UN oo Maamuustay Ciidanka Ingiriiska ee ka Howlgalo Soomaaliya

9 Jan 2018

UN oo Maamuustay Ciidanka Ingiriiska ee ka Howlgalo Soomaaliya

Mogadishu - Tiro 31 ciidan oo ka socda dalka Ingiriiska oo soo gabogabeynayaa muddo xileedkooda ay la shaqeynayeen Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaliya (UNSOS)  ayaa maanta billad sharaf lagu guddoonsiiyay waxqabadka wanaagsan ee ay ka qabteen Muqdisho.

Ergayga Gaarka ah ee Xog-hayaha Qaramada Midoobay Michael Keating oo uu weheliyo Madaxa UNSOS ee Hubert Price ayaa ciidamada guddoonsiiyey Billad Sharafka Qaramada Midoobay ee Waxqabadka Heerka Sare.

Mudane Keating ayaa ciidamada Ingiriiska ku ammaanay dadaalkooda iyo ka kaalintooda waxgalka ah ee ku aaddan dadaallada nabadeynta Soomaaliya. 

Waxaa hadalkiisa sidoo kale carrabka ku adkeeyay Mudane Price oo ciidamada ugu boogaadiyay kaalintooda lixaadka leh ee ku aaddan dadaallada loogu jiro xasilinta Soomaaliya, iyaga oo bixiyay taageerro muhiim ah ee dhanka caafimaadka, saadka iyo injineernimo.

 “Aniga oo ku hadlaya magaca UNSOS waxaa aan fursaddan uga faa’iideysanayaa in aan idin kaga mahad celiyo waxqabadka xooggan ee aad u fidiseen dadka Soomaaliyeed, AMISOM (Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya) iyo bahda Qaramada Midoobay. Waxaa aan bogaadinayaa hagar la’aanta iyo dadaalka aad ka muujiseen waajibaadkiinna iyada oo ay jireen caqabado aad la kulanteen. Firfircoonida iyo wada-shaqeynta guud ee aad muujiseen waxaa ay ahayd mid heer sare ah,” ayuu yiri Mudane Price.

Ciidamada la guddoonsiyay abaal marinta ayaa qayb ka ah koox ciidan oo ballaadhan oo loo yaqaanno UK 70. Danjiraha Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, David Concar ayaa ugu hambalyeeyey kooxda UK 70 dowrka ay ka qaateen nabadda Soomaaliya, waxaa uu na xusay in Ingiriiska ay ka go’an tahay in ay gacan ka geysato xasilinta Soomaaliya.

Billad Sharafka Qaramada Midoobay ee Waxqabadka Heerka Sare ayaa waxaa la aasaasay 1995-tii si loogu sharfo ciidamada Qaramada Midoobay kala shaqeeya arrimaha ka baxsan howlgallada nabad-ilaalinta iyo Xarumaha Qaramada Midoobay. 

Article type