UNSOS oo tababar ku saabsan daryeelka caafimaadka deg-degga ah u qabatay hawlwadeenno caafimaad oo ka tirsan ATMIS, ciidanka amniga Soomaaliyeed iyo UNSOS

23 May 2024

UNSOS oo tababar ku saabsan daryeelka caafimaadka deg-degga ah u qabatay hawlwadeenno caafimaad oo ka tirsan ATMIS, ciidanka amniga Soomaaliyeed iyo UNSOS

Muqdisho – “Waxaan kasbaday aqoon iyo xirfad qiimo leh oo aan ku caawin karo dalkeyga, waxaana u mahadcelinayaa tababarayaasheenna,” ayuu yiri Labo Xiddigle Cusmaan Cabdi Cusmaan, oo ah hawlwadeen caafimaad oo ka tirsan Isbitaalka Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee Muqdisho, oo ka hadlayey tababar ku saabsan daryeelka caafimaadka deg-degga ah.

Cusmaan wuxuu ka mid ahaa konton iyo saddex (53) hawlwadeenno caafimaad oo ka kala socday Ciidanka Amniga Soomaaliyeed iyo kuwa Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), oo ka qeybgalay tababarka karaan-dhisidda ee ay soo qabanqaabisay Qeybta Adeegga Caafimaadka ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Tababarka oo ku saabsanaa xirfadaha la siiyo adeeg bixiyayaasha caafimaadka deg-degga ah (PHTLS), Daryeelka caafimaad ee aasaasiga ah ee la siiyo dhibbanayaasha qaba jirrooyinka ama dhaawacyada halista ah (BLS) iyo tababarka horumarsan ee xaaladaha deg-degga ah ee wadnaha la xiriira (ACLS) ayaa muddadii u dhaxeysay 13 ilaa 16 May 2024 lagu qabtay Xarunta Wadajirka ee Tababarka Caafimaadka ee ku taalla Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle, Muqdisho. Tababarayaal ka socday Machadka Tababarka Laanqeyrta Cas ee saldhiggiisu Nairobi yahay ayaa bixiniyay tababarka.

Waa tababarkii labaad ee noociisa ah oo ay soo qabanqaabisay UNSOS, kaas oo looga gol leeyahay in ka qaybqaatayaasha lagu qalabeeyo aqoonta iyo xirfadaha u suurtagalinaya inay si wax ku ool ah u aqoonsadaan, u caawiyaan isla markaasna si habboon u maareeyaan bukaannada xilliyada xaaladaha deg-degga ah. Tababarka ayaa sidoo kale dhisaya karaanka hawlwadeennada Ciidanka Amniga Soomaaliyeed si ay daryeel caafimaad oo degdeg ah u siiyaan askarta ku dhaawacanta weerarrada iyadoo la maanka lagu hayo dadaallada socdo ee Ciidanka Amniga Soomaaliyeed loogu diyaarinayo inay masuuliyadaha amniga la wareegaan marka ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ay ka baxaan Soomaaliya.

“Dhisidda xirfadaha ciidanka waa mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee loo baahan yahay in la fuliyo si loo xaqiijiyo in dadaallada masuuliyadaha amniga looga wareejinayo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya laguna wareejiynayo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed u noqdaan kuwo si caqabad la’aan u qabsoomo,” ayay tiri Kaaliyaha Xog-Hayaha Guud Dr Aisa Kirabo Kacyira, oo sidoo kale ah Madaxa UNSOS, mar ay ka hadleysay munaasabadda. “Waxaan si qab leh u taageeraynnaa in Soomaaliya ay la wareegto booska ay xaqa u leedahay.”

Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa soo dhoweeyey tababarka isagoo xusay inuu horumarinayo daawaynta xaaladaha deg-degga ah ee askarta dhaawacanta.

“Tani waxay hoos u dhigeysaa halista inaan waynno askarteenna sababo la xiriira jiritaan la’aanta maareyn habboon xilliga ay askarta dhaawacanto. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale ka faa’iideysanaya daryeelka ciidanka Soomaalida iyo kuwa ATMIS ay bixin karaan haddii ay timaaddo xaalad dad badani ay dhaawacyo soo gaaraan,” ayuu raaciyay Danjire Souef.

Madaxa Caafimaadka u qaabilsan UNSOS, Dr Papa Alioune Fall, ayaa ugu baaqay hawlwadeennada caafimaadka ee ATMIS, Ciidanka Amniga Soomaaliyeed iyo kuwa UNSOS  inay dabakhaan aqoonta iyo xirfadaha muhiimka ah ee ay tababarka ka qaateen si ay u badbaadiyaan nolosha askarta ku jira hawlgallada dagaalka.

“Waxaad dhammaantiin og tihiin in xilliga kala guurka aan wajahno dhaawacyo badan, sidaas awgeed waxaan u baahan nahay shaqaalayaal caafimaad oo xirfad sare leh si ay ula tacaalaan dhaawacyada. Waxaana rumeysanahay inaad hadda haysataan aqoontii ay hawshan ku fulin lahaydeen,” ayuu yiri Dr Fall.

Markii ay soo xireysay tababarrada, Madaxa Hawlgallada UNSOS iyo Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha Cristina Gavazzo ayaa ku dhiirrigelisey dhaqaatiirta inay dhaqangeliyaan xirfadaha ay tababarrada ka qaateen.

Si la mid ah Labo Xiddigle Cusmaan, hawlwadeenno kale oo ka tirsan ATMIS iyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed oo ka qeybgalay tababarka ayaa ku ammaanay koorsada inay siisay xirfado iyo aqoon ay u baahnaayeen inay gargaar caafimaad oo degdeg ah ku siiyaan saaxiibbadooda dhaawacyadu soo gaaraan.

“Kooraskan iyo shahaadada macno wayn ayay iigu fadhiyaan aniga. Waxaa iga go’an inaan dhaqangeliyo sidoo kalena aan dabakho waxa aan halkan ku bartay (marka aan gurigeyga ku laabto) ee Sierra Leone, ayuu yiri Mabinty Kamara oo ka tirsan booliska ATMIS ee Sierra Leone ee saldhiggoodu yahay Kismaayo.

Ku Xigeenka Kormeeraha Booliska Ojo Opeyemi oo ka socda ciidanka booliska Nigeria ee ATMIS ayaa yiri, “ka dhaqtar ahaan, tababarku aad buu waxtar iigu lahaa, kaliya ma baran aasaasiyaadka daawada isbitaallada, balse waxaan kaloo bartay daawada goobaha isbitaallada ka baxsan.”

Xafladda xiritaanka tababarka waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin sare sare oo dhinaca caafimaadka qaabilsan oo ka tirsan QM yo ATMIS, oo uu ka mid ahaa Madaxa Qorshaynta Caafimaadka ATMIS, Dr. Komlan Moreira.

Article type