Saraakiil ka kala socday UNSOS iyo ATMIS oo qiimeeyn ku sameeyay saamaynta daadadka ay ku yeeshen Saldhigyada furiimaha hore

6 Dec 2023

Saraakiil ka kala socday UNSOS iyo ATMIS oo qiimeeyn ku sameeyay saamaynta daadadka ay ku yeeshen Saldhigyada furiimaha hore

Dhobley – Saraakiil sare oo ka socda Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Howlgalka Ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa booqasho ku tagay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, si ay u qiimeeyaan saameynta fatahaadaha ay ku yeesheen ciidamada ku sugan jiida hore ee dagaalka. 

Daadadkii El Nino ee dhawaan ka dhacay Soomaaliya ayaa saameyn ku yeeshay howlgallada ATMIS iyo ciidamada amniga Soomaaliya ee ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. Daadadku waxay sidoo kale ku dhufteen ilaa 20 saldhig oo ay leeyihiin ciidamada ATMIS iyo bulshooyinka ku xeeran, taas oo saameysay adeeg bixinta.

Ku-xigeenka Madaxa Adeegga Bixinta UNSOS, Michael Dorn, iyo Taliye ku xigeenka Ciidamada ATMIS ee dhinaca Taageerada iyo Saadka, Sarreeye Gaas Peter Muteti, ayaa ku sugnaa Dhoobley, iyagoo ku jiray socdaal ay ku tagaayen qaybaha kala duwan ee ATMIS, si ay u cabbiraan oo faham uga qaataan xaaladda ka jirta goobaha ay ku suganyihiin ciidamadu. 

Dorn aya xilli wareysi laga qaaday waxa uu ku soo bandhigay in daadadka ba'an ay jareen mariinada saadka ee muhiimka ah, taas oo hakisay taageerada saadka ee ciidamada ATMIS ee ku sugan Saldhigyada furiimaha hore. 

Dorn wuxuu xusay, "Qaar ka mid ah Saldhigyada furiimaha hore waxay ku jiraan haro. Waxay caqabad weyn ku tahay ciidamada ATMIS. Markaa, shaqadeennu waa in aan horumarinno xaaladooda nololeed iyo sidoo kale in aan sugnaa ammaankooda.”

“Waxay ahayd caqabad in saadka, qalabka iyo agabka kale loo raro ama laga raro saldhigyada furiimaha hore, sababtoo ah mariinada sahayda waxaa jaray biyaha daadadka. Daadadku waxay waxyeeleeyeen kaabayaasha muhiimka ah ee Saldhigyadeena furiimaha hore, oo ay ku jiraan waddooyinka, buundooyinka, kuwaas oo saameeyay nolol maalmeedka iyo awoodaha shaqo” ayuu yiri Taliye ku xigeenka Qaybta labaad ee, Gaashanle Sare Aadan Safe. 

Dorn ayaa intaa ku daray in markii ay buux dhaafiyeen biyaha daadadka garoomo diyaaradeed oo muhiim u ahaa soo degista iyo kicista diyaaradaha Qaramada Midoobay ee saadka u geyn jiray ciidamada ATMIS, ay UNSOS bedeshay adeegsiga diyaaradaha caadiga ah iyadoo haatan adeegsato kuwa qumaatiga u kaca.

“Saldhigyada furiimaha hore ee ay sida badan u saameeyen waxay kala yihiin kuwa Qaybaha Saddexaad iyo Afaraad ee ATMIS iyadoo kuwa Qaybta shanaadna ay wax soo gaareen. Waa Baydhabo, Beledweyne, iyo Jowhar. Waxaa jira, dabcan meelo kale oo dalka ka mid ah sida Kismaayo ilaa xad, iyo Dhoobleey oo wadooyin iyo garoomo diyaaradeed ay biyo fariisteen. Taasina waa caqabad aad u weyn maadaama aanan u isticmaali karin wadooyinka in aan saadka gaarsiino ciidamada,” ayuu yir Dorn.

Gaashaanle Sare Safe ayaa sheegay in fatahaadda ay saameyn karaan nadaafadda guud iyo caafimaadka ciidamada iyo bulshada ku xeeran. 

"Iyadoo ay sabab utahay wasakhowga iyo suurtagalnimada in ay dilaacaan cudurrada biyaha ka dhasha oo sarreysa, biyaha meelaha fariista waxay khatar ku noqon karaan caafimaadka dadka," ayuu xusay Gaashanle Sare Safe oo uga warbixiyay wafdiga UNSOS iyo ATMIS isagoo siiyay warbixin guud oo ku saabsan xaaladda Saldhiyada furiimaha hore iyo deegaannada deriska la ah.

Intii ay ku guda jireen booqashada ayaa saraakiisha ciidamada ATMIS ee dalka Kenya waxa ay sidoo kale uga warbixiyeen wafdiga saameynta fatahaadaha ay ku yeesheen adeegyada muhiimka ah iyo hawlaha shaqo iyo saadka ee ciidamada. 

Si loo yareeyo waxyeellada, UNSOS waxa ay bixinaysaa gargaar muhiim ah oo lagu yareynayo fatahaadda sida jawaannada ciidda, qalabka ciida difaaca lagu shubo ee Hesco, xirmooyinka adeegga caafimaadka iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah oo ay ka mid yihiin matoorada biyaha iyo tuubooyinka si looga saaro saldhigyada biyaha la fariistay, loogana yareeyo saameynta fatahaadaha ay ku yeelanayaan howlaha ciidamada.

"Waxaan si dhow ula shaqeynaa ciidamadu si aan wax uga qabanno si wadajir ah baahiyahooda iyo arrimaha kale ee hortabinta uleh. Taasina waxay la macno tahay in aan bixinno dhammaan noocyada kala gedisan ee taageerada dhanka saadka ah iyo adeegyada kale ee aan hayno. Waxayna taasi keentay in ay sare u kacdo xaaladda nololeed iyo ammaanka ee ciidamada. Labaduba marka ay loo eega ciidamada ATMIS iyo kuwa Soomaaliyeed si ay u fuliyaan waajibaadkooda shaqo," ayuu yiri Dorn. 

 

 

 

Article type