UNSOS, DFS iyo ATMIS ayaa shaaciyay in ay dib u bilaabeen wajiga labaad ee dhimista ciidamada

2 Dec 2023

UNSOS, DFS iyo ATMIS ayaa shaaciyay in ay dib u bilaabeen wajiga labaad ee dhimista ciidamada

Muqdisho – Mas’uuliyiinta ugu sarreysa EE Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Hawlgalka kumeelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu dib u furmayo wajigii labaad ee ka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya marka la gaaro 31 December 2023.

Sida uu qabo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2710, ATMIS waxay hadda Soomaaliya kala bixi doontaa 3,000 oo askari oo dheeraad ah, waxayna ku wareejin doontaa toban Saldhig dhammaadka bishan December. Hannaanka oo markii hore qorshuhu ahaa in la soo gabagabeeyo dhammaadka Sebtembar, ayaa hakad ku yimid ka dib markii dowladda Federaalka ay codsatay hakad farsamo. Laba Saldhig oo kala ah Biyocadale iyo Ragaceel, ayaa horey loogu wareejiyay bilaha Sebtembar iyo Oktoobar siday u kala horreeyaan.

Madaxa UNSOS Ms. Aisa Kirabo Kacyira, oo uu weheliyo Madaxa ATMIS, Amb. Mohamed El-Amine Souef iyo La-taliyaha Amniga Qaranka Somalia, Xuseen Sheekh Cali, ayaa hadalkan ka sheegay mar ay si wadajir ah warbaahinta ugula hadleen Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

"Sharaf ayay ii tahay inaan qayb ka noqdo xilligan taariikhiga ah. Kala-guurka iyo dhimista ciidamada aan sii wadno waxey ku timid waa natiijada wadashaqeyn iyo shaqooyinka guusha leh ee aan wada qabaney. Waxaan bogaadinayaa Dowladda Federaalka, Madaxweynaha iyo kooxdiisa oo aan si dhow ula shaqeynay si ay tani udhacdo xitaa iyada oo ay jirto mawjadaha dhibaatada ah ee El-Nino,” ayay tiri Ms. Kacyira.

“Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa Madaxa ATMIS, Danjire. Souef iyo kooxdiisa oo aanu si dhow ula shaqaynay kaliya maahan heerka istaraatiijiga ah ee siyaasada laakiin waxa aad uga sii muhiimsan heerka hawlgalka,” ayay raacisay.

Dhankiisa Danjire. Souef waxa uu sheegay ka dib hakadkii farsamo ee bishii Sebtembar, in ATMIS, DFS iyo UNSOS ay tan iyo wakhtigaas dejiyeen tillaabooyin dib loogu bilaabayo geeddi-socodka sida ay u xilsaareen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika.

“Kaddib kulamo dhowr ah oo ay yeesheen gudiga farsamo ee saddex geesood ah, waxaan gaadhnay in aan tixgelinnay war-murtiyeedkii Midowga Afrika iyo qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee hirgelinta wajiga labaad ee dhimista. Wakhtiga kama dambaysta ahi waa 31-ka bisha December ee sanadkan, marka wada-tashi iyo wada hadal ka dib, dhammaan tallaabooyinka muhiimka ahaa waa la qaaday, dhimista ciidamada waxey dhici doontaa 31-ka December,” ayuu yidhi danjire Souef.

Xuseen Sheekh Cali, La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay DFS inay ixtiraamto waqtiga loo qabtay, isagoo caddeeyay in ciidamada amaanka Soomaaliya (SSF) ay diyaar u yihiin inay la wareegaan 8da Saldhig marka ay ka baxaan ciidamada ATMIS.

“Waxaan rabnaa in aan cadeyno in hannaanka kala guurka ee amniga uu yahay mid nool, dowladda Soomaaliyana ay ka go’an tahay in la meel mariyo, beesha caalamka waxaa sidoo kale ka go’an in la meel mariyo, lana xaqiijiyo in dowladdu ay la wareegto mas’uuliyadda amniga dalka marka la gaaro December 2024-ka. ” ayuu mar kale yiri La-taliyaha Amniga Qaranka.

Dr, Kacyira ayaa u xaqiijisay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in UNSOS ay sii wadayso taageerada ay siinayaan si loo xaqiijiyo isbeddel guul leh.

“Waxaan rabaa inaan idiin caddeeyo inaan diyaar u nahay inaan sii wadno taageeridda xilliga kala guurka, iyo dhimista si aan u gudano waajibaadka ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo anakoo ku sii dareyna inaan sii wadno taageerada saadka ee howlgallada, sababtoo ah waxaan ognahay in dhimista kasakaw, ay jiraan hawlgallo kale oo socda,”

Wajigii koowaad ee dhimista ee la soo gebagebeeyey bishii June, ATMIS waxa ay kala baxday 2000 oo askari, waxaana ay ku wareejisay todobo (7) Saldhig Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo si tartiib tartiib ah loogu wareejiyey mas’uuliyadda amniga, sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2687 iyo 2670.

Intii ay socotay wareejinta Saldhigyada,UNSOS waxa ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ugu deeqday Qalab iyo agabyo ay leedahay  Qaramada Midoobay oo ay ka mid yihiin Solaro, Kaydka Biyaha, Biyo sifeeyayaal, Guryo, Matoorro iyo qalab kale. UNSOS ayaa tababaro kor loogu qaadayo tayada shaqaalaha siisey CXDS, tababarkaas oo ah qaabka loo isticmaalo qalabka lagu wareejieye.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan taageerada saadka ayaa sidoo kale fududaysay dhaq-dhaqaaqa ciidamada iyo agabka culus iyo dib u celinta ciidamada dalalkooda.

Hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa la filayaa in 4000 oo askari oo dheeraad ah la saaro bisha Juun 2024 ka hor bixitaanka ugu dambeeya ee December.

Article type