Isfahamka Saddex Geesoodka Ah Oo Xoojiyay Taageerada Saadka Ee Unsos Siiso Ciidamada Amniga Soomaaliya

13 Dec 2023

Isfahamka Saddex Geesoodka Ah Oo Xoojiyay Taageerada Saadka Ee Unsos Siiso Ciidamada Amniga Soomaaliya

New York – Qaramada Midoobay, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS), iyo Midowga Afrika (AU) ayaa horraantii bishii December magaalada New York ku kala saxiixday heshiis Isfaham oo saddex geesood ah oo ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa taageerada dhanka saadka ah ee la siiyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF).

Iyadoo laga jawaabayo codsigii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ahaa in la cusboonaysiiyo Is-afgaradkii hore ee ku saabsanaa bixinta taageerada Qaramada Midoobay ee la siiyo CXDS, dhinacyada waxaa kala matalayey, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur; Madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), Maxamed El-Amine Souef; iyo Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ASG Aisa Kirabo Kacyira, iyadoo lagu diyaariyey qaabka taageerada saadka oo leh isla-xisaabtan adag.

Sida ku cad qodobbada heshiiska, Isfahamku waxa uu dhigayaa qaabkii QM ay u siin lahayd taageero saadka ah oo aan halis lahayn oo la siinayo ciidamada ammaanka Soomaaliya oo tiradoodu tahey 18,900 oo askari. Kaalmadan waxay ku jiheeysantahey Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Ciidamada Booliska Federaalka ama Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedyada ee howlgallada wadajirka ah la sameeya howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS).

Isfahamkan saddex geesoodka ah ee la cusboonaysiiyay wuxuu ku qotomaa heshiiskii hore ee la saxiixay Sebtembar 2021 wuxuuna dib u xaqiijinayaa ballan-qaadka iskaashiga ah ee lagu xoojinayo kaalmada ciidamada amniga Soomaaliya.

Sida lagu qeexay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2687 (2023), xirmada taageerada la siinayo waxay ka kooban tahay cunto, biyo, shidaal, gaadiid, teendhooyin, daad-gureynta dhaawacyada, bakhaarrada difaaca, ka hortaga walxaha qarxa (C-IED) tababarka iyo kobcinta awooda, iyo isgaarsiinta noocyaheeda kala duwan eegudaha Soomaaliya.

Iskaashigan, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS) wuxuu la kaashan doonaa CXDS iyo ATMIS dhanka bixinta taageerada saadka. waxaana ka mid ah in UNSOS lagu daro qorsheynta howlgallada militari, xaqiijinta ammaanka kolonyada baabuurta iyo garoomada diyaaradaha, ilaalinta rayidka iyo waddooyinka muhiimka ah ee saadka.

Iskaashiga ka dhexeeya ATMIS, UNSOS iyo DFS ayaa ah mid lagu xaqiijinayo in si habsami leh mas’uuliyadaha amniga loogu wareejiyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ka hor inta aan la gaarin bixitaanka Howlgalka Midowga Afrikaee dhammaadka Diseembar 2024.

Hadda, UNSOS waxay taageertaa 15,900 oo askari oo ka tirsan CXDS ee hawlgallada wadajirka ah la sameeya ATMIS, iyadoo tirada lagu wado iney gaarto 18,900 askari, sida uu qabo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2710 (2023) iyadoo la sugayo ilo dhaqaalo oo ku filan. Taageerada CXDS waxa ay ku salaysan tahay tabarucaadka ay bixiyaan Dawladaha Xubnaha ka ah oo ay ku shubaan Sanduuqa Horumarinta CXDS oo ay maamusho UNSOS. Boqortooyada Ingiriska iyo Maraykanka ayaan dhawaan sameeyey deeqsinimo aad loogu baahnaa oo ay ku shubeen Sanduuqan.

Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2710 (2023) ayaa sidoo kale u baahan in saaxiibada muhiimka ah ay sii joogteeyaan dardargelinta tayaynta Soomaaliya iyagoo si buuxda ula tashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah dawlada Federaalka.

UNSOS waxaa la aas aasay sanadkii 2015-kii, iyadoo badashay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee AMISOM (UNSOA) – si ay uga caawiso CXDS, ATMIS iyo Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) si ay u taageeraan dadaallada nabadda iyo amniga ee looga golleeyahay in lagu abuuro Gole nabad ah oo dib-u-heshiisiin ah iyo ballaarinta awoodda dawladda. Soomaaliya ay ka hirgasho.

Article type