Xoghayaha Guud - Farriin ku Saabsan Maalinta Caalamiga ah ee Dadka Naafada ah

3 Dec 2023

Xoghayaha Guud - Farriin ku Saabsan Maalinta Caalamiga ah ee Dadka Naafada ah

New York – Maalinta caalamiga ah ee dadka naafada ee sanadkan waxa ay ina xasuusinaysaa in gaarista Himilooyinka Horumarka waara ay u baahantahay in laga dhabeeyo ballan-qaadkii ahaa in aan cidna laga tegin, gaar ahaan dadka naafada ah oo dhan 1.3 bilyan oo qof adduunka oo dhan.

Maanta, iyadoo la joogo nuskii Ajendaha 2030, dadka naafada ah waxay wali la kulmaan takoorid dhinaca nidaamka ah  iyo caqabado xaddidaya ka mid ahaanshahooda macnaha leh ee dhammaan qaybaha bulshada.

Horumarka dhabta ah ee waara ee dadka naafada ah waxay u baahan yihiin in diiradda la saaro baahiyahooda iyo xuquuqdooda - ma aha oo kaliye iney noqdaan ka faa'iidaystayaal balse waa in ay noqdaan ka qaybqaatayaasha firfircoon ee bulshada, dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Tani waxay ka dhigan tahay in la hubiyo in dadka naafada ahi ay joogaan miis kasta oo go'aan qaadashada, si waafaqsan Axdiga Xuquuqda Dadka Naafada ah, iyo dhammaan dadaallada waddamada si loo gaaro yoolalka Horumarineed ee Joogtada ah - laga bilaabo ciribtirka faqriga, horumarinta caafimaadka, waxbarashada iyo cimilada.

Qaramada Midoobay ayaa ah Tusaale hormuud utahey sida Istaraatiijiyadeeda ka qaybgalinta Naafada, iyo iyadoo taageereysa Dawladaha xubnaha ka ah inay horumariyaan, lana socdaan, dadka naafada ah.

Maalintan muhiimka ah, waxaan ugu baaqayaa adduunka in ay la shaqeeyaan dadka naafada ah si ay u qaabeeyaan noloshooda una gudbiyaan xalalka ku salaysan xuquuqda siman ee waddan kasta iyo bulsho kasta.

Article type