Idaacada Isnaay Radio oo taageero ka heshay UNSOS oo isbedel bulsho oo wanaagsan ku soo dabaashay magaalada Jowhar, Soomaaliya

15 May 2024

Idaacada Isnaay Radio oo taageero ka heshay UNSOS oo isbedel bulsho oo wanaagsan ku soo dabaashay magaalada Jowhar, Soomaaliya

Jowhar – Cabdalle Cumar Cali, waa 34-jir ganacsade ah oo ku nool magaalada Jowhar, oo ah magaalo hodon ku ah beeraha kama mid ah dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle, aya subax kasta iyo galab walba si joogto ah u dhageysto Idaacadda uu jecel yahay.

Aabahan saddexda carruur leh ayaa niyadsami qoto dheer u yeeshay Idaacadda Isnaay radio sababtoo ah wuxuu ka helay tebinteeda mowduucyada muhiimka ah ee saameeya noloshiisa, oo ku saabsan wararka ganacsiga, beeraha, caafimaadka, iyo waxbarashada. Wuxuu rajeynaya in idaacada ay mustaqbalka soo kordhin doonto qeybta telefishinka.

“Idaacadu waxa ay sii daaysaa barnaamijyo muhiim ah oo ku saabsan arrimaha bulshada oo aan jeclahay sida ganacsiga, caafimaadka, iyo waxbarashada. Waxaan ku boorrinaynaa maamulka iyo shaqaalaha in ay sii wadaan shaqada wanaagsan ee ay hayaan, isla markaana hadii ay suurtagal tahay furaan telefishan ayna ku daraan barnaamijyo madadaalo ah,” ayuu yiri Cabdalle.

Ma aha kaligii dhegeystaha aadka u jecel idaacadan bulshada. Magaalada Jowhar, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 100,000 oo qof waxaa ku yaalla afar idaacadood oo kale oo gaar loo leeyahay. Dadka deegaanka ayaa doorbida idaacada Isnaay, oo loogu magac daray warshada sonkorta ee caanka ka ah Jowhar, taasi oo ay keenta in ay baahiso barnaamijyada bulsheed.

Ruqiya Cabdulle Cali, oo u dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka ah, waa dhageyste kale oo aad ugu xiran Idaacadda Isnaay. Waxay tiri, tan iyo markii idaacadda la aasaasay bishii Maajo 2020, waxay si weyn uga qayb qaadatay kor u qaadista wacyiga guud ee arrimaha muhiimka ah ee saameeya bulshada deegaanka.

“Shacabka ayaa si weyn uga faa’iideystay Idaacadda Isnaay. Bulshooyinkeena wacyigooda hada aad ayu u sareeyaa waxayna ka warqabaan oo xogogaal u yihiin arrimaha iyaga khuseeya sida barnaamijyada haweenka loo habeeyey iyo kuwa kale. Waxa idaacaddu diiradda saartaa arrimaha bulshada waxayna ka fogaataa arrimaha wax u dhimi kara horumarka iyo xasilloonida gobolka,” ayay tiri Ruqiya.

Codka bulshada aan lahayn wax u hadla

Idaacadda Isnaay waxa laga dhageystaa hirka 87.7 MHz ee magaalada Jowhar iyo nawaaxigeeda, waxayna maalin kasta hawada ku jirtaa lix saacadood oo laba jeer ukala jadwaleysan. Qeybta subaxnimo waxay socotaa 7:30 subaxnimo ilaa 10:30 subaxnimo halka barnaamijka fiidkii uu bilaabma 6da galabnimo ilaa 9ka galabnimo. Idaacadda ayaa waxaa ka howlgala 7 hawlwadeen oo ay ku jiraan labo dumar ah.

Idaacadda Isnaay, oo ka mid ah shanta idaacadood ee kale ee bulshada ee fadhigoodu kala yahay Beledweyne, Kismaayo, Baydhabo, Dhuusomareeb iyo Dhoobley oo taageero ka helay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS), ayaa sidoo kale si toos ah looga heli karaa barta Facebook: https://www.facebook. com/isnaayradio?mibextid=ZbWKwL

Idaacadda Isnaay ayaa baahisa barnaamijyo loogu tala galay in lagu wacyigaliyo xuquuqul insaanka, sinnaanta jinsiga, daryeelka caafimaadka ee bulshada, deegaanka, iyo horumarka, iyadoo ay barbar socoto dadaallada nabadda iyo dib u heshiisiinta. Barnaamijyadani waxay ujeedadoodu tahay in ay kor u qaadaan badqabka iyo wax-soo-saarka bulshooyinka maxalliga ah iyo sidookale kobcinta is-dhexgalka togan ee bulshada iyo dawladda.

Idaacadda Isnaay oo ay ka taaba geliso Hay’adda Mukay Foundation oo ka mid ah Ururrada Bulshada ee Magaalada Jowhar ayaa la aas aasay iyadoo ujeeddadeedu tahay in ay noqoto Codka dadka aan lahayn wax u hadla. Hadafkeedu waa abuurista wada shaqayn dhex marta bulshada deegaanka iyo dawladda, u ololaynta iyo horumarinta dib u heshiisiinta iyo nabadaynta.

Wax ka qabashada caqabada-maalmeedka

Cabdicasiis Xasan Cabdulle oo ah agaasimaha idaacadaasi ayaa sheegay in idaacadda Isnaay ay baahiso barnaamijyo udub dhexaad u ah bulshada oo loogu talagaly in ay wax ka qabataan caqabadaha maalinlaha ah iyo in ay soo bandhigto fursadaha ay heli karaan dhagaystayaasheeda oo u badan beeralay iyo ganacsato, iyadoo si gaar ah diiradda u saareysa haweenka iyo dhalinyarada.

"Idaacada Isnaay waxa ka baxaa barnaamijyo kala duwan oo ku saabsan beeraha, caafimaadka, waxbarashada iyo nabadeynta iyo doodaha ku saabsan arrimaha bulshada. Waxaan sidoo kale sii daynnaa barnaamijyo kale oo muhiim ah sida tignoolajiyada, haweenka, dhalinyarada, ganacsiga, iyo barnaamijyo kale oo xiiso leh oo saameeya nolosha dhagaystayaasheenna,” ayuu yiri Cabdicasiis.

Idaacadda ayaa si gaar ah qiimo ugu leh bulshada deegaanka xilliyada ay jiraan xaalado degdeg ah oo ay ka mid yihiin COVID-19 ama masiibooyinka dabiiciga ah sida fatahaadaha, kuwaas oo ka mid ah arrimaha soo noqnoqda ee saameeya magaalada Jowhar, halkaasoo webiga Shabeelle uu maro, marar badanna uu buux dhaafo xilliyada roobabka xooggan ay da’aan, taasoo keenta fatahaado.

"Tan iyo markii la aasaasay idaacadda Isnaay si dhow ayay noola shaqeyneysay, waxaan u isticmaalnaa idaacadaha si aan u gudbinno ogeysiisyada aan u gudbinno dadweynaha iyo fariimaha muhiimka ah ee ku saabsan dhammaan arrimaha horumarinta bulshada," ayuu yiri Maxamuud Xasan Bariise, xoghayaha dowladda hoose ee Jowhar.

Maryama Cabdi Xasan oo ka mid ah dadka soo jeediya barnaamijyada haweenka iyo kuwo kale ayaa xustay in warbixinnadooda ay u heellan yihiin xoojinta haweenka ayna horseeden saameyn wanaagsan, iyadoo ay sii kordhayaan tirada haweenka deegaanka ee isbedel-doonka ah.

"Haweenka qaarkood waxay yiraahdeen barnaamijyadu waxay awood u siiyeen in ay si wanaagsan uga qayb qaataan arrimaha bulshada, taas oo keentay in haween badan ay ka qaybqaataan doorashada golaha deegaanka," ayay tiri.

Sida ay sheegtay Maryama, dadka deegaanka ayaa hadda aad uga warhaya oo la socda arrimaha ka dhaca agagaarkooda, oo ay ku jiraan sicirka suuqa taas oo ah horumar si weyn uga qayb qaatay fududaynta nolosha dadka reer miyiga ah.

"Ganacsatada, kalluumaysatada, beeralayda iyo xoola-dhaqatada hadda si fiican ayaa loogu wargeliyay qiimaha badeecadaha kala duwan, markaa waxay ka yimaadaan meela fog iyagoo haysta go'aan xog ogaal ah oo ku saabsan waxa ay iibsanayaan ama iibinayaan sida xoolaha, cuntada ama alaabta kale," ayay ku dartay.

Marka laga soo tago idaacadda Isnaay, UNSOS waxay ka hirgelisay dalka shan idaacadood oo kale oo ay bulshadu leedahay, kuwaas oo kala ah: Radio Beer Lula oo ku yaalla Beledweyne, Radio Waamo oo Kismaayo ah, Radio Arlaadi oo Baydhabo ku yaalla, Radio Daar Dheer oo Dhuuso-mareeb ah, iyo Radio Sanguuni oo ku yaalla Dhoobley.

UNSOS waxay lixdaan idaacadood ee bulshada u fidisaa taageero farsamo waxayna siisaa qalab, oo ay ka mid yihiin anteenooyinka, qalabka istuudiyaha, gudbiyeyaasha hirarka FM-ka, iyo matoorada koronto dhaliya.

Article type