UNSA oo qabatay siminaarkeeda ugu horreeya ee Tababarka Wakiilladda Hay’adaha

6 Dec 2017

UNSA oo qabatay siminaarkeeda ugu horreeya ee Tababarka Wakiilladda Hay’adaha

Si loo xoojiyo wada-shaqeynta howlgallada iyo isku duwidda tababarka sinyaalaha, Dugsiga Tababarka Sinyaalaha ee Qaramada Midoobay ee loo soo gaabiyo UNSA ayaa waxaa uu siminaar aan noociisa horey loo qaban u qabanqaabiyay wakiillada hay’adaha la shaqeeya UNSA. Siminaarka oo taariikh 22 ilaa iyo 24 ee bisha Nofeembar 2017-ka lagu qabtay Xarunta Adeegga Gobolka ee Entebbe, dalka Uganda, ayaa waxaa ka qaybgalay toban qof oo ka socday hay’adaha iskaashiga la sameeya UNSA ee kala ah MINUSCA, MINUSMA iyo UNMISS iyo UNSOS, oo ah bah-wadaagta hadda ee UNSA, iyo sidoo kale xubnaha UNSA ee ka socda Xarunta Qaramada Midoobay ee New York iyo Entebbe.

Tababarka Wakiillada Hay’adaha ee socday seddax maalmood waxaa la qabtay kaddib talooyin ka soo baxay qiimeynta baahiyada tababarka oo ay qabteen kooxda UNSA ee New York inta u dhaxeysa bilaha Abriil iyo Sebteembar ee 2017-ka. Natiijooyinka ka soo baxay ayaa waxaa lagu shaaciyay baahida loo qabo in la wanaajiyo wada-shaqeynta lana horumariyo wax qabadka isku dhafka ah.

Siminaarka waxaa looga gol lahaa in lagu aqoosado caqabadaha kala duwan, casharrada la bartay iyo fursadaha ku aadan taageeridda in tababar joogta ah oo waara la siiyo sinyaalaha iyo ciidamada iyada oo loo marayo tababarka wareega kuwaas oo lagu qabanayo gudaha Xarunta Adeegga Gobolka ee Entebbe iyo xarumaha hay’adaha la matalay. Waxaa ka mid ahaa bandhigyo ay soo bandhigeen hay’adaha iyo kooxda UNSA waxaana daba socday kulamo wada hadal, socod lagu sameeyay xarumaha tababarka ee UNSA iyo booqasho loo tagay fasalka tababarka hordhac ah u soo dhaweynta.

Natiijooyinka siminaarka MTFP waxaa ka mid ah in ay qaybgalayaashu ay isku afgarteen tallaabooyinka soo socda: in la sameeyo qorshe dhammeystiran ee u dhaxeeya hay’adaha; in la is waafajiyo tababarka iyo manhajka tababarka ee dhammaan hay’adaha; in isku mid laga dhiga habka uruurinta xogta iyo warbixinta iyo nidaamyada raad-raadinta, iyo in agabyada kale ee maareynta aqoonta; in la sameeyo liiska dadka tababarka qaadanaya; iyo la wadaago hantida. Waxaa xoogga la saaray in si firfircoon loo qabto howlahan si wadajir ah, iyo sidoo kale in la sameeyo warbixin lala xisaabtami karo.

Waxaa si guud lagu heshiiyay faa’iidooyinka ay leedahay in si joogta ah loo qabto siminaarrada kaasi la mid ah. Taasi waxaa ay bixineysaa fursad dheeraad si ay wada-xaajood dhex timaaddo UNSA iyo hay’adaha si loo fududeeyo is dhaafsiga macluumaadka iyo wada-hadalka ku saabsan hirgelinta howlaha wadajirka ah. Siminaarka soo socdo, waxaa la rajeynayaa in ay ka qayb-qaataan hay’ado kale haddii ay ku biiraan iskashiga. 

Article type