaaradaha ku ordaan iyo taawarka la gunaanaday, iyadoo taageertay karaan dhisidda si loo xaqiijiyo in hawlaha garoonka ay ku socdaan si habsami leh. Sagaal shaqaalaha badbaadada duulista rayidka ah ee Garoonka ayaa ayagana dhammaystay tababar la xiriira Isku Xirka Hawada waxayna ku biiri doonaan Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ee qeybta ka ah ATMIS.

Ciidanka ENDF ee ku sugan garoonka ayaa qeyb ka ah tababarka iyo la-talinta. Shirkadaha Soomaalida ee garoonka ka hawlgallo ayaa iyagana la tababaray.

Xafladda daahfurka mashruuca dayrka ee garoonka diyaaradaha waxaa guddoomiyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftagareen’ waxaana ka qeybgalay saraakiil sar sare oo ka socday QM, ATMIS, iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, oo u uku jiro Taliyaha Qaybta 3-aad, Wasiirka Gaadiidka Koonfur Galbeed, Agaasimaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka ee Koonfur Galbeed.

“Waxaan maanta halkan u joognaa daahfurka wajiga labaad ee dayactirka mashruuca dayactirka garoonka diyaaradaha, oo u uku jiro dhisidda dayr amnio o cabbirkiisu dhan yahay in ka badan saddex kiilomitir oo ku hareereysan dhabbaha diyaaradaha ku ordaan. Mashruuca waxaa si buuxdo u maalgelisay UNSOS, oo dhammaystiraysa mashaariic dhowr ah oo dhisme ah oo ay ka fulinayso Baydhabo,” ayuu yiri Madaxa UNSOS u qaabilsan Adeegyada Duulista, Ernest Manzano, mar uu ka hadlayay xafladda daahfurka oo Baydhabo lagu qabtay Talaadadii.

Manzano ayaa ku ammaanay hoggaanka Koonfur Galbeed xiririka wanaagsan, kaas oo uu ku tilmaamay mid muhiim u ah in si guul leh loo hirgeliyo mashruuca dayactirka ee garoonka.

Mashruuca dayrka ayaa qeexaya soohdimaha garoonka, wuxuu sare u qaadayaa xakamaynta cidda gali karta garoonka, sidoo kalena wuxuu ka hor tagayaa halista suurtagalka ah ee ka iman kara xoolaha duurjoogta ah, sidaas awgeed wuxuu sare u qaadayaa amniga shibilka iyo howlgallada milatariga, iyo qodobbo kaleba.

“Hirgelinta mashruuca dayrka ee dhabbaha diyaaradaha ku ordaan ayaa saamaxaya in hawlaha garoonka ay ka amni fiican yihiin sidii hore, iyadoo hadda ka dib xor laga noqonaya in garoonka ay soo galaan xoolo duur joog ah sida eeyada oo kale,” ayuu yiri Mohammed Shameem. Sarkaalka Hawlaha Hawada u qaabilsan UNSOS ee ku sugan Baydhabo.

Shameem ayaa sheegay in dayactirka waddada diyaaradaha ku ordaan ee garoonka iyo waddooyinka kale ee yar yar, ee ay horey u hirgelisay UNSOS ay sababtay koror ku yimid duulimaadyada iyo qulqulka rakaabka, arrintaas oo si wayn gacan uga gaysatay horumarinta dhaqaalaha Baydhabo.

“Dhisidda iyo dayactirka dhabbahaa diyaaradaha ku ordaan ee garoonka diyaaradaha ee Baydhabo waxay si wayn u horimariyeen magaalada. Dadka halkan waxay si wayn ugu tiirsan yihiin gaadiidka hawada, sidaas awgeeed mashruuca ayaa saamaxa in dhammaan noocyada kala duwan ee diyaaradaha ay si nabdoon uga hawlgali karaan garoonka,” ayuu raaciyay.

Wasiirka Gaadiidka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdinuur Aadan ayaa ku ammaanay UNSOS taageeradeeda joogtada ah, gaar ahaan hirgelinta mashriicda sida togan u saameyneyso bulshada deegaanka.

“UNSOS waxay nagala shaqeysay mashariic badan, wax wayn ayay dalkan u gashay, gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo oo ay ka fulisay dayactir la eg 2.5 kiilomitir oo ay ku sameysay dhabbaha diyaaradaha ku ordaan. Dayraynta garoonka ayaa sidoo kale noo oggolaanayo inaan macsalaameynno soo galista sharci darrada ah ee dhabbaha lagu soo gali jiray, tani ayaana sare u qaadday ammaanka. Waxaan uga mahadcelinaynnaa UNSOS tallaabadan waxaana rajeyneynnaa inaan mustaqbalka ka wada shaqeynno dhinacyo kale oo dheeraad ah,” ayuu yiri wasiirka.

UNSOS ayaa sharciyad u haysata inay taageero lojistiko siiso UNSOM, ATMIS iyo ciidanka ammaanka Soomaaliya. Waxaa intaas dheeraad ah in UNSOS ay taageero karaan dhisid ah siiso ciidanka amniga Soomaaliyeed iyo hawlwadeennada duulista Soomaaliya iyadoo hadafka ugu danbeeya uu yahay sidoo loo horumarin lahaa qaybta duulista ee Soomaaliya.

“Waxaa kaloo noo diyaar ah barnaamij karaan dhisid ah oo dalal iyo dhaqanno kala duwan u diyaarsan annagoo ka garab shaqeynna ciidanka amniga Soomaaliyeed iyo Hay’adda Duulista rayidka Soomaaliya si aan u dhisno karaanka waaxda duulista dalka,” ayuu xusay Manzano.

Dhowaan UNSOS waxay tababar dhammaystiran siisay Ciidanka Amniga Soomaaliyeed ee ku sugan Koonfur Galbeed kuwaas oo lagu tababaray dhinacy o kala duwan sida amniga duulista, dab damiska garoonka diyaaradhaa, hawlgallada milatari ee taaktikada leh, xakamaynta taraafikada hawada, daadguraynta kiisaska caafimaadka la xirira, saadaasha hawada iyo hawlgalinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Marka ay soo gunaanado mashruuca dayrka ee garoonka, UNSOS waxay qorsheyneysaa dhisidda dhabbe adeeg oo lix kiilomitir ah oo ku garab yaalla dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan. Waxaa intaas dheer, leyrarka dhabbaha diyaaradaha ku ordaan iyo calaamado ayaa la hirgelin doonaa si loo fududeeyo adeegyo 24 saacadood ah ee garoonka.

Mashruuca ayaa qaatay ku dhowaad labo sano iyo bar si uu u soo dhammaado.

Article type