Tabarucayaasha QM ee Soomaaliya oo xusay Maalinta Tabarucayaasha Caalamiga

7 Dec 2017

Tabarucayaasha QM ee Soomaaliya oo xusay Maalinta Tabarucayaasha Caalamiga

Muqdisho – Tabarucayaasha QM ee Soomaaliya ayaa 6-da Diseembar xusay munaasabadda Maalinta Tabarucayaasha Caalamiga ayaga oo mar kale xaqiijiyay in ay si hagar la’aan u shaqeyn doonaan si ay saameyn wanaagsan ku yeeshaan bulshooyinka ku nool meelaha ya ka howlgalaan.  

Munaasabaddan oo looga gol leeyahay in dib loo milicsado loona aqoonsado dadaalka ay tabarucayaasha ku bixiyaan fal-celinta dhibaatooyinka una badbaadiyaan nolosha dadka ayaa waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin sare ee ka socday Qaramada Midoobay.

“Aniga oo ku hadlaya magaca Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay, waxaan jeclahay in aan mahadcelin ka bixiyo kaalinta wanaagsan ee Tabarucayaasha QM, dowrka ay ka ciyaaraan howlaha QM ee Soomaaliya,” ayuu yiri ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Raizedon Zenenga.

Madaxa UNSON, Hubert Price, ayaa xusay in barnaamijka tabarucayaasha QM uu horseeday in la helo shaqaale kaalin muhiim ah ka ciyaaray howlaha Qaramada Midoobay guud ahaan caalamka.  

“Waxaan rajeynayaa in barnaamijka Tabarucayaasha QM uu qayb muhiim ah ka noqon doono howlaha aan qabanno sanado badan oo soo socdo,” ayuu yiri Price.

“Waxaan rajeynayaa in uu ahaa waayo aragnimo nooceeda ah oo aad wax ka faa’iddeen; in aad ku dhiiriggelin doontaan dadka kale in ay yimaadaan oo ay ku daydaan waxaa aad qabateen”.

George Conway oo ah Agaasimaha heer Qaran ee Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) ayaa barnaamijka Tabarucayaasha Qaramada Midoobay ku tilmaamay qayb muhiim ah oo ka mid ah nidaamka QM, waxaa uuna ku dhiiriggeliyay in tabarucayaal laga helo dhammaan hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Soomaaliya.

“Waxaan arkay in ay jiraan shan hay’adood ee ay joogaan tirada ugu badan ee Tabarucayaasha Qaramada Midoobay guud ahaan dalka, waana arrin aan jecelnahay in aan wax badan aragno,” ayuu yir Conway.

Waxaa jira 60 Tabarucayaal QM oo u shaqeeya hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Soomaaliya, 51 ka mid ah waxaa ay joogaan magaalo madaxda gobollada kuwaas oo ah kala Baydhabo, Beledweyne, Bossaso, Gaalkacyo, Garowe, Hargeysa iyo Kismayo; halka sagaalka kale ay joogaan Nairobi.

Munaasabadda Maalinta Tabarucayaasha Caalamiga ah oo ay meelmarisay Qaramada Midoobay waxaa sanad waliba la xusaa 5-ta bisha Diseembar. Maalinta waxaa ay bixisaa fursad lagu shaaciyo kaalinta muhiimka ah ay ciyaaraan tabarucayaasha la shaqeeya hay’adaha ka jawaaba dhibaatooyinka guud ahaan caalamka. 

Article type