Iskaashiga UNSOS, Midowga Afrika Iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliya oo Xoojiyay Saameynta Taageerada Lojistiko ee Hirshabeelle

17 Apr 2024

Iskaashiga UNSOS, Midowga Afrika Iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliya oo Xoojiyay Saameynta Taageerada Lojistiko ee Hirshabeelle

Jowhar – Ciidanka Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo kuwa Qaranka Soomaaliya ayaa guulaha ay ka gaareen hawlgallada militari ee laga fuliyay Dowlad Goboleedka HirShabeelle u aaneeyey taageerada lojistikada ee muhiimka ah ee uu fidiyay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Mar ay helayeen saadka cunto ee billaha ah ee UNSOS u gaysto ciidanka ATMIS ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe, Sarkaalka Lojistikada u qaabilsan Qaybta 5 ee ATMIS, Gaashaanle Dhexe Sédécias Niyikuri ayaa ka mahadceliyay daadajinta taageerada lojistiko ee la siiyo waaxaha. Wuxuu sheegay in gaynta waqtiyaysan ee saadka ay wax wayn ka baddashay hawlgallada wadajirka ah ee looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab.

“Taageerada ay bixiso UNSOS waxay muhiim u tahay fudadaynta hawlgalaha aan deegaannada ka wadno. Waxay naga caawiyaan raashinka la siiyo ciidanka, keenaan shidaalka loo adeegsado gaadiidka iyo kicinta matoorrada, dayactirka nidaamyada biyaha lagu nadiifiyo, dhismaha iyo sidoo kale hawlaha injineerinka,” ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Niyikuri mar uu bixinayay wareysi isagoo joogay Jowhar.

Daadajinta taageerada lojistiko, ayuu sheegay, inay ‘soo gaabisay hannaankii dheeraa’ isla markaasna meesha ka saartay daahitaankii dheeraa ee horey lagala kulmi jiray codsiyada adeegga.

“Taageerada lojistiko waa mid aad caawimaad wayn u leh maaddaama ay na siiso adeegyada muhiimka ah iyo agabka looga baahan yahay hawlgallo miradhal ah oo wax tar leh oo ay fulinayaan ciidankeenna. Waan ka mahadcelinaynnaa sababtoo ah xilli kasta oo aan codsi dirsanno, UNSOS waxay nooga soo jawaabtaa si degdeg ah,” ayuu raaciyay Gaashaanle Dhexe Niyikuri.

Jeneraal Ibraahim Yuusuf, taliyaha ciidanka xoogga dalka guutadooda saddexaad ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in taageerada ay bixiso UNSOS ay sare u qaadday niyadda ciidanka isla markaasna ay awood u siisay inay fuliyaan hawlgallo military oo guulaystay oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Aad ayaan u mahadcelinaynnaa UNSOS taageerada lojistiko ee waqtigeedu ku timaadda ee ay siiso ciidankeenna. Taageerada aan helno waa mid aad muhiim u ah, si macne leh ayayna gacan uga gaysataa hawlgallada aan ku awoodsiinaynno ciidanka inay iska dhiciyaan isla markaasna eryadaan kooxda Al-Shabaab,” ayuu raaciyay Jen. Ibraahim.

 

“UNSOS waxay kaloo na siisaa taageero caafimaad oo lagu daadgureeyo ciidanka kuwooda dhaawacma, taageeradan oo badbaadisay nolosha askar badan oo ku dhaawacmay goobaha dagaalka, isla markaasna sare u qaaday niyadda ciidankeenna,” ayuu raaciyay.

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo kali ah, UNSOS waxay taageero lojistiko siisaa 1,400 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan degmooyinka Cadalle iyo Balcad.

“Xafiiska QM ee taageerada lojistikada wuxuu haatan taageeraa ilaa 15,800 oo askari oo ka tisan ciidanka amniga Soomaaliya ee wada0shaqeyn wadajir ah la leh kuwa nabad ilaalinta ee Midowga Afrika. Tirada sare waa loo sii qaadi karaa oo waxaa la gaarsiin karaa ilaa 18,900 oo askari, waa haddii la helo maalgelin loogu yabooho Sanduuqa QM maamusho ee laga taageero ciidanka amniga Soomaaliya.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan xusi in tan iyo Jannaayo 2022, hadafka (daadajinta) al gaaray ilaa dhammaan waxyaabihii loo baahnaa iyo agabkii muhiimka ah ay xilli kasta diyaar ku yihiin maqaasinnada. Daadajinta waxay xaqiiqdii gacan ka gaysatay inta badan guulaha laga gaaray qaybtan,” ayuu yiri Moses Padi, Kaaliyaha saadka UNSOS ee ku sugan Jowhar.

Wuxuu raaciyay in “codsiyada macaamiisha looga hawlgalo sida ugu dhaqsaha badan ee suurtagalka ah marka loo barbardhigo xilliyadii hore, oo dhammaan aqbalaadda codsiyada lagu maareyn jiray Muqdisho.”

“Si looga hortago saad aan loo baahnayn, UNSOS waxay aalaaba macaamiisha kala tashataa baahiyahooda, waxayna baqaarrada kaydka ku diyaarisaa saadka loo baahan yahay. Tani waxay sare u qaadday gaynta waqtiyaysan ee taageerada saadka ee macaamiisha la siiyo.

“Waxaan mar kasta xaqiijinnaa in kayd nagu fila naan haysanno iyadoo MOVCON ay inta badan naga caawiso kaydk ku xaraynta maqaasinnadeenna,” ayuu yiri Padi.

Gagan Banjara, oo UNSOS u qaabilsan arrimaha Maamulka ee Gobolka kuna sugan Jowhar, ayaa sheegay in daadajinta taageerada lojistiko ay gacan ka gaysatay xaqiijinta in adeegyada loo geeyo macaamiisha waqtiga loogu talagalay.

“Daadajinta iyo hawl wakiilashada waxay gaareen natiijooyin waa wayn oo wax ku ool ah. Marka laga hadlayo daadajinta, waxaa jira siddeed qaybood ah oo muhiim oo lagu xusay qorshaha. Badankood waxay ku wajahan yihiin kordhinta heerarka kaydka,” ayuu yiri Banjara.

UNSOS waxay awood u yeelatay inay xal u hesho inta badan caqabadihii ay horey u wajahi jirtay, waxaana guushan sabab u ah iskaashi kooxeed iyo wada shaqeyn dhow oo dhex martay macaamiisha iyo bahwadaagta kale.

“Waxaan diiradda saarnay dhaqan iskaashi, waxaana fursado ka dhex aragnay caqabadihii jiray. Iskaashigan ayaa noo sahlay in saaxiibbada aan shaqo wadaagta nahay ay fahmaan, in macaamiisheenna ay fahmaan annagoo u mareynna kulammo joogto ah, is dhex gal joogto ah, xiriir furan oo aan la yeelanno madaxda naga sarreysa iyo madax qaybeedyada ku sugan Muqdisho si ay u fahmaan ahmiyadda daadajinta,” ayuu carrabka ku xoojiyay Banjara.

Article type