11 Jan
2024
Shil duulimaad oo ku yimid diyaarad helikobter ah oo u Kireysneyd Qaramada Midoobey
Muqdisho – Qaramada Midoobay ayaa xaqiijineyso inuu dhacey shil duulimaad oo ku yimid diyaarad Helicopter ah oo u kireysneyd Qaramada Midoobay shilkaas oo ka dhacey Galmudug, Soomaaliya. Diyaaradda helicopter-ka ayaa waday daad gureynta caafimaadka. Qaramada Midoobay waxay ku guda jirtaa ururinta dhammaan macluumaadka khuseeya, Waxaa socda dadaalo loogu gurmanayo. Waxii Macluumaad dheeri ah waan idinla wadaagi doonaa marka la helo.