Boqortooyada Ingiriska ayaa ku Deeqdey £2.75 oo lagu taageerayo Ciidamada Amaanka Soomaaliya

16 Apr 2024

Boqortooyada Ingiriska ayaa ku Deeqdey £2.75 oo lagu taageerayo Ciidamada Amaanka Soomaaliya

 

  • Boqortooyada Ingiriska ayaa ku dhawaaqday in ay taageero dheeraad ah siinayso Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS) si uu taageero aan halis ahayn usiiyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

 

Boqortooyada Ingiriska (UK) ayaa 2.75 milyan oo gini oo dheeraad ah siisay xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) Sanduuqeeda horumarinta si ay u taageerto ciidamada ammaanka Soomaaliya (SSF).

Sanduuqan Hrumarinta oo ay maamusho UNSOS wuxuu taageerada saadka ee mudnaanta leh siiyaa CXDS sida ay u dejisay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Maalgelinta cusub ee Boqortooyada Ingiriska (UK) waxay taageeri doontaa bixinta iyo raridda agabyada kala duwan sida raashiinka, qalabka isgaarsiinta, iyo teendhooyinka, waxayna gacan ka geysan doontaa daad-gureynta dhaawacyada ciidamada XDS ee hawlgallada sameynaya.

Intaa waxa dheer, in deeqdani ay suurto galineyso in si dheeraad ah loo maalgeliyo dhisidda awoodda iyo hubinta joogtaynta shaqada CXDS iyo fulinta hawlaheeda. Tusaale ahaan, maalgelinta Boqortooyada ingiriiska (UK) waxay ka dhigan tahay helitaanka qalab isgaarsiineed oo aad u sarreeya (VHF), iyada oo loo marayo Sanduuqa horumarinta. waxaa sidoo kale CXDS la siin doonaa xirfado farsamo si ay u ilaaliyaan nidaamka isgaarsiineed (VHF) una awoodaan shaqada rakibidda mustaqbalka ee qalabkan. Tani waxay taageeri doontaa iskaashiga isgaarsiinta iyo hawlgallada wax ku oolka ah ee Soomaaliya.

Deeqdan ugu dambeysay waxay xaqiijinaysaa sida ay Boqortooyada ingiriiska (UK) uga go'an tahay in la dhiso Soomaaliya ammaan ah oo xasilloon. Boqortooyada ingiriiska (UK) waxay samaysay tabarucaad la taaban karo oo gaaraya £5 milyan bishii Janaayo 2024 iyo £5 milyan bishii Disembar 2023 iyo, tan iyo 2022, waxay bixisay in ka badan £20 milyan oo tabarucaad ah siisey UNSOS si ay u taageerto CXDS.

Madaxa UNSOS, Dr Aisa Kirabo Kacyira ayaa tiri: Sanadihii la soo dhaafay, Boqortooyada ingiriiska UK waxay ahayd deeq bixiyaha udub-dhexaadka u ah Sanduuqa horumarinta ee taageerada CXDS. Deeqdan ugu dambeysay waxay muujineysaa sida hagar la’aanta ah ee ay uga go’an tahay xoojinta taageerada saadka iyo tayaynta si ay uga faa’iideystaan ragga iyo haweenka geesiyaasha ah ee Soomaaliyeed.

Hadda, UNSOS waxa ay taageertaa 14,900 oo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ah (SNA) iyo 1,000 ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF) oo hawlgalo wadajir ah la sameeya Hawlgalka Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). Waxaa socda dadaallada lagu kordhinayo taageerada oo la gaarsiinayo ilaa 18,900.. Kaalmadan maalgelineed ee ugu dambaysay waxay gacan ka geysan doontaa kor u qaadista tababbarka Ciidanka.

Deeqda Caawimaadda ah ee Dawladaha Xubnaha ah ay siiyaan Sanduuqa Horumarinta ayaa ah mid aad muhiim ugu ah CXDS maadaama ay qaadayaan mas'uuliyado amni oo dheeraad inta lagu jiro xaalada dhimista ciidamada ATMIS.

Horudhac

  • Boqortooyada ingiriiska  (UK) waxa ay bixisay £23.425m oo tabarucaad mutadawacnimo ah oo lagu taageerayo UNSOS tan iyo 2022. Waxa ay sidoo kale taageero maaliyadeed oo mug leh siisaa Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Article type