Waaxda Qaramada Midoobay ee Taageerrada Howlgallada oo daah-furtay waji cusub ee lagu tababarayo ciidamada nabad-ilaalinta Afrika

16 Jan 2018

Waaxda Qaramada Midoobay ee Taageerrada Howlgallada oo daah-furtay waji cusub ee lagu tababarayo ciidamada nabad-ilaalinta Afrika

Nairobi – Waaxda Qaramada Midoobay ee Taageerrada Howlgallada (DFS) ayaa bilowday waji cusub ee lagu tababarayo ciidamada nabad-ilaalinta Afrika, kaas oo diiradda lagu saari doono hawlaha culus ee injineernimada.

Labo iyo toban ciidan oo laga soo kala xulay waddamada Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda, Zambia iyo Ethiopia ayaa ka mid ah ciidamada qaadanayo Tababarka Tababar-bixiyeyaasha ee socon doono muddo seddax bilood kaas oo ku saabsan hawlaha injineernimada culus xilliga nabad-ilaalinta, oo lagu qabanayo dugsiga Humanitarian Peace Support School (HPSS) oo ku yaallo caasimadda dalka Kenya, ee Nairobi.  

Julian Otinkorang oo ah ku Xigeenka Maareeyaha Mashruuca loo yaqaanno Mashruuca Iskaashiga Seddax-geesoodka (TPP) oo hormuud ka ah tababarka ayaa sheegay in barnaamijkan looga gol leeyahay in lagu kobciyo awoodda ciidamada militariga Afrika, iyada oo wax laga qabanayo caqabadaha dhinaca injineernimada ee haysta ciidamada militariga ee Afrika.

“Waxaan xoogga saareynaa dhisidda kartida iyada oo aan tababar siineyno ciidamada ka kala yimid waddamada Afrika ee ciidamada nabad-ilaalinta deeqa si ay aqoonta ay korodhsadeen ula laabtaan ayna kuwa kale ugu faa’iideeyaan,” ayuu yiri, asaga oo intaasi raaciyay in tababarka uu “yeelan doono saameyn aad u weyn”.

“Waddamada dhammaantood ma keeni karno Nairobi. Balse, markaan u diyaarinno tababar-bixiyeyaal ay ayagu leeyihiin, waxaan awood u yeelaneynaa in aan kuwo badan tababarno, taasina waxaa ay si weyn u suurtagelineysaa in si degdeg ah ciidamo nabad ilaalin ah la diro”.

Tani iyo markii sanadkii 2015-tii la bilaabay in la bixiyo koorsooyin ay gacan ka geysaneyso Qaramada Midoobay, 170 askari oo ay waddamadooda soo xuleen ayaa la siiyay tababarka cillad bixinta iyo ka shaqeynta makiinadaha injineernimada.

Dadka horey uga faa’iideystay tababarkan oo lagu barto howlaha culus ee injineernimada oo muhiim u ah howlagallada nabad-ilaalinta ayaa waxaa ka mid ah, 11 ciidan oo ka soo jeeda Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), 60 askari oo ka socday dalka Kenya, 10 ka socday dalka Rwanda, 9 ka socday Uganda, iyo 7 ka soo jeedda Ghana.

Ethiopia ayaa sanadkan laga qayb-galiyay tababarka oo ay ciidamadu ku qaadan doonaan casharro kala duwan.

Kenya ayaa bixineysay goobta lagu qaadanayo tababarka TPP, oo lagu bilaabay dadaal wadajir ah oo u dhaxeeya Qaramada Midoobay, dowladaha Swtizerland, Japan iyo Waddamada Ciidamada Deeqay.

“Waan hubaa in bilowga tababarka maanta uu qayb muhiim ah ka qaadan doono xoojinta iskaashigan. Tababarkani waxaa maalgeliyay Dowladda Japan oo la kaashaneyso Switzerland, iyo Qaramada Midoobay. Waa barnaamij isbeddel weyn keenayo oo aan ku faraxsanahay in aan qayb ka ahay,” ayuu yiri Korneyl Stephen Radina, oo ah Taliyaha dugsiga Humanitarian Peace Support School.

Iyada oo loo marayo Xarunta Caalamiga ah ee Tababarka Taageerrada Nabadda (IPSTC), HPSS waxaa uu joogteeyay xiriir wada-shaqeyn ah oo ku aaddan cilmi-baadhis, tababar iyo karti-dhis oo uu la sameeyay Qaramada Midoobay iyo dowladda Switzerland.

Mashruucan oo askarta lagu barayo xirfado kala duwan, oo ay ka mid yihiin dhisidda iyo dayactirka garoomada diyaaradaha, nadiifinta goobaha howlgallada, diyaarinta xerooyinka ciidamada iyo dayactirka meesha ay ku soo degaan diyaaradaha, waa mid u furan guud ahaan Afrika.

Otinkorang ayaa shaaca ka qaada in la qorsheynayo in tababarrada la bixin doono mustaqbalka lagu dari doono koorsooyin ku saabsan naqshadeynta injineernimada. 

Article type