Soomaaliya oo qabatay shir heer sare oo looga arrinsanayo qorshaha xil-wareejinta amniga

4 Dec 2017

Soomaaliya oo qabatay shir heer sare oo looga arrinsanayo qorshaha xil-wareejinta amniga

Muqdisho – Shirka heer sare oo looga hadlayo amniga Soomaaliya ayaa lagu heshiiyay in “si degdeg ah loo sameeyo qorshe xilwareejin ah oo macquul ah kuna saleysan shuruudo”, si xilka mas’uuliyadda amniga laga wareejiyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya laguna wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

Qayb ka mid ah war-murtiyeedka ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka ah ayaa waxaa ku qoran, “Qorshahan waa in uu hago xukunka sharciga, dhowrista xuquuqda aadanaha waana in uu ku jiro ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata, xasilinta iyo dowladnimada”.

Kulanka oo ka dhacay caasimadda Muqdisho ayaa sidoo lagu heshiiyay in la dhiso qorshaha hannaan xil-wareejinta tani iyo Diseembar 31, 2017, “iyada oo laga gol leeyahay in la dhammeystiro qorshaha xil-wareejinta ee qabyada ah ka hor Dib u Eegista Wadajirka ah ee AMISOM ee sanadka 2018-ka”.

“Tani waxaa ay u baaahan tahay wada-shaqeyn dhow iyo iskaashi u dhaxeeya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada, iyo iskaashi u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, si loo xaqiijiyo in la helo natiijooyin cad”.

Qorshaha xil-wareejinta, waxaa la sameyn doonaa istarateejiyad lagu diyaariyo shuruudaha xil-wareejinta. Waxaa uu qorshaha qorayaa waxyaabo ay ka mid yihiin in la helo “ciidan la awoodi karo kharashkooda, lala xisaabtami karo oo la aqbali karo”, kuwaas oo awood u leh in ay sugaan amniga guud ahaan Soomaaliya.

“AMISOM waxaa ay sii wadi doontaa taageeridda xil-wareejinta, iyada oo u mareyso howlaha mudnaanta la siiyay, ee ku xusan Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee cadadkiisu yahay 2372”, ayuu war-murtiyeedku sidoo kale qoraya.

Howlaha si wadajir ah ay u qaban doonaan AMISOM iyo Ciidamada Xoogga Soomaaliya waxaa ka mid noqon doonaa sugidda amniga Waddooyinka Muhiimka ah, sugidda ammaanka goobaha ay bulshada iskugu yimaadaan; iyo sidoo kale hagidda ciidamada ammaanka ee Soomaaliya kuwooda militariga ah iyo Booliskaba.

Ka qaybgalayaasha shirka ayaa ku heshiiyay in si degdeg ah loo hirgeliyo Qaab-dhismeedka Amniga Qaran kaas oo udub-dhexaad u ah in lagu guuleysto dib u habeyn waarta ee dhinaca amniga, iyo in mas’uuliyadda koowaad ee amniga laga wareejiyo AMISOM laguna wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

Arrimaha mudnaanta la saaray in la hirgeliyo waxaa ka mid ah isku-dhafka ciidamada maamul goboleedyada iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

Joogteynta taageerrada caalamiga si loo dhiso awoodda ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo hay’adaha ku howl leh ammaanka ayaa sidoo kale la soo hadal qaaday in si degdeg ah wax looga qabto

Shirka amniga ee Soomaaliya waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”, kaas oo hoosta ka xarriiqay horumarka bilaha ugu dambeeyay laga gaaray fulinta dib u habeynta amniga iyo wanaajinta midnimada Dowladda Federaalka ah iyo xubnaha Maamul Goboleedyada.

“Qiimeynta Diyaar-garowga Howlgalka waa la dhaammeystiray waxaana ogaannay awoodaha, daloollada iyo casharrada ee ku aaddan ciidamada Booliska iyo kuwa Xoogga Dalka. Waxaan tani u adeegsan doonnaa wax aan ku ogaanno aanna ku fulinno dib u habeynta loo baahan yahay,” ayuu Madaxweyne Farmajo ku yiri khudbaddiisa furitaanka shirka.

Waxaa uu madaxweynaha intaasi ku daray, “Waxaa aan bilownay hannaan casri ah ee diiwaangelinta macluumaadka ciidamadeenna si ay si toos ah mushaarkooda uga qaataan bangiyada”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in arrinta mudnaanta u ah dowladda ay tahay in ay dardargeliso qorshaha in la helo ciidan mideysan oo tayeysan lalana xisaabtami karo si uu waddanka u noqdo meel ammaan u ah shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladdiisu ay ka go’an tahay in hormuud ay ka noqoto amniga dalka balse waxaa uu xusay in ay jirto baahi degdeg ah in la tayeeyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ka hor inta aan mas’uuliyadda amniga ee dalka lagu wareejin.

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano ayaa ku nuuxnuuxaday in midnimada madaxda Soomaaliyeed ay tahay arrin loo baahan yahaysi loo gaaro nabad waarta. Waxaa uu sheegay in dib u habeynta amniga ee Soomaaliya aan si wax ku ool ah loo hirgelin karin iyada oo aan midnimo jirin.

Saboolnimada baahsan, colaado, naceybka, ciil-qabka bulshooyinka, loolanka dhinaca afkaarta, xagjirnimada rabshadaha wata iyo argagixisada ayaa ka mid ah waxyaabaha sii hurinayaa sugnaansho la’aanta jawiga siyaasadeed iyo amniga ee dalka. Midnimada madaxda Soomaalida ayaa loo baahan yahay si wax looga qabto caqabadahani loona xalliyo si dhammeystiran oo loo dhan  yahay, dadaal joogta ahna la geliyo,” ayuu xusay.

Danjire Madeira ayaa ku celceliyay in beesha caalamka looga baahan yahay in ay bixiso agabka loo baahan yahay si ay AMISO iyo Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya ay awood ugu yeeshaan in ay gutaan waajibaadkooda.

“Deeqsinimada bah-wadaagteenna ayaan ku baaqeynaa waayo haddii aan ku guuleysanno in aan waddankani aan uga adkaanno Al-Shabaab, guul ayay noo tahay. Midowga Afrika guul ayay u tahay sababta oo ah qaarada ayaa noqoneysaa mid ammaan ah waxaana suurtagal noqoneysaa in aan gaarno yoolkeenna ugu muhiimsan ee ah horumarinta qaaraddeenna. Soomaaliya guul ayay u tahay waayo shacabka Soomaaliya waxaa ay heli doonaan jawi wanaagsan ee ay naftooda isku horumariyaan, sidoo kale bah-wadaagta caalamiga ahna guul ayay u tahay sababta oo ah ganacsi iyo xiriirka caalamiga ah ayaa wanaagsanaan,” ayuu yiri Danjire Madeira,

Kulankani Amniga oo ay soo qaban-qaabiyeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, AMISOM iyo Qaramada Midoobay ayaa looga gol lahaa in laga wada-hadlo horumarka Habka Dhammeystiran ee loo Wajaho amniga dalka, wuxuuna daba socday Shirki London ee la qabtay bisha Maay 2017.