Atmis Oo Saldhiga Militari ee Qorilow Ku Wareejisay Ciidamada Amniga Soomaaliyeed

20 Dec 2023

Atmis Oo Saldhiga Militari ee Qorilow Ku Wareejisay Ciidamada Amniga Soomaaliyeed

Hirshabelle, 20-ka Disembar 2023 – Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa maalintii Arbacada ahayd ku wareejiyay Saldhiga Furiimaha Hore ee Qorilow (FOB) Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed (CQS), taas oo ka dhigan wareejinta saldhigii shanaad oo ah qayb ka mid ah wejiga labaad ee dhimista ciidamada ATMIS.

Saldhigan oo ku yaalla gobolka Hiiraan ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Saldhiga Furiimaha Hore ee Qorilow wuxuu hoos imaanayay Ciidanka Difaaca Qaranka Burundi (BNDF) ee ka tirsan ATMIS tan iyo 2014, iyagoo door muhiim ah ka qaadanaya howlgallada militari ee socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee lagu xaqiijinayo amniga gobolka.

“Waxaan ku boorrinayaa saaxiibadeyda Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada kale ee amniga ee fadhigoodu yahay gobolka iyagoo kaashanaya dadka shacabka ah. Waxaan bulshada degaanka ugu mahadcelinayaa taageerada ay ciidamadeenna siiyaan,” ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Jean Baptiste Nahishakiye, Taliyaha Saldhiga Furiimaha Hore ku yaalla, isagoo wareejinta ku tilmaamay in ay tahay guul laga gaarey hannaanka nabad-dhiska.

Intii ay munaasabaddu socotey, Gaashaanle Haarun Xasan, oo ah taliyaha Ciidanka Soomaaliyeed ee Saldhiga Qorilow, ayaa saxiixay dokumentiyada wareejinta si ay astaan ugu noqoto wareejinta mas'uuliyadaha amniga. Gaashaanle Nahishakiye iyo Santosh Koka, oo ka socda Unugga Qorsheynta Kala-guurta, ayaa u kala saxiixay ATMIS iyo UNSOS.

Munaasabadda waxaa shir guddoomiyayay Madaxa Qorsheynta Xarunta Dhexe ee ATMIS, Gaashaanle George Nkansah, waxaanna goobjoog ahaa Madaxa Xarunta Hawlgallada Taageerada Wadajirka ah ee ATMIS (JSOC) Sekou Trawally; La-taliyaha Sare ee Madaxa UNSOS Yvette Langenhuizen, iyo Wakiilka CQS Sakariye Maxamed Cumar. Gaashaanle Haarun ayaa muujiyay sida ay uga go'an tahay in uu sii wado shaqada ay qabteen ciidamada Burundi wuxuunna ugu mahadceliyay sida ay naftooda ugu hurreen ilaalinta saldhiga iyo bulshada degaanka.

“Waxaan rabaa in aan idin xaqiijiyo in aan ka sii wadi doonno halkii aad uga tagteen. Waxaan jeclaan lahaa in aan ciidamada Burundi ugugu mahadceliyo sida nafhurnimada leh ee aad u sugteen amniga saldhiggan iyo kan bulshada degaanka sannado badan waxaana idiin rajeynayaa safar ammaan ah oo aad dib ugugu noqotaan dalkiina,” ayuu yiri Gaashaanle Haarun.

Wejiga labaad ee dhimista ciidamada ayaa dib u bilowday maalintii Isniinta ka-dib markii Ciidanka Dowladda Soomaaliya lagu wareejiyay Saldhigyada Madaxtooyada iyo Xarunta Baarlamaanka. Hannaanka wuxuu waafaqsan yahay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR) 2710 (2023), oo waajibiyay in ciidamada ATMIS tiradooda laga dhimo 3,000 oo askari kama dambeys 31-ka Disembar 2023.

Dhimista ciidamada ayaa horey loo hakiyay ka-dib markii ay Dowladda Federaalka Codsatey in arrimo farsamo awgood loo hakiyo muddo saddex-bilood ah. Hakinta ka hor Laba Saldhig oo Kuwa Furiimaha Hore ah (FOBs); Biyo Cadaale iyo Raage Ceelle, ayaa durba lagu wareejiyay bishii Sibtember iyo Oktoober.

Intii lagu guda jiray wejiga koowaad ee dhimista ciidamada, oo dhammaadey bishii Juunyo, ATMIS waxay la baxday 2,000 oo askari waxayna wareejisay lix Saldhigyo oo Kuwa Furiimaha Hore ah.