Sanduuqa Dhaqaalaha Ciidanka Amaanka Soomaaliya (SSF)

18 Jan 2024

Sanduuqa Dhaqaalaha Ciidanka Amaanka Soomaaliya (SSF)

Waajibaadka shaqo ee UNSOS ee Taageerada Ciidamada Ammaanka Soomaaliya 

Sannadkii 2009kii, Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR) ee tirsigiisu ahaa 1863 ayaa faray in la hirgeliyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay (UNSOA) kaas oo waajibaadkiisu ahaa in uu taageero dhanka saadka u fidiyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). Sannadkii 2013dii, Qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay UNSCR 2124 ayaa la ansixiyay iyadoo loo igmaday UNSOA in ay sidoo kale taageero dhanka saadka aan hubka ahayn siiso Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF) ee hawlgallada wadajirka ah la lahaa AMISOM. Maalgelinta taageeradan gaarka ah waxay ahayd in lasoo marsiiyo Sanduuq ay maamusho UNSOA. Golaha Ammaanku wuxuu tan iyo markaas ku dhiirri-galiyay Dawladaha xubnaha ka ah in ay tabarucaad ku darsadaan sanduuqan. Waajibaadka shaqo ee Xafiiska UNSOA waxaa dib u eegis iyo balaarin ku sameeyay Qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay UNSCR 2245 (2015) kaas oo UNSOA u beddelay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS). 

2022dii, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu amray in dib-u-habayn AMISOM lagu sameeyo iyadoo laga dhigay Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), iyo in la dhimo ciidamada ATMIS si ay Ciidamada Amaanka ee Soomaaliya (SSF) ula wareegaan mas'uuliyadda amniga marka la gaaro Diseembar 2024. Marxaladdan inta lagu guda jiray, Golaha Ammaanku wuxuu soo saaray Qaraaradda kala ah 2687 iyo 2710 (2023), kuwaas oo kordhiyay tirada Ciidamada Amaanka ee Soomaaliya ee heli kara taageerada UNSOS ee Sanduuqa Trust Fund in ay noqdaan ilaa 15,900 askari halki ay horay u ahaayen ilaa 13,900 oo askari. Tiradaas oo gaari doonto ilaa 18,900 marka la gaaro Noofambar 2023. 

Goluhu wuxuu kaloo ka codsaday UNSOS iyo UNSOM in ay ka taageeraan Soomaaliya horumarinta awoodda iskufilnaanshaha ee dhinacyada: iibka, maaraynta tubta wax kala iibsiga, saadka iyo hawlgelinta bakhaarrada, maareynta hubka iyo rasaasta, injineernimada iyo maareynta shaqaalaha. 

Taageerada saadka ee Ciidamada Amaanka Soomaaliya ee hawlgallada wadajirka ah ama la isku duway la sameeya ATMIS 

Hadda, UNSOS waxa ay taageertaa 14,900 askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) iyo 1,000 askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF). Unugyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) iyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed (SPF) ee taageerada la siiya waxa ay ku kala suganyihin qaybaha kala duwan ee dalka, taas oo muujinaysa baahsanaanta goobaha ay taageeradu gaarto. 

UNSOS waxa ay la shaqaynaysaa DFS si ay u kordhiso baahsanaanta taageerada ay bixiso iyo hindisayaasha kobcinta awooda, iyada oo ku saleysan Qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay UNSCR 2710 iyo tabarucaadyada laga sugaayo deeq bixiyayaasha. 

Xirmooyinka taageerada saadka ee aan hubka ahayn ee UNSOS ayaa weli ah taageero loo baahanyahay oo muhiim u ah qaybaha Ciidamada Amaanka Soomaaliya ee wadajirka ula howlgala ATMIS. 

Guusha Qorshaha Kala-guurka Soomaaliyeed ee amniga waxa ay ku xiran tahay taageerada Ciidamada Amaanka ee Soomaaliya ay siiyaan beeshaan caalamka muddadaas kala guurka ah. Inkastoo UNSOS loo igmaday in ay taageerto 18,900 askari oo ka tirsan Ciidamada Amaanka ee Soomaaliya (SSF), xafiiska taageerada waxa soo food saaray caqabado ay ugu wacan tahay maalgelinta ku filan oo gabaabsi ah aanan la saadaalin karin, iyo sidoo kale maalgelin joogta ah oo Sanduuqa Taageerada Ciidamada Amaanka ee Soomaaliya uusan ka helin dowladaha xubnaha ka ah. 

Baaxadda taageerada UNSOS ee Ciidamada Amaanka Soomaaliya 

Taageerada UNSOS ee Ciidamda Amaanka ee Soomaaliya waxa ay ku xiran tahay u hoggaansanaanta Siyaasadda Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ee ku aaddan taageerada Qaramada Midoobay ay siiso Ciidamada Ammaanka ee aan ahayn kuwa Qaramada Midoobay (HRDDP). Sanduuqa Taageerada Ciidamda Amaanka Soomaaliya waxaa lagu maamulaa qaab-dhismeedka Qaramada Midoobay si loo hubiyo cadaalad iyo ku dadaalida taxadar dhanka wax iibsiga iyo gaarsiinta badeecadaha iyo adeegyada ee meelaha loogu talo galay. Goobaha taageerada ayaa si adag u xaddidan sida ku cad waajibaadka shaqo ee UNSOS. 

Qodobbada taageerada ee ku xusan Waajibaadka Shaqo ayaa lagu qeexay Qaraarrada ay khuseeyaan ee Qaramada Midoobay (UNSCR) sida hoos ku xusan:

  • Daad-gureynta dhaawacyada ee dhanka duulista hawada 
  • Raashinka 
  • Shidaalka 
  • Biyaha 
  • Teendhooyinka 
  • Gaadiidka 
  • Bakhaarada Difaaca ee Furiimaha 
  • Qalabka isgaarsiinta ee Ciidamada Amaanka ee Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ay ku wada shaqeeyan. 
  • Tababarada, qalabka iyo La Talinta looga hortago khataraha walxaha qarxa (IEDs).

 

 

 

Article type