Kaaliyaha Xog-Hayaha Guud Khare Oo Ammaanay Adkaysiga Soomaaliya, Xaqiijiyeyna Sii Socoshada Taageerada UNSOS

28 Jan 2024

Kaaliyaha Xog-Hayaha Guud Khare Oo Ammaanay Adkaysiga Soomaaliya, Xaqiijiyeyna Sii Socoshada Taageerada UNSOS

Mogadishu - Isagoo soo afmeerayay booqashadiisii garab-istaagga ahayd ee saddexda cishe qaadatay ee uu ku tagay Soomaaliya, Kaaliyaha Xog-Hayaha Guud, Atul Khare ayaa xusay doorka muhiimka ah ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), isagoo sheegay in doorka mustaqbalka ee hay’adda taageerada saadka iyo tasiilaadka ee Qaramada Midoobay lagu go’aamin doono wada-hadallada ka danbeeya 2024 ee ku saabsan qorshayaasha amniga ee Soomaaliya iyo go’aanka uu gaari doono Golaha Ammaanka.

Khare ayaa hoosta ka xarriiqay taageerada UNSOS uu siiyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Ciidanka Amniga Soomaaliya, wuxuuna rajo ka muujiyay mustaqbalka Soomaaliya. Hawgalka ATMIS ayaa ku muddeysan inuu ka baxo Soomaaliya bisha Disembar.

“Rajooyin waaweyn ayaan u haynnaa Soomaaliya, waxaana ku kalsoon ahay inuu dalku sii xoojin doono guulaha ilaa hadda la soo gaaray, isla markaasna uu gaari doono guulo kale oo taariikhi ah. Waan garab taagan nahay Soomaaliya, waana ka caawin doonnaa hayaankan.”

Khayre ayaa sheegay in muddadii uu socday shirkii amniga Soomaaliya ee bishii Disembar ee 2023 ka dhacay New York, uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud soo bandhigay qorshihiisa ku aaddan amniga Soomaaliya xilli dalku isu diyaarinayo inuu si dhammeystiran mas’uuliyadaha amniga ugala wareego Hawlgalka ATMIS. Si waafaqsan qorshaha Madaxweynaha, UNSOS waxay qiimeyneysay habab wax-ku-ool ah oo lagu dhisi karo karaanka Soomaaliya, isla markaasna lagu siin karo ciidanka amniga Soomaaliyeed taageero dhinaca hawlgallada.

Marka laga hadlayo suurtagalnimada in la kordhiyo muddada hawlgalka UNSOS ka dib dhimista ATMIS, Khare wuxuu carrabka ku adkeeyey in go’aanka uu la yaalo Dalalka Xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, ayna ku xiran tahay qorshaha hirgelinta iyo xaddiga taageerada hawleed ee loo baahan yahay.

Hawlgalka UNSOS wuxuu si firfircoon uga taageerayay Dowladda Federaalka Soomaaliya horumarinta awoodaha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, Xoogga Booliska Soomaaliyeed iyo rayidka, isagoo ka taageera dhinacyo kala duwan sida duullimaadka rayidka, maareynta hawlaha saadka, adeeg caafimaad iyo daadgurayn caafimaad. Sanadkii la soo dhaafay, in ka badan 500 oo muwaadiniin Soomaali ah ayaa qaatay tababarro dhinacyo kala duwan leh oo ay UNSOS fulisay.

Iyadoo u mareysa Sanduuqa Maaliyadeed ee Soomaaliya ee uu UNSOS maareeyo, hay’addan Qaramada Midoobay waxay taageero saad oo aan hub la xiriirin siisay ciidanka Amniga Soomaaliyeed ee ku hawlgan hawlgallada wadajirka ah ama kuwa qorshaysan ee ay la fuliyaan ciidanka ATMIS. Waxaa taageeradan saadka ah ka mid ah gaynta saad isugu jira cunto, raashin, qalab isgaarsineed, teendhooyin iyo duullimaadyo daadgurayn caafimaad oo naf-badbaadin ah.

Mudane Khare wuxuu u mahadceliyay bahwadaagta caalamiga ah ee gacanta ka gaysta Sanduuqa Maaliyadeed, oo ay ku jiraan Boqortooyada Ingiriisiga (deeq-bixiyaha ugu ballaaran) iyo Mareykanka. Hase ahaatee, wuxuu carrabka ku adkeeyey in loo baahan yahay maalgelin dheeraad ah si loo taageero ciidamo amni Soomaaliyeed oo dheeraad ah.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan Waddamada Xubnaha ka ah QM inay dhaqaale u qoondeeyaan Sanduuqan Maaliyeed. Kani waa amniga mustaqbalka ee lagu awood-siinayo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed inay si buuxdo ula wareegaan waajibaadka ammaanka,” ayuu ku codsaday Mudane Khare baaqiisa.

Si waafaqsan Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM ee tirsigiisu yahay 2710 (2023), Hawlgalka UNSOS waxaa laga filayay inuu kordhiyo tirada ciidanka amniga Soomaaliyeed ee laga taageero Sanduuqa Maaliyeed ee Soomaaliya, iyadoo qorshuhu ahaa in tirada laga kordhiyo 15,900 lana gaarsiiyo 18,900 laga billaabo bisha Nofembar ee sanadkii la soo dhaafay. Hase yeeshee, dhaqaale-yari soo wajahday Sanduuqa Maaliyadeed ee uu maamulo Halwlgalka UNSOS, ayaa xannibtay in la gaaro hiigsigaas.

Muddadii uu ku jiray safarkiisa, Mudane Khare wuxuu wada-hadallo la qaatay Raysul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, La Taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Sheekh Cali, Madaxa Hawgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Danjire Mohamed El-Amine Souef iyo hoggaanka qeybaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya.

Kaaliyaha Xog-Hayaha Guud wuxuu kaloo kulammo la qaatay Taliyaha Ciidanka Ilaaliya Qaramada Midoobay, Lt. Col. Peter Omeja iyo shaqaalaha waaxda duullimaadka iyo sidoo kale Madax qaybeedyada UNSOS ka hor inta uusan safarka ku soo afjarin madal furan oo uu la qaatay shaqaalaha QM ee ku sugan Soomaaliya.

Article type