Siminaar ku saabsan “Sida ganacsi loola sameeyo Qaramada Midoobay” oo lagu soo gebagabeeyay Baydhabo

6 Sep 2018

Siminaar ku saabsan “Sida ganacsi loola sameeyo Qaramada Midoobay” oo lagu soo gebagabeeyay Baydhabo

Baydhabo – Qaramada Midoobay ayaa soo gebagabaysay siminaar laba maalmoood socday oo loogu talagalay ganacsatada Soomaaliyeed kaas oo ku saabsanaa “Sida ganacsi loola sameeyo Qaramada Midoobay.”

Siminaarkan oo uu soo qaban qaabiyay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ayaa waxaa looga dan lahaa in la baro dadka ganacsatada ah ee gobolka sidii ay isugu diiwaangelin lahaayeen si ay uga mid noqdaan shirkadaha ka diiwaangashan Suuqa Caalamiga ah ee Qaramda Midoobay (UNGM), oo ah bog guud ee wax iibsiga oo ay leeyihiin nidaamka hay’adaha Qaramada Midoobay. Siminaarku kaliya wax ma uusan barin shirkadaha, laakiin sidoo kale waxaa uu ogaysiiyay sida loo ogaado fursadaha ganacsiga ee ku jira UNGM.

Suuqa Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay (UNGM) waxaa uu isu keenaa shaqaalaha wax soo iibsiga Qaramada Midoobay iyo shirkadaha ganacsi, waxaa uuna yahay sidii hal goob kaas oo ay shirkadaha doonaya in ay ganacsi la sameeyaan QM ay iska diiwaangelin karaan hay’ado kala duwan ee QM ayaga oo adeegsanaya boggooda.

Siminaarku waxaa ka qayb galay wakiilo ka socda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Koonfur Galbeed iyo sidoo kale milkiilayaasha shirkadooyin dhowr ah.

“Ujeeddada siminaarkan ganacsiga waa in la caawiyo dadka deegaanka ah lana baro sida looga mid noqdo UNGM iyo sida ganacsi loola sameeyo Qaramada Midoobay,” ayuu ku sharraxay Mudane Kofi Bannerman oo ah Mas’uulka Wax Soo Iibsiga ee UNSOS, isaga oo intaa ku daray in Qaramada Midoobay ay doonaysay in ay xoojiso xiriirka ay la leedahay ganacsatada Koonfur Galbeed.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Warsame Muxumed Dhaqane ayaa si rasmi ah u furay siminaarka isaga oo sheegay in kulanku uu ganacsatada maxalliga ah ka caawin doono in ay fahmaan fursadaha iyo faa’iidooyinka laga helo in ganacsi lala sameeyo Qaramada Midoobay.

“Maanta waxaa aan siminaar u furnay ganacsatada magaalada Baydhabo oo isugu jira shirkado waaweyn iyo kuwo yaryar iyo rugta ganacsiga si aan u siinno tababar ku saabsan sida ganacsi loola sameeyo Qaramada Midoobay,” ayuu yiri wasiirku isagoona xusay in Qaramada Midoobay iyo dowlad goboleedka ay wada yeesheen wadahadallo ku saabsan qaababka fursadaha ganacsiga loogu ballaarin lahaa dadka deegaanka.

Wasiirka ayaa bogaadiyey xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Qaramada Midoobay iyo Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaa uuna muujiyey rajo ah in shirkado maxalli ah oo dheeri ah ay u suurtogeli doonto in mustaqbalka dhow ay ganacsi la sameeyaan hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay.  

Intii uu siminaarka socday Mas’uulka Iibsiga ee UNSOS Margarito De Castro Jr ayaa ka soo qaybgelayaasha baray qaabka ay u shaqeeyso UNGM. Waxaa uu xusay in diiwaangelinta ay sameeyeen ilaa 23 shirkad oo deegaanka ah inti uu socday siminaarka ay daliil u tahay in shirkadaha ay diyaar u yihiin in ay ganacsi la sameeyaan Qaramada Midoobay.

Isaaq Nuur Aadan oo matalayey Shirkadda Dhismaha iyo Adeegyada Guud ee Dheksuuf oo hadlay gebagebadii siminaarka kaddib ayaa sheegay in ka soo qaybgaleyaasha ay heleen macluumaad waxtar leh oo ku saabsan sida ganacsi loola sameeyo Qaramada Midoobay.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan ka qaybqaato siminaarkan oo diiradda lagu saarayay sidii la isu diiwaangeliyo isla markaana ganacsi loola yeesho Qaramada Midoobay. Waxaannu ka helnay xirfadooyin badan kuwaasi oo mustaqbalka faa'iido u noqon doonno anaga iyo Maamulka Koonfur Galbeedba,” ayuu yiri Aadan.

Siminaarkani waa kii saddexaad ee lagu qabtay Maamulka Koonfur Galbeed, kaddib markii labo kale sanadkii hore lasoo qabtay.

 

Article type