UNSOS iyo Waaxda Taageerada Hawlgallada (DOS) oo soo gabagabeeyey siminaar ku saabsan qiimeynta saameynta hawgallada lagu taageero ATMIS iyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed

26 Apr 2024

UNSOS iyo Waaxda Taageerada Hawlgallada (DOS) oo soo gabagabeeyey siminaar ku saabsan qiimeynta saameynta hawgallada lagu taageero ATMIS iyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed

Muqdisho – Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Waaxda Taageerada Hawlgallada (DOS) ayaa soo gabagabeeyey siminaar socday saddex malmood oo lagu qabtay Muqdisho, kaas oo ay bahwadaagta uga wada hadleen qorshayaasha najaxay iyo casharrada laga bartay iskaashiga hawlgaleed ee ka jira Soomaaliya.

Madax sare oo ka socday Midowga Afrika, ATMIS, Ciidanka Amniga Soomaaliyeed iyo hay’adaha QM ayaa dhammaantood ka hadlay qiimaha uu ku fadhiyo taageerada UNSOS, iyagoo xoojiyay ahmiyadda qorshaynta wadajirka ah iyo iskaashiga saddex-geesoodka ah ee looga gol leeyahay sidii loo suurtagalin lahaa kala-guur amni oo guulaysta. Muddadii uu socday siminaarka, waxaa lagu xusay doorka muhiimka ah ee ay ciyaareyso UNSOS iyadoo Soomaaliya ka ah awood-siiye aad muhiim u ah.

Ka-qeybqaatayaasha ayaa sidoo kale isla soo qaaday sida qorshayaasha iyo geeddisocodyada loo midayn karno si loo xaqiijiyo in Waaxda DOS iyo UNSOS ay sii ahaadaan hay’ado saameyn leh muddada ay taageerayaan ATMIS iyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed xilliga lagu jiro kalaguurka amniga.

Wafdiga DOS waxaa hoggaamineysay Marwo Vanessa Kent, oo ah Madaxa qaabilsan Adeegyada Iskaashiga, waxayna tiri” Waxaan awood u yeelannay inaan jawaabo togan ka maqalnay bahwadaagta, sida Xafiiska UNSOS uu u horumariyay iskaashiga uu la leeyahay ATMIS iyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed iyo sida uu awood ugu yeeshay sare u qaadista taageerada waliba si degdeg ah oo waqtiga la ilaalinayo.”

Marwo Kent waxay sheegtay in Waaxda DOS ay casharro qiimo badan ka baratay nidaamka taageero ee UNSOS ay ka bixiso Soomaaliya, taas oo u saamixi doonto DOS bixinta taageero ka saameyn wanaagsan marka la fulinayo hawlgallada mustaqbalka, gaar ahaan kuwa uu hoggaaminayo Midowga Afrika, ee iskaashiga lala leeyahay bahwadaagta amniga ee qaranka. Waxay raacisay in DOS ay awood u yeelan doonto inay u naqshadayso jawaabaheeda iyo taageeradeeda si waafaqsan baahiyaha ka jira goobaha hawlgallada laga fulinayo iyadoo la dhageysanayo bahwadaagta.

Gunaanadka siminaarka, Kaaliyaha Xog-Hayaha Guud Kacyira ayaa ku celisay inay UNSOS ka go’an tahay qiimeynta iyo sahaminta qorshayaasha si sare loogu qaado waxtarka iyo saameynta caawinta Midowga Afrika iyo geeddisocodka kala guurka ee Ciidanka Soomaaliyeed.

Waxaa aqoon-is-weydaarisga ka qeybgalay wakiillo ka socday Guddiga Midowga Afrika (AUC), Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), wakiillo Dalalka ciidamada ku leh hawlgalka ATMIS (TCCs) oo ka socday caasimadaha kala duwan, Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Kooxda QM u qaabbilsan Dalka iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku jireen Ciidanka Amniga Soomaaliyeed.

Sanadkii 2009, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhisay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee AMISOM (UNSOOA). Sanadkii 2015, UNSOA waxaa loo baddalay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) si loo hirgeliyo waajibaadka kordhaya ee taageerada la siiyo Ciidanka Amniga Soomaaliya iyo Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Article type