QM oo bandhig shaqo u qabatay dhallinyarada Soomaaliyeed

22 Apr 2024

QM oo bandhig shaqo u qabatay dhallinyarada Soomaaliyeed

Mogadishu - Qaramada Midoobay ku sugan Soomaaliya ayaa dhowaan martigelisay bandhig shaqo oo ay ka qeybgaleen in ka badan 200 arday Soomaaliyeed iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Bandhigga oo uu soo qabanqaabiyey Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha ee HRWQ, ayaa diiradda saarayay sidii loo baraarujin lahaa fursadaha shaqo ee ka dhex jira nidaamka QM.

Dr Aisa Kirabo Kacyira, Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa la hadashay ardayda, iyadoo xoojisay ahmiyadda bandhiggu u leeyahay dhisidda karaanka iyo bixinta fursado lagu heli karo shaqooyin ka tirsan QM.

“Tani waa tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhinaca dhisidda karaanka, fursad abuurista iyo in la idinka caawiyo fahanka sida aad ku sahamin kartaan nidaamka si aad fursado shaqo uga dhex heshaan hay’adaha QM oo aad u adeegtaan Soomaaliya iyo ka shishe-ba,” ayay Dr Kacyira u sheegtay ardaydii madasha isugu timid.

Waxay ugu baaqday ardayda inay madasha uga faa’iidaystaan sidii ay ku ogaan lahaayeen fursadaha shaqo ee ka dhex jira hay’adaha kala duwan ee QM ee ka hawlgala Soomaaliya, iyadoo carrabka ku adkeysay sida QM uga go’an tahay geeddisocod kalaguur oo guuleysta, oo ay ku jirto maalgelin dheeraad ah oo lagu sameeyo khibradda iyo dadaallada karaan-dhisidda.

“Aakhirka, waxaan u adeegeynnaa hal bulsho: Soomaaliya. Ha ka labalabaynin inaad wax waydiiso, dadkana aad dhexgashid oo aad xiriir la sameysid, waxaana rumeysanahay in madashani ay billow u tahay hayaankeenna wadajirka ah,” ayay raacisay Kirabo.

Munaasabadda waxaa ka soo qeybgalay Wakiilka Gaarka ah ee Xog-Hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing; Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Haweenka, Dr Syed Sadiq, Agaasimaha Hay’adda Cuntada Adduunka u qaabilsan Soomaaliya, El-Khidir Daloum, iyo sidoo kale wakiillo kale oo ka kala socday hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay, Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo ururrada rayidka ah.

Iyadoo garowsaneysay horumarka mudan in la xuso ee laga sameeyey dowlad-dhisidda Soomaaliya, Marwo Laing ayaa ku celisay juhdiga QM ee ku aaddan taageeridda dhallinyarada Soomaaliyeed si looga caawiyo inay wanaajiyaan noloshooda.

“Hal dhabbe xirfadeed waa inaad nagala shaqeysid Qaramada Midoobay, waxaana jira wadiiqooyin kale oo arrinkaas loo mari karo. Waxaa jira hay’ado badan, deeqo, iyo barnaamijyo kuwaas oo dhammantood maanta metelaad ku leh bandhigga isla markaasna diyaar u ah inay idinla hadlaan, idinna dhiirrigeliyaan,” ayay tiri Marwo Laing.

Waxay xoojisay ahmiyadda ay leedahay mudnaan-siinta fursadaha shaqo ee shakhsiyaadka daneynaya inay u shaqeeyaan QM isla markaasna gacan ka gaystaan horumarka dalka ka socdo.

“Waxaan rajeynayaa in sanadaha mustaqbalka in mid idinka mid ah uu halkan istaagi doono una khudbayn doonno saaxiibbadiin,” ayay raacisay Laing, oo sidoo kale soo dhoweysay doorka shaqaalaha maxalliga ah ay ka cayaaraan hirgelinta waajibaadka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Wakiilka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Hodan Cumar Maxamed ayaa qirtay in QM ee Soomaaliya ay bixisay madal leh fursado xiise leh oo loo qorsheeyey shaqaalaha maxalliga. “Waxaan halkan u joognaa inaan idinku dhiirrigelinno sidii aad dhug ugu yeelan lahaydeen fursadahan ay QM idinku siineyso munaasabaddan maanta dhacaysa,” ayay tiri Hodan.

Waxay raacisay in wasaaraddu si xooggan u taageersan tahay waajibaadka hay’adaha QM ee dalka, isla markaasna ay si firfircoon hay’adaha QM isaga kaashadaan mashaariic ballaaran oo diiradda saaraya shaqada iyo ilaalinta bulshada.

Wakiilka Hay’adda Haweenka QM ee Soomaaliya, Dr Syed Sadiq ayaa munaasabadda ku tilmaamay mid fursad dahabi u ah haweenka inay ka faa’iidaystaan isla markaasna ku codsadaan fursadaha shaqo ee ka bannaan hay’adaha kala duwan ee QM.

Isagoo xoojinayay aragtida Xog-Hayaha Guud ee QM Antonio Gutterres’ ee ku aaddan ka qaybgalinta jinsiga, Sadiq wuxuu soo dhoweeyey doorka ay ciyaarayso hay’adda haweenka ee QM ee dhiirrigelinta awood-siinta haweenka si loo wajaho caqabadaha jinsiga iyadoo loo marayo ka qaybgalin loo siman yahay ee haweenka ee goobaha shaqada iyo dhinacyada kale.

“Waa inaanay jirin wax xannibaad ah oo ragga iyo haweenka ka hor istaagaya inay helaan fursado loo siman yahay oo ay uga qaybgali karaan doorar kasta oo ka dhex jira nidaamka QM iyo hay’adaha hoos yimaada,” ayuu yiri Sadiq, oo qaab fogaan-arag ah u furay maalintii labaad ee munaasabadda.

Dhallinyaro ka socday jaamacado kala duwan, oo ay ku jiraan Jaamacadaha Hormuud, Zamzam, Hope, Horseed, Jamhuuriya, SomBridge, Salaam, University of Somalia and Jaamacadda Muqdisho ayaa intii ay munaasabadda socotay loogu sharraxay habka shaqo-qaadashada QM, kartida loo baahan yahay, sida loogu dhawaaqo fursadaha bannaan, hannaanka araajida, iyo sidoo kale wareysiyada iyo hababka xulashada iyo qodobbo kale oo badan.

Maryan Cali, oo ka qalinjabisay Machadka Duulista Muqdisho ayaa sheegay in bandhigga shaqada uu kobciyay aqoonteeda iyo fahanka ay ka haysatay fursadaha shaqo ee QM iyo sida uu qof u horumarin karo fursadaha u suurtagalin kara in shaqo laga siiyo mid ka mid ah hay’adaha.

“Wax badan ayaa ka bartay, oo ay ka mid yihiin sida loo dhiso CV, sida xiriir loola sameeyo hay’adaha iyo sida loo ugaarsado fursadaha shaqo, iyo sidoo kale xeeladaha wareysiga. Waxaan rajeynayaa inaan gacan ka gaysto horumarinta dalkayga,” ayay tir Maryan, oo ay riyoonaysa inay noqdo maamule duullimaadyada.

Ka qeybgale Cabdi Aadan Maxamed, oo haatan jaamacadda heerkeeda koowaad ku baranaya culuumta bulshada iyo maamulka dadweynaha ee jaamacadda Hope ayaa ugu baaqay QM inay bandhigyo noocaan oo kale ah ku qabato magaalooyin kale si loogu suurtagaliyo in dhallinyaro kale oo badan ay ka qeybgalaan.

“Barnaamijku waa muhiim sababtoo ah wuxuu abuurayaa fursado shaqo isla markaasna wuxuu bixinayaa madal ay ardayda iyo bulshada ku kulmi karaan si loo dhiirrigeliyo horumarinta bulshada.”

Munaasabadda socotay labada maalin, oo isugu jirtay kulammo loo joogay iyo kuwo fogaan-arag ah, waxay fursad u siisay wakiillo ka socday hay’ado kala duwan oo ka tirsan QM inay dhex galaan ardayda iyo xubnaha kale ee bulshada rayidka ah.

“QM waxay leedahay agab kala duwan iyo mabaadi’ sida Himilooyinka Horumarka Waara iyo Cahdiga QM ee Ilaalinaya Xuquuqda Dadka Naafada ah, oo ah agab muhiim ah oo taageeraya dadka la nool baahiyaha gaarka ee dunida ku nool,” ayuu yiri Maxamed Cabdisalaam Diiriye, Guddoomiyaha Hay’adda SODAN ee naafada.

Gunaanadka hadal-jeedintiisa, Maxamed Cabdullaahi, Guddoomiyahaa Midowga Shaqaalaha Qaranka ayaa ugu baaqay ardayda inay muujiyaan firfircooni marka ay timaaddo raadinta fursadaha shaqo ee ay QM bixinayso.

“Aan si wadajir ah u shaqeynno, waxna u baranno, joogteeya codsashada shaqooyinka iyo waxbarashada, ha rajo dhigina.”

Article type