Boqortooyada Ingiriska ayaa 5 milyan oo Lacagta Ingiriska ah Ugu Deeqdey Sanduuqa Horumarinta UNSOS si loogu Caawiyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya

25 Jan 2024

Boqortooyada Ingiriska ayaa 5 milyan oo Lacagta Ingiriska ah Ugu Deeqdey Sanduuqa Horumarinta UNSOS si loogu Caawiyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya

Muqdisho – Boqortooyada Ingiriska (UK) ayaa £5 milyan ugu deeqday Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) taasoo qayb ka ah Tabarucaada  Sanduuqa Horumarinta ee loo aasaasay in lagu taageero Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF) ee ku hawlan hawlgallada wadajirka ah ee ay la leeyihiin Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

War qoraal ah oo ay soo saartay safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya Arbacadii, ayay ku sheegtay in dhaqaalahan lagu taageeridoono CXDS loona isticmaali doono waxyaabaha ay ka midkayihiin raashin, qalab isgaarsiin, bakhaarrada difaaca, teendhooyin iyo gargaarka daadgureynta caafimaadka (medevac).

Iyadoo loo marayo Sanduuqa Horumarinta, UNSOS waxay CXDS siisaa taageero saadka oo aan halis ahayn. Hadda, UNSOS waxa ay taageertaa 14,900 askari oo kamid ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) iyo 1,000 oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF) oo si wadajir ah ula hawlgalo ciidamada ATMIS iyadoo ay ujeedadu guud tahay in la kordhiyo oo la gaarsiiyo 18,900 askari siu uu dhigayo qaraarka Golaha Ammaanka.

Hadalka Boqortooyada Ingiriska (UK) ayaa muujiyey in taageerada saadka ee la siiyo ciidamada Soomaaliya aysan ka qayb qaadanayn oo keliya dadaallada la dagaalanka argagixisada balse ay sidoo kale sii horumarinayso awoodda CXDS. Tani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika uu si tartiib tartiib ah mas'uuliyadda amniga ugu wareejinayo CXDS ka hor inta aysan bixin.

“Taageradan ugu dambeesay ee Boqortooyada Ingiriiska waxay wax weyn ka badali doontaa ciidamada amaanka Soomaaliya oo si hagar la’aan ah uga shaqeynaya sidii ay uga adkaan lahaayeen xagjiriinta rabshadaha wata sida Al-Shabaab iyo soo celinta xasiloonida Soomaaliya iyo gobolka,” ayuu yiri Mike Nithavrianakis, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya.

Danjire Nithavrianakis ayaa ballan qaaday in Boqortooyada Ingiriiska ay sii wadi doonto wada shaqeynta dhow ee ay la leeyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada kale si loo xaqiijiyo mustaqbal ammaan iyo badbaado u leh dadka Soomaaliyeed.

Madaxa UNSOS, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Dr. Aisa Kirabo Kacyira, ayaa uga mahadcelisay Boqortooyada Ingiriiska taageeradooda joogtada ah, taasoo xoojisay awoodaha CXDS. Waxay iftiimisay in Boqortooyada Ingiriiska ay tahay deeq-bixiye udub dhexaad u ah Sanduuqa Horumarinta oo ay maamusho UNSOS oo taageeraysa mudnaanta saadka ee CXDS.

Dr. Kacyira ayaa mar kale xaqiijisay in UNSOS ay ka go’an tahay in ay siiso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya taageero saadka ee muhiimka ah, iyada oo taageereysa dadaallada lagu dhisayo Soomaaliya xasilloon oo ammaan ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa soo dhaweeyay ku dhawaaqista deeqdan dheeriga ah oo laga heley Dowladda Boqortooyada Ingiriiska. Waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la taageero xilliyada kala guurka ah iyadoo CXDS ay kala wareegayaan Saldhigyada ATMIS oona fulinaya howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

"Waxaan soo dhaweyneynaa kalsoonida lagu aaminay Ciidamada Ammaanka Soomaaliya, oo ay ku jiraan Ciidanka Qaranka Soomaaliya, iyo taageerada wax ku oolka ah ee nabadda iyo amniga Soomaaliya," ayuu yiri Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin.

Boqortooyada Ingiriska (UK) waa hormuudka bixiya Tabarucaada Sanduuqa Horumarinta ee UNSOS iyadoo ay wehliyaan bahwadaagta kale oo gacan ka geystay sanduuqan sannadihii u dambeeyay oo ay ku jiraan Sweden, Mareykanka, Phillipines, Qatar iyo Italy. Maalgelintan u dambeysay ee Boqortooyada Ingiriska  waxay daba socotaa tabarucaad dhan £5 milyan oo ay bixisey Diseembar 2023. Ilaa 2022 Boqortooyada Ingiriska waxay bixisay in ka badan £20 milyan oo ay ugu deeqdey UNSOS si ay u taageerto CXDS.

Article type